SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Waxoogaa Deeq Ah Oo Khamiistii La Gaarsiiyay Qaxootiga Xeradda Alla-amin Ee Duleedka Caabudwaaq.



Waxoogaa deeq ah ayaa maanta waxaa lagaarsiiyay Xeradda Qaxootiga Alla-aamin oo ku taalla duleedka Magaaladda Caabudwaaq.

Qaxootigaan oo ah ugu yaraan 350 qoys una badan dad reer miyi ah oo xoolihii ay haysteen ku dhaafeen abaar dheer oo soo martay ayaa markii qoys walba wixii xoolo uu intifaacsan jiray ay ka dhamaadeen waxa uu usoo hayaamay dhanka Magaalada Caabudwaaq.

Qaxootigaan ayaa inta badan waxa ay ka yimaadeen Tuulooyin ku yaalla gudaha iyo xuduudka Ismaamulka Somalida Ethiopia ay la wadaagto Caabudwaaq, qaxootigaan oo bilihii ugu danbeeyay deganaa meel koonfurta Caabudwaaq ah una jirta ilaa 5 km ayaan helin wax gargaar ah oo weyn tan iyo intii ay halkaas deganaayeen, waloow ay jireen dad iskood isu xilqaamay oo wixii ay awoodi kareen gaarsiiyay.

Qaxootigaan ayaa waxay iisheegeen in markii ay waayeen wax hay'adda ama samafalayaal si rasmi ah wax ugu tara waxa ay ula baxeen xerada ay degan yihiin Xeradda Alla-aamin, taasoo ay uga dan leeyihiin in ilaahay mooyee cid kale oo umaqan aysan jirin, run ahaantiina waa mid jirta arintaasi waa dad masaakiin ah oo subaxdii sida shinbiraha irzaaqad rabi mooyee aan ku xisaabtamin wax meel uyaalla ama cid kale oo ay wax ka sugayaan sidaasna ay ku noolaayeen waqti dheer.

Qaxootiga ayaa waxaa ka muuqata dhibaato kasta oo ku dhacda qof bani aadam ah kuwa ugu daran sida gaajada, jiradda, iyo daryeel la aan intaas oo dhan ayaa iskugu darmaday taasina waxay keentay in dad badani ugu dhintaan maalin walba saxar la aan.

Qaxootiga ayaa maanta waxaa loo geeyay waxoogaa Raashin, Sijaayaddo iyo Maacuun. deeqdaan ayaa waxaa ku soo kala deeqay Hay'adda ICRC iyo Qaybaha Bulshadda Caabudaaq, sida Waxgaradka, Culumadda, Dhalinyaradda iyo Dhamaan cid kasta oo ka danqatay dhibaatada haysata dadkaan masaakiinta ah ee silicu haysto.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa aad looga hadlayay Masaajid-yadda iyo dhamaan goobaha dadku iskugu yimaado dhibaatadda haysata dadkaan qaxootiga ah ee aan hadana cidi umaqnayn daryeel iyo nolol midna aan haysan, hadana ku dul nool magaalada korkeeda taasoo cuqubo iyo dhibaato weyni ka imaan karto hadii aan loo naxariisan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira dad badan oo arintaan si weyn uga xanuunsaday waloow tabarta dad badan oo dhibkaan taabanayo aysan wax weyn u awoodin, balse ay qaxootiga anfacayso wax kasta oo loogu deeqo ha yaraato ama ha badnaatee.

W/D: Said Qodax
Caabudwaaq, Somalia
sqodax10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS