SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

Ku: Isimada Dawlad Goboleedka Puntland, Goobtooda
Ku: Guddiga ansixinta xubnaha golaha wakiilada, Garoowe
Ku:Maxkamadda Sare ee DGPL, Garoowe
Og: Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Garoowe


Ujeeddo: Diidmo ayo dacwad ku wajahan habqaybiska Xubnaha cusub ee Gobolka Nugaal u matalaya Baarlamaanka Puntland.

Anagoo ah Beesha Reer-Cumar (Umad-Nabi), ahna beesha ugu faca dheer ee degta deegaamada Nugaaleed, taariikh hufan oo karaamo iyo xurmad lehna kula noolayn dhamaan walaalaha aan ood iyo dhiigwadaaga nahayn ee reer Nugaaleed.

Anagoo xubin ku lahayn baarlamaanka Puntland ee wakhtiguusu dhamaadan, nalagana filayay in Isimka reerku soo gudbiyo soona ansaxiyo xubintii cusbayn ee nooga mid noqon lahayd Baarlamanka cusub ee Puntland, ayaanu waxaan halkaanka cadaynaynaa inaanu gudbinay xubintii beesha.

Waxaa fajaciso iyo la filan waa nagu noqotay hab dhaqanka iyo indha adayga ay ku kaceen rag ka mid ah Isimadda Nugaaleed kuwaas oo ku dhaqaaqay faragelin howl aysan shuqul ku lahayn, eexasho iyo dhaqan aan hore looga baran bahwadaagta iyo ood wadaagta Nugaaleed kula kacay Reer Cumar. Taas oo ah in kursigii ay beesha reer Cumar ku lahayd gobolka ay degto ee Nugaaleed loo balan qaaday , la siiyayna qabiil kale, taas oo aan oran karno waa fal keeni kara xasarad iyo isku dir dad walaalo ah, taas oo ciribteedu noqon karto mid aan lagu xamdiyi doonin.

Dulmiga maanta lagu kacayna maaha mid ku kooban beesha Reer Cumar balse ficinkaan iyo dhaqankaan foosha xun ee cusub waa mid lagula kacay beesha Meheri (Carab Saalax) oo ah beel ka mid ah kuwa daga facwayna ku leh Gobolka Nugaal.

Sidaa awgeed waxaan Isimadda Puntland ee Sharafta leh ku wargelinaynaa in ay soo fara geliyaan oo wax ka qabtaan dhaqankan xun ee maanta lagula kacayn beelaha ugu faca wayn Nugaal waa Reer Cumar iyo Meheriye.

Waxaan Gudigga Khilaafaadka ka codsanaynayaa inaysan indhaha ka saaban oo ay soo farageliyaan go'aan cad oo deg-deg kuna salaysan cadaalad ka soo saaraan ficilkaan ku cusub Bahwadaagta Puntland iyo Oodwadaagta reer Nugaaleed. Waxaan guddiga xushmada mudan ka rajaynaynaa in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ugu soo celiyaan kursiga beesha laga dhacay dharaarta cad. Waxaan kale oo gudigga ka codsanaynaa in kursigii laga dhacay beesha sharafta leh ee Meherina loo soo celiyaa kursigooda.

Waxaan Maxkamada Sare ka codsanaynaa inaysan indhaha ka qarsan dulmiga lagula kacayo qaar ka mid ah dadka walaalaha ah ee reer Puntland, waana in maxkamadu ilaalisaa sharciga, midnimada, amniga iyo wada degenaanshaha beelaha ku bahoobay maamulka Puntland.

Waxaan dhamaan Bahwadaagta walaalaha ah ee Reer Puntland u sheegaynaa in Beesha Reer Cumar aysan cidna marti ugu noqon doonin deegaanka Nugaaleed, ogolaana doonin in dharaar cad lagula kaco dhac aan geedna loogu soo gaban.

Waxaan shacabka reer Puntland xusuusinaynaa in Puntland ay tahay maamul ay ku shariikoobeen dhamaan qabiilada dega Puntland, sidaa awgeed cid gooni u lehna aysan jirin, cidkasta oo isku dayda inay afduubto , dhacdo, majaraha toosana ka habaabiso habsocodka iyo hanaanka maamul ee Puntland in ay waajib tahay in meel looga soo wada jeesto.

Wabilaahi Towfiiq.


Beesha Reer Cumar, (Umad-Nebi)
Garoowe, Puntland

Wixii faahfaahin ah waxaad nagala soo xiriiri kartaan : reercumar@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS