SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

Magaalada Liecester oo loogu qabtey koobka kubadda cagta dhalinyarada Soomaaliyeed ee da’doodu ka hoosaysa 16 sano iyo Qorituurrka koobka Super Cup-ka 2009.

Sawirada Halkan ka daawo...

London 27.02.2009. Ururka Liecester United oo ka dhisan magaalada Liecester oo ku taal bartamaha dalka Ingiriiska ayaa waxaa degan Soomaali aad u badan, ayaa waxaa lagu qabtey koob kubadda cagta oo loo dhigay dhalinyarada Soomaaliyeed ee da’doodu ka hoosaysa 16 sano iyo Qorituurka koob loogu magacdarey koobka Super Cup oo ay ku baritami doonaan kooxaha jaaliyada Soomaaliyeed ee ka dhisan dalalka Yurub, kuwaasoo noqday horyaalada koobabka loo qabto Qurba joogta isla markaana ka dhaca magaalooyinka London, Stockholm iyo Toronto.

Koobka dhalinyarada da’doodu ka yar tahay 16 sano jirada ayaa waxaa ka soo qayb galay sanadkaan 4 naadi, kuwaas oo kala aha Liecester United oo ka socotey magaalada Liecester, WPSC oo ka socotey magaalada Manchester, Kooxda Bermingham stars oo ka socotey magaalada Bermingham iyo kooxda Cardiff Warrior Bay oo ka socotey magaalada Cardiff.

Tartanka oo aad u xiisa badnaa isla markaana kooxaha ay is wada arkayeen ayaa noqday mid ay kooxaha iyo dhalinyarada ka qayb qaadanaysay tartanka mid aad looga helay isla markaana xiisa badnaa, waxaana tartanka lagu qabanayay garoonka weyn Moat Community College oo ku yaal bartamaha magaalada Liecester.

Waxaa ka soo qayb galay tartanka marti sharaf Sports iyo dad wayne aad u fara badnaa , kuwaas dhirigalinayay da’yarta Soomaaliyeed ee tartanka ka qayb qaadanaysay, kuwaasoo ay ka muuqatey farxad.

Furitaankii tartanka waxaa ka hadlay odayaal Sport iyo qaar tirsanaa ciyaartooydii dalkeena barisamaadkii oo dhamaantood lagu casumay inay ka soo qayb galaan tartanka si ay u dhirigaliyaan jiilka soo socda ee ka qayb galaya tartanka, masuliyiintii ka hadashay goobta waxay kala ahaayeen Mudanayaasha: C/qaadir Xuseen Bootaan ‘’ Isoomareey’’, Mohamed Faarax ‘’ Dabdamis’’ , Ahmed Nur Mohamed Xaashi ‘’Sayga’’, C/qaadir Caddaay, C/qaadir Biine iyo odayaasha magaalada Liecester, kadibna waxaa si rasmi ah u bilaabatey ciyaartii saacadu markii ay ahayd 12:00 duhurnimo, isla markaana waxaa garoonka martida iyo dhalinyarada kooxaha ka qayb qaadanaysay tartanka soo dhaweyn u muujiyay maamulka kooxda Liecester United, gaar ahaan madaxdooda sida Cumar Dheere, Cilmi Daqare, Shiine iyo Daa’uud.

Koobkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu qabtey magaalada Liecester waxay kooxaha kala galeen sidatan:
Waxaa kaalinta kowaad galay isla markaana noqday horyaalka dhalinyarada 16 sano kooxda Cardiff, kaalinta 2aad waxaa galau kooxda Manchester, kaalinta 3aad waxaa galay kooxda Bermingham, kaalinta 4aad waxaa galay kooxdii martida loo ahaa ee Liecester United.

Xaflad iyo casho sharaf loo sameeyay dhamaan kooxihii ka soo qayb galay tartankaan ayaa waxay ka dhacday habeenimadii Axada taariikhduna ahayd 22.02.2009, waxaana koobabkii iyo biladihiiba lagu gudoonsiiyay kooxihii ka soo qayb galay, waxana horyaalka noqday kooxda Cardiff isla markaana ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartankana waxaa noqday ciyaarta u sitey lambarka 11 kooxda Cardiff, waxaa xusid mudan in dhamaan ciyaartooydii ka qayb qaadanaysay tartanka dhamaantood inuu la gudoonsiiyay bilad sharaf muujinaysa inay ka soo qayb galeen tartanka.

Waxaa iyana halkaas bilado lagu gudoonsiyay TV Universal C/naasir Solo iyo Suni Sicid Saalax oo ah tafatiraha website SomSport .

QORITUURKA LIECESTER SUPER CUP 2009

Waxaa lagu qabtey hotel weyn oo ku yaal magaalada Liecester qorituurkii Liecester Super Cup 2009, koobaas oo ay soo qaban qaabiyeen ururka Liecester United isla markaana lagu casumay marti sharaf Sport , kooxaha ka qayb qaadanaya tartankan iyo Councilaarka magaalada Liecester iyo ururada ka dhisan magaalada Liecester iyo odayaasha magaalada Liecester.

Ugu horeyntii waxaa meesha ka hadlay oo barnaamijka xiriirinaayay gudoomiye ku xigeenka ururka Liecester United mudane Cilmi Daqare oo ka war bixiyay sida barnaamijka caawa u dhici doono, waxaana meesha warbixino ka jeediyay taariikhda ururka gudoomiyaha ururka Liecester United mudane Omar Xasan ‘’ Omar Dheere’’ oo ka warbixiyay koobka Liecester United iyo taariikhdooda iyo ujeedada tartanka caawa halkaan loo fadhiyo ugu qabanayaan magaalada Liecester, kadibna waxaa halkaasi ka hadlay mudane Zakariye Abdi Oogle oo isna warbixin English ku baxaysay ka jeediyay.

Mudane Osman oo ah Councilaarka magaalada Liecester ayaa isna ka hadlay isla markaana sheegay sida uu ugu faraxsan yihiin maamulka magaalada Liecester inay gacan ka gaystaan barnaamijyada lagu hormarinaayo jaaliyada degan magaalada, isagoo yiri tartankaan ama kulankaan oo kale wax tar badan ayuu u leeyahay bulshada gaar ahaan jaaliyada laga tiro badan yahay ayna muhiim tahay inay wax wada qabsadaan si ay dalkaan wax uga qabsadaan isla markaana dhalinyarada u noqon karta dhiiragalin barnaamijyadaan..

Mudane Ahmed Bile ayaa isna ka warbixiyay sida howshatan noqon doonto isla markaana ka mahadceliyay howsha Liecester United soo qaban qaabisay uuna rajaynato inay u dhacdo sidii la rabay.
Waxaana iyagana meesha ka hadlay mudanayaal kale oo ka socday ururada ka dhisan magaalada Liecester oo isugu jirey Soomaali iyo ajanabi isla markaana waxay sheegeen inay gacan ka gaysan doonaan ka mira dhalinta barnaamijkaan,

Waxaa iyana meesha ka hadlay odayaal Sport sida Mohamed Daa’uud oo ka socday magaalada Liecester, C/qaadir Isoomareey, Mohamed Faarax iyo Ahmed Nur Sayga ruushka oo dhamaantood ka mahadceliyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magaalada Liecester iyo qaabka wax loo qabanayo ay ka sheegen inay soo dhaweynayaan isla markaana ay gacan weyn ka gaysan doonaan sida waayo aragnimadooda Sports ugu gudbin lahaayeen jiilka cusub isla markaana ay ku dhiiragalin doonaan hadii Eebe idmo,.
Waxaa iyana meesha ka hadlay mudane C/qaadir Cadday iyo Mohamed Saalim , waxay ka warbixiyeen qaabka isku aadka u noqon doono iyo sida doorashada qorituurka noqon doono, kadibna waxaa loo yeeray mudanayaasha kala ah, Mohamed Faarax, C/qaadir Isoomarey, C/qaadir Biriq iyo Ambasador Abdi Shire si ay isku aadka kooxaha waraaqaha u doortaan kadibna loo ogaado koox walbo qaybta ay ka tartami doonaan.

Lixda koox ee ka qayb qaadanaysa koobka Liecester Super Cup 2009 waxay kala yihiin sidatan :
London Stars, Ilamos FC, Cardiff Warriors Bay, Nabadda FC, Halgan FC & Liecester United
Qaybta kowaad A : London Stars, Ilamos FC, Cardiff Warriors Bay
Qaybta Labaad B: Halgan FC, Liecester FC & Nabadda FC.

Waxaana shahaado sharaf loogu yeeray Qoraaga Sports Sanadka 2009 la gudoonsiiyay Yusuf Mohamed Abdi Yusuf. Iyadoo abaalmarino kale lagu gudoonsiiyay Garsoorayaashii ugu wanaagsanaa tartanka qabanayay sida Dahir Gacamay iyo Mohamed Weerow, sidoo kale waxaa bahda Saxaafada lagu gudoon siiyay bilado sharaf sida C/Naasir Solo iyo Suni Siciid Saalax oo ka mid ah bahda Saxaafada Sports Soomaaliyeed eek u nool dalka Kenya.

Barnaamijka Qorituurka oo aad u wanaagsanaa waxaa ka soo qayb galay marti sharaf fara badan iyo madaxda Naadiyada ku tartami doono koobka Super Cup 2009 oo lagu qaban doono magaalada Liecester bilaha nagu soo aadan.

Waxaa barnaamijka ka soo qayb galay Bahda Sports Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska kuwaas oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan, waxayna kala ahaayeen C/qadir Biriq, Biine, Mohamed Khalif , C/risaq Seef, C/qaadir uus, Bile Ali, Hassan Dhuudhi, Lagii Dheere, Boob, C/risaaq, Mohamed Weerow, Dahir Gacamay, Hashim Du’aale, Daa’uud, Shiine, Zakariye, Faysal Siciid iyo aqyaar kale oo fara badan oo aan halkaan ku soo koobi Karin magacyadooda.

Dhanka kale Tartanka loogu qabtey dhalinyarada da’da yar iyo Koobkan Super Cup 2009 la qaban doono ayaa noqon kara barnaamij biloow wanaagsan u noqda in dadka degan magaalada Liecester ay soo jiitaan inay ka soo qayb galaan isla markaana noqon kara mid bahda Sports Soomaaliyeed ee dagan gobalada dalka Ingiriiska inay kaga daydaan ururka Liecester United oo la soo baxay firfircooni aan hore looga baran.

Waxaana goobta ay ka dhacayeen barnaamijyadan goob joog ka ahaa saxaafada Soomalida Sports iyo mida magaalada gaar ahaan TV Universal, TogdheerSports, Somali Eye iyo SSPAMEDIA.

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor & SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 28, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS