Warsaxaafadeed: Ka soo baxay xaafiiska warfaafinta ARS ee Asmara.
Waxaa maanta Ka Soo baxay warsaxaafadeed ku aadan Iscasilaada
Cabdulaahi Yuusuf iyo Burburka Soo Wajahay Kooxda Imbaghati, Bixitaanka
La Hadal Hayo Ciidamada Gumaysiga Iyo Dagaalada Gobalada Dhexe.
Mahad oo dhan waxaa leh Allaah (SW), nabadgeliyo iyo naxariisina ha
ahaato Rasuulka (SCW)
Ugu horayn waxaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyaynaynaa
dhibaatooyinka isugu jira dilka, barakaca iyo xasuuqa joogtada ah ee ay
ku hayaan cadowga ku soo duulay Dalka, Dadka iyo Diinta iyo kuwa daba
dhilifka u ah oo ay ugu danbaysay kuwii shalay ka dhacay Magaalada
Muqdisho.
Marka xiga, waxaan doonaynaa inaan maanta halkaan ugu cadayno ummada
Soomaaliyeed meel walba ay joogto oon ka codasanayanaa inaysan marnaba
kala qaadin 275 u shaqaynaynay gumaysiga iyo kuwa wasiir ku sheega u ah
oo wax la qabanayay oon ayaga ku jirin tiradaa balse shaqada qayb ka
ahaa anaga ka Isbahaysi ahaan anagoo matalayna Ummada Soomaaliyeed
waxaan u aragnaa inay isku mid yihiin intoodaba oo aysan wax u bedelayn
umada Soomaaliyeed hadii mid ka tago iyo hadii uu mid joogaba balse
waxaan ka codsanayanaa una sheegaynaa inay intuusan gumaystaha cararin
ay iska baxaan Allena uga towbad keenaan dunuubta ay ka galeen ummada
Soomaaliyeed.
Waxaan cadaynaynaa una sheegaynaa inay fahmaan danaha gumaysataha
kaas oo ah inuusan marnaba u danaynayn shacabka Soomaaliyeed ayagana
kala jaclayn waxaan tusaale ugu filan halka ay maanta ku danbeeyaan
kuwoodii ugu sareeyay.
Waxaan anaga mar walba noo cad oo noo muuqda inaysan jirin wax
cadaynaya inuu gumaystaha doonayo inuu ka baxo dalkayaga balse waxaa
cad oo marag ma doonta ah inuu doonaya inuu nakala qaybiyo ood aragtaan
umadii Soomaaliyeed inuu qabiil qabiil markuu dhameeyay hadana uu
doonayo inuu naku kala saaro dariiqooyin iyo firqooyin.
Marka waxaan marnaba la qarin Karin dhibaatooyinka ka jira maanta
wadankeena oo haysta shacabkeena oo ay ugu danbaysay xasuuqii uu shalay
iyo doraad ka gaystay magaalada muqdisho waliba ayada oo nasiib daro
tahay oo maanta dhinaca madaafiicda ka soo dhacayaan ay joogaan dadkii
shalay dagaalka nagula jiray qaar ka mid ah.
Intaa ka dib waxaan soo jeedinaynaa baaqaan.
1-waxaan cadaynaynaynaa in inta maamulka embaghati la soo shaqaysay
oo dhan isku kaaya mid yihiin iyo waxii la shaqeeyay oo dhan una
sheegayno inay ku fashilmeen siyaasada Soomaliya ee ay iskaga hor
wareegaan dadka.
2-waxaan ugu baaqaynaa walaalaha Soomaaliyeed ee isku dagaalaya
gobolada dhexe inay joojiyaan xabada waayo gumaystaha ayaa raba inuu
isku kaaya adeegsado waxaana ka codsanaynaa inay odayaasha ogaadana
wiilasha dhalinyarada oo loo adeegsanayo waa kuwii cadowga naga
difaacayay .
3-waxaan ugu baaqaynaa dadwaynaha ku dhaqan magaalooyinka uu
gumaystaha ka dhigtay saldhigyada sida Balanbal iyo Luuq inay ka
dhiidhiyaan cadowga oo la dagaalaan gumaystaha iskana celiyaan makala
jecla cadowga dhulka iyo dadka Soomaaliyeed ee waa inaad xanuujisaan.
3-waxaan cadaynaynaa inuu sharuud la ‘aan uga baxo dalkeena ciidamada
Ethiopia iyo kuwa la socdaba noona daayaan Danaheena anaga ayaa isku
filane.
5-waxaan ugu baaqaynaa kooxda jabuuti inay arkaan meesha ay u socdaan
iskagana soo noqdaan inta ay goori goor tahay ayna bilaabin maanta in
laisku adeegsado wiilashii shalay isku dhinaca ka soo wada jeeday.
6- waxaan alle casaawajale uga baryaynaa umada Soomaaliyeed sanadkaan
1430 ama 2009 inuu ilaahay ka dul qaado gumaysiga iyo dhibaatada ku
habsatay.
Waxaan cadaynaynaa in Isbahaysiga Dibuxoraynta Soomaaliyeed uu u
dhashay in uu badbaadiyo dadka dalka iyo diinta Soomaaliyeed. Uuna u
dhashay qodabadan 1- in uu waddanka qaaliga ah ka xoreeyo caddowga.
2-Wuxuu u dhashay in uu ummadda Soomaaliyeed gaarsiiyo xorriyad, horumar
iyo caddaalad. Uuna ka harayn kana tanaasulayn inta uu ka xaqiijinayo
hadafkaa.

Kuxigeenka Xoghayaha Warfaafinta Asmara
Maxamed Xaashi Abdi
hashi66@hotmail.com
31/12/2008