Hay’adda CCD oo dood cilmiyeed ku saabsan nabadda Soomaaliya Muqdisho ugu
qabatay Culumada Ahlu Sunna iyo aqoonyahano (Dood xiiso leh halkaasi ka dhacday)
Sawirada Halkan ka daawo...
Mashaa’iq si weyn dalka looga yaqaanno, Culumaa’udiinka Masaajida, Dhallinyaro
cilmiga Islaamka ka barta Mowlacyada diin-faafinta gobolada Koofurta Soomaaliya
ayaa maanta shirkii ugu ballaarnaa ku yeeshay magaalada Muqdisho gaar ahaan
Hotelka Kaah ayaa waxay uga hadleen guud ahaan xaaladda uu maanta dalku marayo,
dagaalada ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.
Kulanka Culumaa’udiinka duruqu Suufiyah ee Ahlu Sunna Waljameeca oo socday in ka
badan saddex saacadood, waxaa mudadii uu socday kulanka Culimada ay uga doodeen
arrimo dhowr ah oo ay ugu waaweynaayeen sida: sababaha keenay dagaalada,
ujeedada ay ka leeyihiin ururka Xisbul Islaam weerarada ay ku qaadayaan
fariisimaha ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Sidoo kale Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca waxay kulankooda uga doodeen
sida diinta Islaamka u ogolaaneyso in shacabka oo la xasuuqo lagu gaarayo darajo
iyo mansab, hase yeeshee Culumada kulankaasi ka soo qeyb gashay ayaa gebi
ahaanba waxay isku aragti ka noqdeen kooxaha weerarada ka geysanaya magaalada
Muqdisho iyo madaafiicda loogu soo jawaabayo khasaaraha cida uu ku badan yahay,
iyagoona sheegay mar haddii waxa Xisbul Islaam u dagaalamayo ay khasaare u
keenayaan dadka iyo dalka inaanay ahayn sharci iyo inay u dagaalamayaan diinta
Islaamka iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Culumaa’udiinka dariiqada Suufiyada ee Ahlu Sunna Waljameeca kulanka ballaaran
oo ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxaa khudbado taabanaya dhinacyo badan ka soo
jeediyay Mashaa’iq ku caan baxay fidinta diinta Islaamka, isla markaasina
Kitaabada cilmiga ka akhriya Masaajidada ku yaala gobolada K/Soomaaliya, waxayna
khudbadahooda guud ahaan ku muujiyeen in nasiib darro u soo hoyatay Soomaaliya
ay tahay maanta inay soo baxeen kooxo sheeganaya inay diin u dagaalamayaan oo
hadana dagaal kala hor jeestay dowladda cusub ee Midnimada Qaran oo Madaxweyne
loogu doortay Sheekh Shariif Sh. Axmed oo Ab ka ab ka soo jeeda Culumo u go’day
fidinta diinta Islaamka, markii la doortayna ballanqaaday in xukuumadiisu ay
dalka ku xukumeyso Shareecada Islaamka.
Shirweynaha Culumada dariiqada Ahlu Sunna Waljameeca ay ku yeesheen Muqdisho
waxaa ka soo qeyb galay 300-xubnood oo isugu jirta Culumaa’udiin isaga kala
yimid gobolada K/Soomaaliya Mashaa’iqdii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Sheekh
Muuse Cadde oo isagu khudbad u jeediyay ka qeyb galayaasha si weyn uga hadlay
xaaladda dalka uu ku sugan yahay maanta, isagoona farta ku goday mucaaradka
Dowladda oo waliba idaacadaha ka sheeganaya dagaal qasaare badan ka soo gaaray
dadka rayidka ah ee iyagu aan ka soo kabsan wixii dhacay 18-kii sano ee la soo
dhaafay.
"Waxaan taageersanahay Dowladda Madaxweyne Sheekh Shariif, cidii ka hor
timaadana shareecada Islaamka ayay khilaaftay, Alla guuleeyo Dowladda" ayuu yiri
Sheekh Muuse Cadde oo isweydiiyay waxa dowladda loola dagaalayo mar haddii ay
dalka ku xukumeyso Shareecada Islaamka, wuxuuna sheegay shacabka Soomaaliyeed ay
maanta u soo hoyatay guul mar haddii ay dalka ka dhalatay dowlad Kitaabka Alle
SWT dalka ku xukumeysa, hase yeeshee dhinaca kale ayuu Sheekha ku tilmaamay inay
tahay nasiib darro tii ugu xumeyd in maanta laga hor yimaado wixii ummadda
Soomaaliyeed ku taameysay.
Shirweynaha Culumada Ahlu Sunna Waljameeca ee ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa
maalgeliyay Hay’adda Center For Community Dialogue (CCD), waxaana ka mid ahaa
Mashaa’iqda magaca iyo maamuuska ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda Sh.
Xasan Sh. Axmed Siyaar oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay
maanta towbad keen iyo in Alle SWT ka baryaan inuu ka dulqaado abaaraha,
cudurada, colaadda iyo gaajada isla markaasina ay u midoobaan sidii ay uga
hortegi lahaayeen danaha guud ee ka dhaxeeya.
Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow oo ka mid ah mashaa’iqda Ahlu Sunna Waljameeca ayaa
isna halkaasi ka jeediyay khudbad aad u soo jiidatay dareenka ka qeyb galayaasha
shirweynaha, isagoona khudbadiisa si weyn ugu bayaamiyay doorka maanta ay
leeyihiin culumaa’udiinka, aqoonyahanada iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu
tilmaamay inay waajib ku tahay inay talada, xukunka iyo maamulka dalka uga
dambeeyaan Dowladda midnimada Qaran.
Shirweynaha ka dhacay magaalada Muqdisho, ka sokow Culumaa’udiinka Ahlu Sunna
waxaa kale oo ka soo qeyb galay aqoonyahanada Soomaaliyeed qaarkood oo isaga
kala yimid magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, waxaana shirweynaha
furay Sheekh C/qaadir Sh. Maxamed (Sheekh Soomow), Sheekh Cali Xaaji Yuusuf,
Sheekh Muuse Cagaweyne, Xuseen Baasey, iyadoo gabagabadii kulanka culumada iyo
aqoonyahanada uu ka duceeyay Sheekh Shamiiq Sh. Muxyaddiin Sh. Uweys Al-Qaadiri,
wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay inuu Alle ka dulqaado mixnooyinka
dhibaatada badan ee ku habsaday.
Mahamud Ahmed Hassan <xuurshe114@hotmail.com>
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2009