Waxyeellada sigaarka iyo buuriga
Qeybaha ay ka koobantahay diraasaddan:-
- 1. Arar.
- 2. Halka ay ka soo jeeddo tubaakada asal
ahaan.
- 3. Tirada dadka cabba sigaarka dunida oo
idil. (qiyaaso la sameeyay).
- 4. Walxaha ku jira sigaarka.
- 5. Qiiqa sigaarka imisa ayaa loo qeybiyaa?
- 6. Walxaha ku jira
sigaarka ee kansarka dhaliya
- 7. Qabatinka Nikotiinka
iyo hidda wadayaasha.
- 8. Halista caafimaad ee walxaha ku jira
tubaakada.
- 9. Sigaar cabidda darajada labaad. Maxaa
loola jeedaa?
- 10. Sababaha keena cabbidda sigaarka.
- 11. Sababaha keena sii wadidda cabidda sigaarka.
- 12. Deegaannada caalamka iyo cabidda sigaarka.
- 13. Diinteena islaamka maxay ka qabtaa sigaarka?
- 14. Side loola dagaallami karaa sigaarka iyo guud ahaan tubaakada?
- 15. Sidee ujoojin karaa qofka caba sigaarka?
- 16. Qorshaha joojinta sigaarka.
- 17. Maxaad ku bedeli kartaa nikotiinka?
- 18. Faa'iidooyinka joojinta sigaarka.
- 19. Gunaanad.
Arar
Qormadan haddii Alle ii oggolaado waxaan kaga hadli doonaa, waxyeellada
caafimaad ee ay leedahay tubaakada si guud, sigaarkana si gaar ah. Anigoo cilmi
ku salayn doono waxaana soo qaadan doono diraasado caalami ah oo dunida lagu soo
bandhigay, tiro koobyo ay samaysay WHO oo ka hadlaya baahsanaanta balwaddan iyo
aragtiyada diinta ee ku aaddan sigaarka. Waxaan kaloo jeclahay inaan soo
bandhigo talooyin ku aaddan hababka qofka balwaddan isticmaala ka saacidi kara
joojinteeda, anigoo si kooban usoo bandhigayo faa'iidooyinka uu ka helayo haddii
uu joojiyo balwaddan. Waxaan kaloo soo bandhigi doonnaa haddii Eebbe laga helo,
hababka loola dagaallami karo loona ciribtiri karo balwaddan caalamka oo idil
fara ba'an ku haysa.
Tubaakadu halkay ka timid asal ahaan?
Sigaarku ma ahayn wax caalamku yaqiinay wixi ka horreeyay heliddii qaaradda
Ameerika, dabadeedna gumaystayaashii reer yurub ee qaaraddaas qabsaday
ayaa usoo qaaday yurub, halkaasna kaga sii faaftay dunida inteeda kale.
Tirada dadka cabba sigaarka dunida oo idil
Inkastoo dhammaan noocyada tubaakadu (sigaarka, buurida, badeecadda) ay
waxyeello leeyihiin, haddana kan ugu caansan uguna waxyeello badan waa sigaaarka
qiiqiisa la cabbo. Ururka caafimaadka adduunka ayaa ku waramay in sanadkii
1998ki dad gaarayay 1.235 bilyan oo qof ay cabbayeen sigaarka, iyadoo dadka
dunida tiradooda ay ahayd 5.926 bilyan oo qof, tiradaas dadka cabba sigaarka
ayaa sii kordhayso, waxaana la filayaa in sanadka 2020ka ay gaarto 1.671 bilyan
oo qof.
Waxyeelada caafimaad ee buuriga waa mid muhiim ah, waxa ayna ku xirantahay
hadba sida loo cuno (la calaliyo, la ursado ama la dhuuqo) iyo xaddiga la cunayo.
Waxyeelada caafimaad ee sigaarka oo ah kan ugu isticmaalka badan buurida, waxaa
ka mid ah kansarka sambabada, cudurrada ku dhaca wadnaha iyo wareegga
dhiigga.ururka caafimaadka adduunka waxa uu ku qiyaasay sanadki 2002, in
waddamada horumaray dhimashada ragga 26% iyo dumarka 9% lala xariiriyay cabbista
sigaarka. Waddamada soo korayo ayaa lagu waramay in isticmaalka buurida ay kor
ukacdo 3.4% sanad kasta.
Walxaha ku jira sigaarka
Sigaarku waxa uu ka koobanyahay kudhawaad 4000 oo walxood oo isugu jira hawo
iyo walxo kiimikaad oo qabsada sambabada. Hawooyinka waxaa ugu caansan; Karboon
hal oksaydh (CO), Haydarojiin siyanayd (hydrogen cyanide), ammooniya, nitrojiin
oksaydh. Walxaha kale ee kiimikaad waxaa ugu caansan nikotiin, binsiin, daamur
iyo bolooniyam.
b) Haydarojiin siyanayd: waa sun loo isticmaalo qolalka dadka lagu toogto
hawada.
t) D.D.T.: waa sun cayayaanka lagu buufiyo.
j) Methanol: waa shidaalka lagu shubo sawaariikhda (gantaallada).
x) Asitoon: waxaa lagu dhaqaa midabada si loo tir tiro.
Kh) Ammoniya: waxaa lagu nadiifiyaa dhulka sibirka ah.
d) Tolowin: waxaa loo adeegsadaa warshadaynta si wax loo milo.
r) Finool: waxaa lagu
nadiifiyaa weelasha iyo sibirrada.
s) Biyotin: waa gaaska ku
jira janta siigarka (wallaacadda).
sh) Kadmiyom: waxaa loo isticmaalaa
batariyada baabuurta.
dh) Karboon hal oksaydh (CO): waa neef sun ah oo
ku jirta qiiqa baabuurta.
Qiiqa ka dhasha cabbidda sigaarka waxaa loo kala qaybiyaa 2 qeyb oo kala ah:-
1- Qaybta tooska ah: waa qiiqa uu liqayo qofka cabayo
sigaarka, oo ah 15% xaddiga qiiqa ka baxayo sigaarka, waxa ayna ka koobantahay
walxo si dhaqso ah loo gubay, sidaa awgeed isu uruursanaantoodu way yartahay
ilaa xad.
2- Qeybta aan tooska ahayn: waa qiiqa uu tufayo qofka
cabayo sigaarka, waxa ayna gaareysaa 85% qiiqa sigaarka ka baxaya, waxaana ku
jira maaddooyin si tartiib ah u gubtay, sidaa awgeed isu uruursanaanteedu way
sareeysaa, waxyeeladeeduna wuu ka daranyahay kan tooska ah, gaar ahaan dadka
muddo dheer u banbaxayay qiiqaas, sida carruurta qofka cabba sigaarka, xaaskiisa
iyo dadka kula nool hooyga ama goobta shaqada la jooga.
Nin cabbaya kumannaan sigaar ah mar qura!!!!
Walxaha ku jira sigaarka ee kansarka dhaliya
Cabidda qiiqa buurida waxaa ku jira tiro aad u badan oo ah
walxo awood badan oo keena kansarka, sida;
akroliin iyo
benzobayrin.Qofka oo muddo dheer u banbaxo ama la kulmo walxaha ku jira
sigaarka sida karboon
hal oksaydh,
siyanaydh iyo isku dhisyada kale ee waxyeeleeya sambabka iyo unugyada
halbowlayaasha ayaa la rumeysanyahay inay masuul ka yihiin waxyeelaynta wadnaha
iyo jilicsanaanta kiisaska hawada ee sambabada, taasoo keenaysa emphysema iyo
COPD. Maaddada
akroliin ee kansarka dhalisa iyo kuwa kale ee iyada laga soo dhiraandhiriyay
ayaa sidoo kale keena xanuuno dabadheeraada oo ku dhaca neefmareenka [[1]].
1- Walxaha kansarka dhaliya ee noole ka soo jeeda (organic
carcinogenes):-
Waxaa ku jira sigaarka in kabdan 19 walxood oo kansarka
dhaliya[[2]],
kuwa ugu awoodda badanna waxaa ka mid ah:-
Polynuclear aromatic hydrocarbons: waa walxo sidoo kale laga helo daamurka
ama laamiga, waana maaddo aad u keenta kansarka. Waxaa kale oo ay keenaan
isbedel ku yimaada hidda sidayaasha (genetic mutation).
Akroliin,
Nitrosamines
Nikotiin: waa kan ugu caansan walxaha ku jira sigaarka, mana ahan oo qura
kansar dhaliye, ee waxa uu dardar geliyaa kobcidda burooyinka halista ah
(tumors).
2- Walxaha kansarka dhaliya ee shucaaca leh (Radioactive
carcinogens):
Marka laga soo tago walxaha kansarka dhaliya ee aan shucaaca,
waxaa ku jira sigaarka xaddi yar oo
lead-210 (210Pb) iyo
polonium-210 (210Po) labadoodaba waa kansar dhaliyayaal bixiya shucaac.
Curiyahan Lead 210 waxaa laga dhaliyaa burburka curiyaha
radium-226, burburkeeda waxaa ka soo baxa
radon-222; lead 210 kaddibna wuxuu usii burburaa
bismuth-210 iyo polonium 210, iyadoo soo saarta qurubyada biita (beta
particles) labada tallaababa. Walxaha ay ka koobanyihiin curiyayaashan ayaa
dabadeed dega sambabada qofka sigaarka cabba, iyagoo ciriiri geliya socodka
hawada; waxaana la soo helay in uruursanaanta walxahaas ay ku badanyihiin halka
ay ku kala qeybsamaan bronchioles in kabadan 100 jeer inta ku jirta isku darka
dhammaan sambabada. Tan oo ka dhigaysa in dadka sigaarka cabba la kulmayaan
waxyeelo ka badan dadka kale. Tusaale ahaan Polonium 210, waxa uu soo saaraa
walxaha aadka u tamarta badan ee loo yaqaan qurubyada alfa (alpha
particles), taasoo cufkeeda awgii, lagu tiriyo inaaney dhexgeli karin
maqaarka in kabadan 40 micrometres, balse sameysa waxyeelo badan (oo lagu
qiyaasay 100 jibbaar ka badan waxyeelada ay
hidde wadayaasha ugeystaan shucaacyada kale) marka hab sigaarka oo kale uu
ku keenayo in lagu soo saaro jirka gudahiisa, halkaas oo dhammaan tamarta lagu
soo saaro ay nuugayaan unugyada jirka ee la deriska ah. (Lead 210 wuxuu sidoo
kale soo saaraa shucaaca
gamma).
Curiyayaasha shucaaca bixiya ee ku jira tubaakada waxa ay ka
mid yihiin macdanta badan ee ku jirta ciidda, balse dusha sare ee caleenta dheg
dhegga leh ee buurida ayay ku soo dhegaan si ka badan geedaha kale oo aan lahayn
sifadan. Si la filan karana shucaaca ka yimaada tubaakada way kala duwanyihiin,
waxa ayna ku xiranyihiin hadba halka iyo sida uu u koray geedka tubaakada.
Waxaa laga helay beerka sigaar cabbayaasha xaddi aad ufara
badan oo ah curiyaha polonium 210, kana badan dadka aan cabin sigaarka.
Curiyahan waxa uu la midoobaa unugyada lafaha, isagoo shucaac joogta ah ku
bixiya dhuuxa ku jira lafaha, waxa uuna sabab weyn unoqon karaa kansarka dhiigga
ku dhaca ee loo yaqaan (leukemia),
inkastoo tani aan weli la xaqiijin.
Qabatinka Nikotiinka iyo hidda wadayaasha
B) Qurubka Nikotiin (Nicotine molecule):
Iyadoo la tixraacayo seddex diraasadood oo kala gooni ah oo
fangareeyeen dawladaha yurub iyo mareykanka, ayaa saynisyahannada waxay ku
qeexeen in xiriir hidde wade uu jiro oo dadka ka dhigaya inay aad u qabatimaan
buurida. Kala duwanaashaha dhaxaleed ayaana dadka qaar ka dhigaya inuu cabbo
sigaar fara badan, dhibna ay ku noqoto joojinta cabiddiisa, isagoo suurta
galnimada inuu ku dhaco kansarka sambabadana uu kordho 80% [[3]].
Astaamaha hidda wadayaasha in ka badan 35,000 oo qof (oo
badankood cabba ama cabbi jireen sigaarka) ayaa waxaa sahan ku sameeyay
saynisyahanno 3 diraasadood oo kala gooni gooni ah, oo seddexdaba diiradda lagu
saaray isla isbedellada dhaxaleed.
Kala duwanaashaha dhaxaleed ayaa warbixin ugudbisa soo
dhaweeyayaasha (receptors) uu nikotiinka ku leeyahay unugyada, waxaana la gartay
goob uu ku leeyahay chromosome 15 [[4]].
in isbedel ku yimaada hal nuqul ayaana kor uqaadi karto halista in qofka uu ku
yimaada kansarka sambabada 30%, halka laba nuqul oo isbedel ahna ay 80% kor
uqaadi karaan. Hiddo wadaha ayaa la ogaaday inuu sabab uyahay 14% xaaladaha
kansarka sambabada.
T) Nikotiinka iyo qabatinka:
Nikotiinka ku jira sigaarka waa kiciye dhaliya dareen
firfircooni ah, waxa uuna ka midyahay walxaha ugu muhiimsan ee keena in qofka
sii wado cabidda buurida. Inkastoo xaddiga nikotiinka ee sigaarka ku jiraa uu
yar yahay, haddana waxa uu weli ku filanyahay inuu keeno ku tiirsanaan xag jir
iyo maskaxeedba ah. Xaddiga nikotiinka ee uu jirka ka nuugo sigaarka waxa ay ku
xirantahay waxyaabo fara badan, waxaana ka mid ah nooca tubaakada, in la
calaliyay iyo in la fiiltareeyay. Inkastoo sigaarka siyaabo kala duwan loo
xayeysiiyay oo xataa lagu tijaabiyay mashiinno si loo yareeyo daamurka halista
badan ee ku jira, haddana diraasado ayaa muujiyay in marka uu sigaarka cabo qof
bani aadmi ahi (mashiinka bedelkiisa) ay ka helaan isla xaddiga qiiqi baxayay.
Liqidda isku dhiska qiiqaas waa mid ka mid ah hababka ugu deg degsiinyaha badan
ee dhiigga wax loo gaarsiiyo, waxaana ka horreeya oo qura cirbadda.
Celcelis ahaan waxay ku qaadanaysaa walxahaas inay ku gaaraan
maskaxda 10 ilbiriqsi. Natiijada ka dhalata wax galnimada walxahan ayaa sigaar
cabayaal badani waxay muujiyeen inaanay awoodin joojinta cabidda sigaarka. Kuwa
isku dayaya joojinta sigaarka ee aan isku dhiibin nikotiinka 3 bilood way
awoodaan inay sigaar la'aan noolaadaan inta ka hartay noloshooda [12]. Waxaa
jira oo laga yaabaa in mooraal dillaac ku dhaco dadka isku dayaya joojinta
sigaarka, sida walxaha kale ee maskaxda saameeya. Mooraal dillaacu waxa u ku
badanyahay dhlinyarada da'doodu u dhexeysa 13-19 sano jir ee sigaarka caba, waxa
ayna afar jibaar kaga dhawyihiin asaagooda aan sigaarka cabbin[[5]].
Nikotiinka waxa uu door ka cayaaraa dhacdooyinka daran ee
cudurrada qaar (sida maskaxda oo dhiig ku furma, tabar darro galmoodka ah, iyo
cudurrada wadnaha), isagoo sababa soo daynta Adrenalin, oo sare uqaadda
cadaadiska dhiigga,iyo garaaca wadnaha.
Halista caafimaad ee walxaha ku jira tubaakada
Sigaar cabbayaasha joogtada ah waxaa lagu qiyaasay inay noolaadaan 2.5[[6]]
ilaa 10[[7]]
sano in ka yar kuwa aan sigaarka cabbin, ilaa nus ka mid ah ragga sigaarka cabba
ayaana u dhinta cudurro la xariira sigaarka [[8]].
Tusaale ahaan dalka maraykanka, Cudurrada lala xariiriyay sigaarka iyo guud
ahaan buurida ayaa dila sanad walba ku dhawaad 438,000 oo
muwaadiniin mareykan ah [[9]],
maalintina waxaa udhimata 1200 oo mareykan ah, taasoo ah sababta ugu weyn ee
keenta dhimasho laga hortagi karay dalka mareykanka. Ururka caafimaadka adduunka
ayaa sheegay in tubaakadu ay keenayso dhimashada hal bilyan oo qof qarnigan
gudahiisa [[10]].
Halista tubaakada waxay si gaar ah u keentaa cudurrada
wadnaha, si gaar ah sigaarka waxa uu keenaa wadnaha oo shaqadiisa gaba (wadne
istaag), cudurrada ku dhaca neefsadeenka sida cudurka sambaba xiranka ee daba
dheeraada ''Chronic
Obstructive Pulmonary Disease'' (COPD) iyo cudurka buufsanka kiisaska hawada
ee loo yaqaan (emphysema),
iyo kansarka, gaar ahaan kansarka sambabada iyo kansarrada ku dhaca cunaha iyo
afka. Sidoo kale waxay sii kordhisaa halista kansarka ku dhaca ganaca (pancreas)
75%. Wixi ka horreeyay dagaalki kowaad ee dunida, kansarka sambabada waxa uu
ahaa wax aad dhif u ah oo dhaqaatiirta qaar aaney weligood arag xirfaddooda inta
ay wadeen, balse dagaalki kaddib oo ay caan noqotay cabbista sigaarka, waxaa si
safmar ah loo arkayay kansarka sambabada ku dhaca [[11]]
[[12]].
Waxyeeladaa kor ku xusan waa kansarka sambabada ku dhaca oo qura.
Waxyeelada la xariira tabar darrada xagga galmoodka waxaa
lagu qiyaasay 85% inay ku badanyihiin ragga cabba sigaarka marka la barbardhigo
kuwa aan cabbin [[13]],
waxa ayna fure utahay hawl gabnimada ku timaada sare u kaca xubinta taranka
ragga (erectile dysfunction)[[14]][[15]],
sigaarku waxa uu keenaa tabar darro galmoodka la xariira, waayo waxa uu sare
uqaadaa ciriirinta ama yareynta halbowlayaasha dhiigga wada ee xubinta taranka[[16]].
Kororka halista cudur ee qofka waxa ay saami wadaag toos ah
la tahay dhererka muddada uu cabbayay sigaarka iyo xaddiga uu cabbo mar kasta.
Si kastaba ha ahaatee, haddii uu qofku joojiyo sigaarka waxaa tartiib tartiib
hoos ugu dhacaya halistan, ayadoo waxyeelada uu jirka ka soo kabanayo [[17]].
waxaa lala xariiriyay sigaarka:-
§ Noocyo
badan oo kansar ah, gaar ahaan kansarka sambabada, kilyaha, cunaha, madaxa iyo
dhuunta, kansarka naasaha, kaadi haysta, hunguriga, ganaca iyo caloosha. Waxaa
kale oo jira caddeymo muujinaya halista kansarka dhiigga ku dhaca ee (leukemia)
loo yaqaan, kansarka nooca loo yaqaan (squamous cell carcinoma) ee ku dhaca
duleelada sanka, kansarka beerka, lafaha, dhuunta iyo qeybta hoose ee
mindhicirrada iyo dabada, kansarrada xameetiga, qanjidhka loo yaqaan adrenal
gland iyo mindhicirrada yar yar.
§ Cudurrada
wadnaha iyo wareegga dhiigga
o Xanuun kadis ah oo maskaxda ku dhaca oo jirka
qaarkiis hawl gab kadhiga (stroke).
o Cudurrada xididdada dhiigga ee darafka (peripheral
vascular disease )
§ Cudurrada
neefmareenka
o Hargabka.
o Cudurka sambaba
xiranka ee daba dheeraada, cudurka buufsanka kiisaska hawada (emphysema)
iyo burukiitada.
§ Cudurrada
la xariira abuurista carruurta
Birth defects ee hooyada cabta sigaarka carruurta ay dhasho ku imaan karo.
§ Cudurka
caadka (Cataracts)
ee keena indha la'aanta.
§ Hawl
gabnimada garaadka
o Cudurka
Alzheimer's iyo hoos udhaca awoodda waxgarasho. Xasuus la'aan iyo kartida
waxgarasho ee dhalinta soo koreyso ee sigaarka cabta oo hoos udhacda.
o Yaraanshaha
maskaxda (cerebral atrophy)
§ Tabar darro
la xariirta galmoodka (Impotence).
Faa'iidooyinka laga helayo joojinta sigaarka waa mid dhakhso
loo helayo, waxaana ka mid ah; cadaadiska dhiigga, garaaca wadnaha iyo heerkulka
ayaa caadi ku soo laabanayo, halista inuu wadnuhu istaagana hoos ayay udhaceysaa;
waxaana soo hagaagaya kartida wax dhadhaminta, urta iyo wareegga dhiigga ee
qofka cabba sigaarka.
Waxaa la ogaaday in sababta ugu weyn ee keenta sii wadidda
cabista sigaarka ay tahay maaddada ku jirta ee la yiraahdo nikotiin. Si kastaba
ha ahaatee, liqidda qiiqa ka imaanaya caleemaha holcaya ayaa dhalinaysa tiro
badan oo walxo dhis kimikaad firfircoon ah, taasoo si dabacsan ula mid ah
daamurka (laami) oo leh walxo fara badan oo fal gal kiimikaad oo waxyeeleynaya
caafimaadka.
Cudurrada uu keeno sigaarka:-
1- Cudurrada wadnaha iyo wareegga dhiigga:-
Sigaarku waxa uu kor uqaadaa fursadaha cudurrada wadnaha.
Walxo badan oo buurida ku jira ayaa waxa ay horseedaan inay ciriiri noqdaan
xididdada dhiigga qaada, iyadoo kor ukacdo suurtogalnimada inay xidhmaan,
sidaana uu wadnuhu ku joogsado ama uu dhiig ku firmo maskaxda. Marka la tixraaco
diraasad ay sameeyeen koox caalami ah oo cilmibaarayaala, dadka da'doodu ka yar
tahay 40 jir waxa ay 5 jibbaar halis uyihiin inuu wadnuhu joogsado haddii ay
sigaar cabbaan [[18]].
Sigaarka waxa uu isku dhexyaac ku keenaa garaaca wadnaha,
waayo waxa uu sababaa sii daynta Adrenaline, waxaana la ogaaday in dadka
sigaarka cabba uu ku badanyahay mootul fajaha iyo cudurka loo yaqaan Angina,
waayo dhiig xinjir ah ayaa waxa uu xiraa xididdada wadnaha quudiya ee loo yaqaan
''coronary arteries'', waxaa kale oo ku badan in jirka qeyb ka mid ah qallasho,
kaddib marka ay xinjir xirto xididdo muhiim ah oo quudiya qeybo maskaxda ka mid
ah. Sidoo kale sigaarka waxa uu sare uqaadaa garaaca wadnaha iyo cadaadiska
dhiigga, waxaana sidaa ku dhaca cudurka dhiig karka.
2. Caafimaadka afka:-
Waxaa laga yaabaa in xaaladda ugu daran ee sigaarka iyo
buuridu ku keenaan afka ay tahay kansarka afka. Si kastaba ha ahaatee, sigaarku
waxaa kale oo uu afka ku keenaa cudurro kale oo horay loogu gooni yeelay dadka
sigaarka cabba, sida xanuunno ku dhaca unugyada ku wareegsan ilkaha (periodontitis),
oo lala xariiryay dadka cabba sigaarka ama cabbi jiray. Buurida kale ee aan
sigaarka ahayn waxa ay keentaa ciridka oo burbura iyo nabarro ka soo baxa xuubka
qafiifka ah ee ku dahaaran afka. Ilaa 90% dadka laga helay xanuunka unugyada ku
wareegsan ilkaha oo aan ku biskoon hababka caadiga ah ee wax lagu daweeyo waxa
ay ahaayeen dad sigaarka cabba[[19]].
Sigaarka waa kan ugu muhiimsan waxyaabaha midabka uyeela ilkaha, waxa uuna ur
qurmuun uyeelaa afka. Waxyaabaha kale ee loo aaneeyo sigaarka waxaa ka mid ah:
xanuunka loo yaqaan (leukoplakia)
oo ah nabarro cad cad oo ka soo baxa xuubka jilcan ee ku dahaaran afka iyo
nabarro yar yar oo midab beey ah leh kana soo baxa dhanxanaga (smoker's
palate). Waxaa taa sii dheer in badan oo dadka sigaarka cabba ka mid ah ayaa
lagu arkay inay waayeen dareenka dhadhaminta iyo isbedel ku yimaada dhareerka.
Ilkaha oo daatana waxa ay 2 ilaa 3 jeer ka sarreeyaan dadka aan sigaarka cabbin.
3. Habdhiska kaadida:-
Walxaha kansarka dhaliya ee ku jira sigaarka waxa ay
raacayaan dhiigga, dabadeedna waxa ay keenaan waxyeello fara badan sida:
kansarrada ku dhaca kaadi haysta iyo kilyaha, iyo xanuunnada iyo kansarka
qanjidhka barostataha loo yaqaan.
4. Maqaarka:-
Sigaarka cabiddiisa waxa uu keenaa inuu jilco maqaarka jirka,
taasoo sababteeda ay leedahay isagoo saamayn weyn ku leh xididdada dhiigga,
kuwaasoo maqaarka siiya cunnooyin iyo oksajiin oo muhiim u ah caafimaad qabka
maqaarka.
5. Habdhiska dhaqaaqa:-
Diraasado la sameeyay ayaa isku xiray cabidda sigaarka iyo
jileeca lafaha dumarka, waxaana loo aneeyay waxyaabo ku jira samaysanka sigaarka.
Waxaa kaloo jirta xaqiiq ah in dumarka cabba sigaarka ay ka hor gaari ogyihiin
dumarka aan cabbin da'da ilma goynta.
6. Waxyeelada jir iyo maskaxeed ee sigaarka:-
Dadka sigaarka cabba waxaa lagu arkay saameyn jir iyo maskax
ahaaneed. Kuwa sigaarka ku cusub cabistiisa waxa ay la kulmaan lalabo (nausea),
dawakhaad (dizziness)
iyo garaaca wadnaha oo deg dega. Calaamadahaas aan farxadda lahayn way iska
baaba'aan muddo kaddib, haddii uu qofku sii wado cabbidda sigaarka, jirkuna wuu
la qabsanayaa walxaha kiimikaad ee sigaarka ku jira sida nikotiinka. Nikotinka
waxa uu maskaxda uga fal galaa si lamid ah
kaffayiin [[20]].
Qaar ka mid ah dadka wax ka qoray arrintan ayaa sheegay in sigaarku siyaadiyo
xoog saaridda maskaxda (mental
concentration). Dadka sigaarka cabba waxa ay sheegaan inay ku raaxaystaan
cabbiddiisa, tasoo qayb ka ah sababaha inaanay joojin karin xataa haddii ay
ogyihiin halista caafimaad ee uu leeyahay. Dhadhanka, urta iyo aragtida oo ay
kaga raaxaystaan ayaa ah waxyaabaha keenaya inay aad udaneeyaan ku raaxaysiga
cabbiddiisa, waxaa taa sii dheer jaceylka ay isku qaadaan sigaar cabbayaasha
kale. Sigaarka cabiddiisa muddo dheer waxa ay joojisaa dareenka wax urin ee
qofka.
Inta badan dadka sigaarka cabba haddii ay waayaan ama loo
diido waxaa lagu arkaa deggenaasho la'aan, dhirif, af qallayl iyo wadnaha
garaaciisa oo deg dega. [[21]]Haddii
mudda dheer uu waayana waxay keeni kartaa hurdo la'aan iyo xataa niyad jab.
Dhicidda astaamahan waa mid deg deg ah, waqtiga uu ubaahanyahay in lagu bur
buriyo qeyb ahaan nikoyiinka waa saacad qura. Astaamahana waxaa la arki karayaa
xataa haddii qofku cabbo in yar oo sigaar ah ama si aan nidaamsanayn, 4-5
xabadood oo sigaar ah inta badan da' yarta cabta sigaarka. Ku tiirsanaanta
nikotiinka ee dadka horay ucabbi jiray sigaarka waxay joogsataa qiyaas ahaan 10
ilaa 20 maalmood kaddib, inkastoo tirada soo dhaweeyayaasha nikotiinka ee
maskaxda si joogta ah wax looga bedelo, ku tiirsanaanta maskaxda waxaa laga
yaabaa inay sii socoto bilo ama sanado.
Si ka duwan maandooriyaasha qaar iyo khamriga, nikotiinka ma
bedelo xirfadaha dhaq dhaqaaq, garaad, go'aan qaadasho iyo awoodaha luqadeed ee
sigaar cabbaha inta uu cabbayo, balse astaamaha ka dhasha joojintiisa, sida
deggenaasho la'aanta iyo tabar darro inuu xoogga saaro wax dhageysiga ama
fahamka ayaa saameyn ku yeelan karo xirfadihi aan horay usoo sheegnay.
Inta badan waxyeelladan waxaa sabab u ah ka siibashada
nikotiinka, sidaa awgeed sigaar cabbayaasha aan weli qabatimin nikotiinka kama
cabanayaan dhibaatooyinkaas.
Diraasado ayaa soo jeedinaya in xiriir ka dhexeeyo cabbidda
sigaarka iyo xanuunno maskaxda ah, iyagoo soo daliishada tirada sii kordhayso
dadka sigaarka cabba ee ka cabanaya xanuunno dhimir xanuun ah (schizophrenia)[[22]]
iyo suurtagalnimada in sigaarka uu yareeyo astaamaha xanuunnada maskaxda[[23]],
balse tani ma aha mid lagu qanci karo.
Nikotiinka waa mid keena qabatin aad u sareeya. Marka
tubaakada la gubo, inta badan nikotiinka wuu fur furmaa; xaddi yar ayaana ku
filan inuu sababo ku tiirsanaan jired, iyadoo ku tiirasanaanta xoogga badan ee
maskaxdana ay sii soconayso. Marka aan tixraacno diraasad ay sameeyeen
Henningfield iyo Benowitz, nikotiinka waxa uu ka qabatin badan yahay gebi ahaan
xashiishka, kafayiinka, khamriga, kokayin iyo herowinta, marka laga eego ku
tiirsanaanta jir iyo maskax ahaaneed. Si kastaba ha ahaatee, marka la eego
saameynta xoogga badan ee ka timaada joojinta khamriga, kokayinta iyo herowinta,
nikotiinka wuu suurto galnimo yaryahay ku tiirsanaanta walxahaas aan kor ku soo
xusay. Diraasado kale ayaa iyana sheegaya in ku tiirsanaanta maskaxeed ee
nikotiinka ay ka sareyso tan ka dhalata maandooriyaasha , xataa khamriga.
Borofesar Jennifer O'Loughlin oo wax ka dhiga jaamicadda
McGill University ayaa sheegay in la qabsiga nikotiinka ay dhacdo si dhakhso
ah kaddib 4 bilood marka sigaar cabidda la billaabo.
7. Taranka:-
a) Saamaynta ay ku leedahay unugyada nool ee ku jira
manida ragga:-
Waxaa jira caddaymo isa soo taraya oo sheegaya halista
buuridu u leedahay shahwada ragga iyadoo disha unugyada manida [[24]].
Sidaa awgeed ayaa dawladaha qaar waxay ka codsadeen warshadaha sameeya sigaarka
in digniin lagu dhejiyo baakadda sigaarka. Cabbidda sigaarka waxa uu sare
uqaadaa qaadashada curiyaha cadmium la yiraahdo, waayo geedka tubaakada waxa uu
dhulka ka soo nuugaa curiyaal bir ah. Cadmium kiimikaad ahaan waxa uu lamidyahay
Zinc, waxaana laga yaabaa inuu bedelo Zinc DNA polymerase taasoo dowr muhiim ah
ka cayaarta soo saarista shahwada. Zinc inuu bedelo Cadmium hawsha DNA
polymerase waxa ay waxyeelo weyn ukeentaa xiniinyaha [[25]].
b) Dhicis lama filaan ah:-
Tiro diraasado ah ayaa muujiyay in isticmaalka tubaakada ay
cunsur muhiim ah u tahay dhicinta lama filaanka ah ee dumarka uurka leh ee
sigaarka cabba, iyo inay halisyo kale oo badan ukeenayso ilmaha uurka jiifa.
Cabidda darajada labaad ee sigaarka waxa ay halis lamid ah ku leedahay uur
jiifta, sida ay sheegtay diraasad in '' cabidda waalidka ee
sigaarka waxa ay sii kordhisaa halista in xilli hore uu waxyeeloobo uurka'' [[26]].
c. Sigaarka iyo uurka:-
Saamaynta uu sigaarka ku leeyahay hooyada uurka leh waa mid
halis ah; waxa uu keenaa inay dhicis joogta ah uu ku dhaco, miisaanka carruurta
dhalanaysa oo ka yar heerka caadiga ah, ilmaha oo in badan uurka ku dhinta, iyo
sare ukaca xanuunnada sambabka ee carruurta naaska nuugaysa.
d. Xaaladda loo yaqaan SIDS:-
Sigaar cabidda darajada labaad waxaa lala xariiriyay xaaladda
dhimashada deg degga ah ee dharab ku jirta loona yaqaan SIDS (Sudden
Infant Death Syndrome). Ilmaha yar yar ee u dhinta xaaladdan ayaa la ogaaday
inay sambabadooda ku jiraan xaddi sare oo nicotine iyo cotinine ah, kana
sareeya kuwa udhinta sababo kale. Cabbidda sigaarka hooyada inta ay uurka
leedahay waxa uu kor uqaadaa halista SIDS, iyadoo carrruurtuna marka ay
dhashaan ubanbaxaan sigaarka darajada labaad ay iyana keento halista SIDS, xataa
haddii uunan waalidku cabbin sigaarka inta ay uurka ku jireen ilmaha. Nicotine
ka ka yimaada sigaarka waxa uu ka gudbaa caanaha hooyada ee naasaheeda ku jira,
sidaa ayuuna carruurta ku gaaraa nicotine ka[[27]].
Sigaar cabidda darajda labaad
Qiiqa sigaar lagu cabay meel loo dhanyahay.
Waxaa loola jeedaa in meel sigaar lagu cabbayo uu joogo qof
aan isagu cabbin, dabadeedna qiiqa sigaarka ka baxayo uu jiido, sidaa awgeedna
uu ku noqday qof sigaar jiiday oo sambabadiisana ay gasho qiiqa sigaarka, balse
aan gacantiisa ku cabbin.
Diraasad la sameeyay ayaa caddeysay in qiiqa sigaarka oo uu
jiido qof aan cabbin sigaarka aaney ka waxyeelo yarayn kan sigaaka cabbaya,
haddii aanayba ka darnayn.Sigaar cabbidda darajada labaad waa isku jirka qiiqa
gubtay ee sigaarka ama badeecadda ee ku aruuray sambabada ee uu
neefsanayo qofka cabbaya. Taasoo qofka la jooga sigaar cabbaha uu neef ahaan
ujiido muddo badanna hawada ku jirta kaddib marka sigaarka la damiyo, waxayna
sababi kartaa waxyeello ballaadhan oo dhinaca caafimaadka la xariira, sida
kansar, infekshinnada ku dhaca neef mareenka iyo cudurka neefta ama naqaska. Ma
jirto heer aamin ah oo sigaar cabidda darajada labaad ah, xataa waxyar oo aad
ubanbaxdaa waxa uu sababi karaa in dhiigga qeybaha ka tirsan ee platelets loo
yaqaan ay noqdaan kuwa dheg dheg ah, taasoo waxyeelayso xididdada dhiigga wada,
hoosna udhigta heerka xawaaraha qul qulka ee coronary vessels, sidoo kale waxa
uu hoos udhigaa isbedelka garaaca wadnaha, taasoo sare uqaadayso fursadda inuu
wadnaha istaago.
Sigaar cabidda darajada labaad waxa ay si khaasa halis weyn
ku haysaa carruurta yar yar. Waxa ay masuul ka tahay in 150,000 ilaa 300,000 oo
carruurta da'doodu ka yar tahay 18 sano uu ku dhaco cudurrada ku dhaca
qaybta hoose ee neef mareenka, iyadoo dhalisay in isbitaal la dhigo carruur
gaaraysa 7,500 ilaa 15,000 sanad walba. Waxaa kale oo ay sababtaa 430 carruur
aad u yar yar oo udhimata SIDS dalka mareykanaka gudihiisa sand kasta.Sigaar
cabidda darajada labaad waxa ay sababtaa waxyeelada uu keeno kan heerka kowaad,
gaar ahaan cudurrada wadnaha iyo kansarka. Dadka aan sigaarka cabbin ee u
banbaxa qiiqa sigaarka iyagoo gurigooda ama goobta shaqada jooga waxaa sare
ukacayo halista inuu ku dhaco cudurrada wadnaha 25-30%, kansarka sambabada ku
dhacana 20-30%.
Marki sigaarka laga mamnuucay goobaha xiran ee dadka
udhanyihiin dalka Scotland bishi maarso 2006, waxaa hoos udhacay 17% dadki
isbitaalka loo dhigayay xaaladda loo yaqaan acute coronary syndrome, 67% hoos
udhacaas waxa uu ahaa dadka aan sigaarka cabbin.
Sababaha keena cabbidda sigaarka
1- Xayeysiiska faraha badan ee loo
sameeyo sigaarka.
2- Cadaadiska dhalinta kala kulanto
asaagooda cabba sigaarka: ururrada la dagaallama sigaarka cabbiddiisa ayaa ku
cawda in da'yarta ay ubillaabaan cabbidda sigaarka sababo la xariira cadaadis
kaga yimaada asaagood iyo dhaqanno ku dayasho saaxiibadood.
3- Waalidka oo sigaarka cabba:
carruurta ay waalidkood cabbaan sigaarka way kaga dhawyihiin fursad ahaan kuwa
aan waalidkood cabbin.
4- Sawirrada sigaarka la cabbayo ee
filimada, telefishinada iyo cayaaraha: sigaar cabbidda oo laga daawado filimada
waxaa lala xariiriyay billaabidda dhalinyarada soo baxaysa sigaarka ku
billaabaan iyagoo uga dayanay fannaan ama jilaa ay xiisaynayaan oo cabbaya
sigaarka. Sida lagu sheegay diraasad laga sameeyay filimada oo socotay inti
udhexeysay sanadihi 1988 ilaa 1997, 87% filimada waxaa lagu muujiyaa isticmaalka
noocyo kala duwan oo buurida ah, celcelis ahaan 5 dhacdo filimkiiba. Filimada
loogu tala galay dadka da'doodu ka sareysa 18 sano ayaana ah kuwa ugu dhacdooyin
badan ee lagu muujiyo muuqaallo habab kala duwan oo isticmaalka buurida.
Sababaha keena sii wadidda cabbidda sigaarka
Waxaa ka mid ah:
1- Sigaarka oo uu qabatimo dabadeedna
uu joojin kari waayo.
2- Farxad laga raadiyo sigaar
cabbidda.
3- Buuqa iyo walaahowga in la isaga
yareeyo.
4- Bulshada oo wada cabta [[28]].
5- Kicin iyo xifaaltan dhalinta
dhexdeeda ah.
6- Moodid in cabbiddiisa ay kaa
dhigayso reer magaal.
7- Caado ka dhigasho.
Deegaannada caalamka iyo cabidda sigaarka
Sigaarka waxaa cabba dad kor udhaafaya 1.1 bilyan oo qof
dunida oo dhan. Dalalka horumaray ayaa cabbiddiisa hoos usii dhacaysaa, halka
kuwa soo koraya uu kor ukacaya 3.4% sanadkiiba [[29]].
Baahsanaanta cabbidda sigaarka iyo jinsiga
GOBOLKA |
RAGGA
|
DUMARKA |
Afrika |
29 |
4 |
Maraykanka |
35 |
22 |
Bariga mediterraniya |
35 |
4 |
Yurub |
46 |
26 |
Koonfur bari Aasiya |
44 |
4 |
Galbeedka baasifiga |
60 |
8 |
Qiyaastan waxaa sameeyay ururka caafimaadka adduunka (WHO) sanadki
2000. |
Diinteena islaamka maxay ka qabtaa sigaarka?
Culimadi hore ee muslimiinta ee waa weynaa kama aaney hadlin tubaakada,
maadaama ay tahay wax dunida ku cusub oo dhowr qarni uun laga joogo marki uu
billawday isticmaalkeeda, balse fuqahada mucaasariinta ah ayaa inbadan ka hadlay
aaraa' fara badana ka dhiibtay, isagoo mid walba uu ku salaynayo sida uu ufahmay
waxyeelladeeda.
Diinta islaamka si guud ayay uga hadashay waxyaabaha xaaraanta ah; culimada
fiqhiga ee diinta islaamka dhowr ra'yi ayay ka kala qaateen sigaarka, qaarbaa
yiri waa xaaraan, qaarna waxa ay yiraahdeen waa karaahi, halka qaarna ay ku
gaabsadeen inaaney haynin wax xaaraan ka dhigaya. Balse khilaafyadaa faraha
badan ma galaynee waxaan ku soo gaabsan doonaa adillada taabanaysa arrintan ee
kitaabka iyo sunnada nabiga (NNKH).
1- Dhibta uu ukeenayo nafta:-
Ilaahay waxa uu quraankiisa ku leeyahay:-
[ولاتلقوا بأيديكم إلى التهلكة ] سورة البقرة (195)
Aayaddaa kor ku qoran waxa uu Alle ku leeyahay: ''naftiina haku ridina halaag''.
[ولا تقتلوا أنفسكم إن الله كان بكم رحيماً] سورة النساء(29)
Naftiinna ha dilina maxaa yeelay Ilaahay waa kii idiin naxariis badan.
Sigaarka qofka cabba waxa aan soo aragnay in nafsaddiisa uu geliyo dhib u
horseeda inuu halaag ku rido, taasoo ah in cudurro halis ah ku dhacaan. Sidaa
awgeed waxa uu ka hor imaanayaa mid ka mid ah waxyaabaha diinta ay ku magacado
shanta daruuro oo loo baahanyahay inaan dhowrno, oo ah nafta. Waxa ayna kala
yihiin: diinta, nafta, caqliga, maalka iyo dhasha.
2- Hantida ku lumayso sida macni darrada ah:-
Ilaahay waxa uu quraankiisa ku leeyahay:-
[................ ولا تبذّرتبذيراً* إن المبذّرين كانوا
إخوان الشياطين وكان الشيطان لربه كفوراً] سورة الإسراء (27).
Micnaha aayaddani waxa weeyaan:'' ha ku cayaarin hantida cayaarid, kuwa
maalka ku cayaara waa shayaadiinta walaalahood, shaydaankuna waa mid ku kufrin
badan rabbigiis''.
Sidaan ogsoonahay sigaarka waxaa uga baxdo dadka cabba lacag aad u badan,
tusaale ahaan; waxaa laga yaabaa in qofka sigaarka cabbaya uunan hanti badan
lahayn, naftiisana ay ubaahantahay ama carruurtiisa iyo ehelkiisa, taasna
diiniyan waa khalad. Xataa haddii uu lacagtaa awooddeeda leeyahay waxaa jira
malaayiin muslimiin ah oo ku gaajoonaya dunida daafaheeda, ma daw baa inuu
balwaddan ku bixiyo lacag uu gaajada uga bi'in karo kumannaan muslimiin baahan?!!
Meelaha kale ee na tusinaya xaaraantinimadiisa waxaa ka mid ah: in sigaarka
laga soo dhoofiyo waddan gaalo ah oo cadaawad kala dhexeyso muslimiinta,
lacagtaas oo keenayso inuu ku awoodaysto dalkaas, hadhowna u adeegsado
muslimiinta.
Maadaama uu sigaarku wax udhimay laba kamid ah daruuraadka islaamka, waa
xaaraan isticmaalkiisa iyo ka ganacsigiisa, sida ay qabaan fuqahada ugu waa weyn
muslimiinta.
3- Habbiso ayuu leeyahay:-
Eeg xadiiskan ay warinayso hooyada mu'miniinta Ummu salama.
عَنْ أُمِّ سَلَمَةَ قَالَتْ: نَهَى رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى
اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَنْ كُلِّ مُسْكِرٍ وَمُفَتِّرٍ. سنن أبي داود
''Waxa uu nabigu reebay wax kasta oo wax sarqaamiya, habbisana keenaa”.
Xadiiskan ayaa nagaga filan xaaraan noqoshada sigaarka, haddii uunan wax
sarqaamin xataa waxa uu keenaa habbiso.
Adillada diinta islaamka aan ka helaynaa aad ayay u fara badanyihiin, waxaana
ka mid ah:
[ الّذين يتّبعون الرّسول النبيّ الأمّيّ الّذي يجدونه
مكتوباً عندهم فى التّوراة والإنجيل يأ مرهم بالمعروف وينهاهم عن المنكر ويحلّ لهم
الطّيّبات ويحرّم عليهم الخبآئث ....................الآية] سورة الأعراف (157)
Ilaahay wuxuu yiri: “Kuwa raacaya Rasuulka, Nebiga ummiga ah oo ay agtooda ka
helayaan, isagoo ku qoran Tawraadda iyo Injiilka, kaasoo faraya waxa san kana
reebaya waxa xun, una xalaalaynaya waxyaalaha wanwanaagsan kana xarrimaya
waxyaalaha xunxun”.
Sidee loola dagaallami karaa sigaarka iyo guud ahaan tubaakda?
In lala dagaallamo buurida waa wax lagama maarmaan ah, waxaana jira habab
badan oo loo mari karo joojinteeda, waxaana ka mid ah:-
1- Wacyi gelin: dadka ayaa waxaa la barayaa
dhibaatada ay leedahay buurida, guud ahaan iyo sigaarka gaar ahaan, waxaana la
isticmaalayaa hababka wax loo wacyi geliyo oo dhan sida; muxaadarooyin lagu
qabto meelaha dad weynuhu isugu yimadaan, lagana hadlo waxyeelladiisa; adeegsiga
qalabka warbaahinta, idaacadaha iyo telefishinnada; soo bandhigidda sawirro
muujinaya cudurrada uu keeno sigaarka iwm.
2- Ka joojinta cabbidda sigaarka goobaha dadku
udhanyihiin, sida gaadiidka, garoonnada, baararka iwm.
3- Joojinta in xayeysiis loo sameeyo sigaarka
noocyadiisa kala duwan, taa bedelkeedana la badiyo xayeesiis ka dhan ah
sigaarka.
4- In lagu soo rogo canshuuro fara badan sharikaadka
keena sigaarka, warshadaha sameeyana dalka laga mamnuuca haddiiba ay jiraan.
Sidee ujoojin karaa qofka cabba sigaarka?
Sigaarka cabbiddiisa waxaad ku joojin kartaa inaad raacdo talooyinka soo
socda, haddii Allaah idmana waad ku guulaysan doontaa joojinta sigaarka:-
1- Xasuuso waxa ay diinta ka qabto sigaarka, noqona
qof leh karti iyo go'aan adag, hana iska dhaadhicin inaadan awoodin joojintiisa.
2- Xasuuso in waxyeellada sigaarka ee soo gaarayo
nafsadaada iyo tan ehelkaada oo ah dadka kuugu dhow.
3- Xasuuso cudurrada uu keeno sigaarka ee halista ah
sida kansarka sambabada.
4- Xasuuso in lacagta kaaga baxdo sigaarka ay
mudanyihiin ehelkaada iyo carruurtaada inay noloshooda ku kabaan.
5- Ka suuli gurigaaga iyo goobtaada shaqo wax alle
wixi xiriir la leh sigaarka iyo sawirradiisa ama xayeysiisyadiisa.
6- Dabeecadda sigaar cabbidda ku bedel caadooyin kale
sida cabbidda casiir iyo isticmaalka caday.
7- Cab maalin walba 8 koob oo biyo ah.
8- Si joogta ah u sameey alamiinto (jimicsi), waxay
in badan kaa saacidaysaa inaanay dhib kale ku soo gaarin sida miisaankaada inuu
siyaado.
9- Usheeg ehelkaada iyo asaxaabtaada go'aanka
joojinta sigaarka ee aad gaartay.
10- Ha tegin goobihi aad kula cabbi jirtay asaxaabtaada sigaarka.
11- Xasuuso in balwaddan sigaarka ay unugulyihiin carruurtaada inay si fudud
kaaga daydaan, waayo carruurtu aad ayay uxiiseeyaan waxa dadka waa weyn
sameeyaan.
12- Booqo xarumaha la dagaallanka sigaarka iyo hay'adaha ku shaqada leh
arrimahaas, si aad talooyin dheeraad ah uga soo heshid.
13- Xasuuso in usbuuca ugu horreeya uu yahay kan ugu dhibka badan, waayo
jirkaaga waxa uu weli ku tiirsanyahay nikotiinka, muddadaas gudaheedana
astaamaha ka dhalanaya joojinta sigaarka waxa ay yihiin kuwa ka dhib badan
xilliyada dambe.
14- Xasuuso in xaaladaha niyad jabka ah ay ugu badanyihiin 3 da bilood ee ugu
horreeya marka aad joojinaysid sigaarka, lagana yaabo in walwal iyo mooraal
dillaac kugu dhaco mararka qaar, sida marka aad la kulanto ama la fariisato
saaxiib cabbaya sigaarka.
15- Ogow in dadka sigaarka cabba kan ugu guusha badan uu yahay kan joojiya
sigaarka, haddii aad mar ku sidbato oo aad xabbad qac ka siiso qaado go'aan
inaadan xabbad labaad unoqon weligaa.
Qorshaha joojinta sigaarka
Marka aad damacsantahay joojinta sigaarka, sameyso qorshe howleed gaar ah,
dadkana usheeg inaad doonayso joojinta sigaar cabbidda, weydiisana inay gacan
kaa siiyaan go'aankaada sidaad ku fulin lahayd, iskuna day inaad raacdo
talooyinkan hoos ku qoran:-
i. Qor liis ay
ku qoranyihiin faa'iidooyinka caafimaad ee aad ka helaysid joojinta sigaarka,
kuna dheji meel kuu muuqata sida darbi, talaajadda dusheeda ama meel kasto oo ay
ishaadu mar kasta ku dhacayso.
ii. Sameyso
cunnooyin fudud oo aan cuslayn, si aad ucunto marka aad dareento inaad aad ugu
baahantahay sigaarka.
iii.
Maalintaada ku billaabo koob liin bambeelmo ah (burtuqaal), waayo waxa uu kaa
saacidayaa in jirkaaga laga suuliyo nikotiinka, isagoo weliba leh (burtuqaalka)
dhadhan aad uraaxo badan.
iv. Qor
qiyaasta lacagta kaaga baaqato sigaarka sitimaan kasta, kaddibna xisaabi inta
kaaga baaqan doonto sanadka dambe haddii EEBE ku gaarsiiyo.
v. Iska yarey
cabidda kafayiinka, waayo diraasad ayaa sheegtay in kafayiinka uu keeno inuu
qofku u hiloobo nikotiinka, sidaa awgeed ha badsanin cabidda bunka ama qaxwaha (kaffee)
iyo shaaha.
vi. Ka fogaw
cunidda shukulaatada, waayo dadka qaar marka ay cunaan waxa ay raboodaan
sigaarka.
vii. Noqo qof
go'aan adag leh, hana is dhiibin haddii aad mar qaldanto, xasuusnawna in inbadan
oo dadki sigaarka horay ucabbi jiray ah aaney ku guulaysan joojintiisa illaa
isku daygi labaad ama seddexaad kaddib mooyee.
Maxaad ku bedeli kartaa nikotiinka?
Waxaa jira waxyaabo kale oo aad ku bedeli karto nikotiinka, sida xanjada oo
aad calaliso waxa ay kaa saacidaa ilaa xad inaad is halmaamsiisid sigaarka.
Waxaa kaloo jira dawooyin suuqa laga heli karo, kuwaasoo yareynaya ku
tiirsanaanta nikotiinka, balse dawooyinkaas waxaa habboon inaad isticmaasho la
tashi dhaqtar kaddib, waxa ayna soconayaan dhawr bilood.
Faa'iidooyinka joojinta sigaarka
Si kasta oo uu qofku u caafimaad daran yahay, joojinta sigaarka waxa ay
dheeraynaysaa cimrigaaga, noloshaadana way kuu hagaagaysaa, bal ila eeg
faa'iidooyinka hoos ku qoran:
1. 20 daqiiqo kaddib marka aad sigaarka joojiso,
wareegga dhiiggaaga waxa uu billaabayaa inuu soo hagaago.
2. 8 saacadood kaddib, waxa uu dhiiggaagu
awoodayaa inuu soo qaado oksajiin fara badan, kaddib marka la baabi'iyo nus ka
mid ah CO iyo nikotiinka ku jiray dhiiggaaga.
3. 24 saac kaddib, unugyada cas cas ee dhiigga
waxa ay si buuxda usoo xambaarayaan oksajiinka, kaddib marka laga takhaluso gebi
ahaan neefta sunta ah ee loo yaqaan CO (karboon hal oksaydh).
4. 2 maalmood kaddib jirkaaga kuma harayo wax
raad nikotiin ah.
5. 2 usbuuc kaddib, celceliska garaaca wadnaha
iyo caddaadiska dhiigga waxa ay ku soo laabanayaan heerka caadiga ah.
6. 5 sano kaddib, khatarta inuu kugu dhaco
wadne istaag ayaa hoos udhacaysa ilaa nus, marka la barbar dhigo dadka cabbaya
sigaarka.
7. 10-15 sano kaddib, khatarta inuu kugu dhaco
kansarka sambabada ayaa hoos udhacaysa ilaa nus, marka la bar bardhigo kuwa
cabba sigaarka.
Gunaanad
Gebo gebada diraasaddan waxaan rabaa inaan is xasuusinno in balwaddan
sigaarka ama tubaakada ay tahay musiibo heer caalami ah, waxaana jira in
kumannaan soomaali ah cabbaan, kharash fara badan uga baxo si ay u qanciyaan
niyaddooda u ooman balwaddaas.
Malaayiin muslimiin ah ayaa musiibadan dhex dabaalanaya, iyadoo qaarkood ay
billaabeen dhallinyaranimadoodi, dabadeedna marki ay waynaadeen iska jari waayay,
waayo waxaa gacanta ku dhigay nikotiinka, waxaa xataa ka dhacda dalalka islaamka
ah qaarkood in la arkay culimo waa weyn oo caan ah oo cabba, isla markaana
iftooda inay xaaraan tahay sigaarka cabiddiisa.
Waxaan rajaynayaa in akhristayaasha sharafta leh ay wax badan uga baxday
waxyeellada balwadda sigaarka iyo guud ahaan buuriga, aragtiyada laga kala
bixiyay, halista ay caafimaadka ugeysatana ay uga korortay aqoon. Dadka
balwaddan lehna waxaan filayaa inay joojin doonaan isticmaalkeeda, maadaama ay
garteen halisteeda, waxaana rajaynayaa inay raaci doonaan talooyinka aan kor ku
xusay, si ay uga adkaan waxyeelladeeda; anigoo Ilaah uga baryaya inuu ka
suuliyo laabtooda jaceylka iyo rabitaanka ay uqaadaan balwadda.
Ugu dambayn waxaan ka codsanayaa cid walba oo akhrisa qormadan inay ugudbiso
qof ay taqaan ama ay jeceshahay oo isticmaala balwaddan, si uu uga faa'iidaysto
talooyinka iyo aqoonta ku jirta qormadan gudahiisa.
Wabillaahi tawfiiq.
Waxaa diyaariyay:
C/qaadir C/llaahi Cumar (Insi).
Jaamicadda sayniska iyo tignoolajiyada.
Kulliyadda caafimaadka.
Sanadka 4aad.
Sanca; jamhuuriyadda Yemen.
khamiis, 26ka febaraayo, 2009.
E-mail:
insi12@hotmail.com
ama
insiyare@yahoo.co.uk
Tixraaca qoraalka
[[1]] Facchinetti et al. α,β-Unsaturated Aldehydes in
Cigarette Smoke Release Inflammatory Mediators from Human Macrophages.
American Journal of Respiratory Cell and Molecular Biology. Vol. 37, pp.
617-623, 2007. DOI: 10.1165/rcmb.2007-0130OC.
[[6]
] Ferrucci L, Izmirlian G, Leveille S, et al
(1999). "Smoking, physical activity, and active life expectancy". Am. J.
Epidemiol. 149 (7): 645–53.
PMID 10192312.
[[8]]
Doll R, Peto R, Wheatley K, Gray R, Sutherland I
(1994). "Mortality in relation to smoking: 40 years' observations on male
British doctors". BMJ 309 (6959): 901–11.
PMID 7755693.
[ [12]]
Adler I. Primary malignant growths of the
lungs and bronchi. New York: Longmans, Green, and Company; 1912., cited in
Spiro SG, Silvestri GA (Sep 2005). "One hundred years of lung cancer". Am.
J. Respir. Crit. Care Med. 172 (5): 523–9.
doi:10.1164/rccm.200504-531OE.
PMID 15961694.
[[14]]
Peate I (2005). "The effects of smoking on the
reproductive health of men". Br J Nurs 14 (7): 362–6.
PMID 15924009.
[[20]] waa maaddo ku milanto biyaha iyo khamriga, lagana helo
kaffeega (bunka), shaaha iyo waxyaabo kale. Waxa uu kicin ku sameeyaa
dhimirka, gaar ahaan maskaxda qeybta loo yaqaan cerebrum, waxaa kale oo uu
saamayn ku leeyahay murqaha iyo habdhiska wadnaha iyo wareegga dhiigga.
Sidoo kale waxa uu saameyn kaadi badin ah ku leeyahay kilyaha.
[[24]] a)
Agarwal A, Prabakaran SA, Said TM (2005).
"Prevention of oxidative stress injury to sperm". J. Androl. 26 (6): 654–60.
doi:10.2164/jandrol.05016.
PMID 16291955.
b) Robbins WA,
Elashoff DA, Xun L, et al (2005). "Effect of lifestyle exposures on sperm
aneuploidy". Cytogenet. Genome Res. 111 (3-4): 371–7.
doi:10.1159/000086914.
PMID 16192719.
[[25]] Emsley, John. Nature's Building Blocks. 2001.
Oxford University Press.
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2009