SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ugaaska Beesha SADE Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Oo Xukuumada Cusub Ee DKG Ah Gaashaanka U Daruuray

Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo ah ugaaska Beesha Sade ee gobolada koonfureed ayaa markii ugu horaysay ka hadalay xukuumada cusub ee ra’isul wasaare cumar cabdirishiid ,isagoo si cad mowqifka beeshiisa daaha uga rogay.

Ugaas Cumar oo shir jar’iid ku qabtay qadka teleefoonka xili uu ku sugnaa magaalada Baardheere ayaa sheegay in isaga oo ku hadlaya afka beesh SADE ay gabi ahaanba qaadaceen xukuumada cusub, waxaana si gaar ah uu carabka ugu dhajiyay inay aysan rabin ninkii aan rabin waa sida uu hadalka u yiriye.

Ugaaska oo aan waydioinay in lagu casuumay shirkii dalka jabuuti ee dowlada midnimada qaran ayaa tibaxaaxay in aan la soo ogeysiinin.waxaana uu ugaasku ku sii dheeraaday in xaqii ay lahayd beesha SADE laga sad bursaday.

Mar uu ka hadlayay waxa la gudboon haddii ay yihiin beesha ka hortimid xukuumada ayaa waxaa uu tilmaamay in si deg deg ah u ugu wargelinayo in waxgaradka , aqoonyahanada, qurbajooga, xildhibaanada , haweenka iyo cuqaasha beesha ay isugu yimaadaan magaalo madaxda Gobolka ee magaalada Garbaharay si looga wada arrinsado marxaladaha xuquuqda beesha lagu duudsiinayo.

Hadalka ka soo yeeray Ugaaska Beesha SADE Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa waxaa uu noqonayaa aarrartii ugu damabaysay ee ka soo yeerta hoggaanka dhaqan beesha SADE,taasoo qeyb ka ah cabashooyin iyo banaanbaxyo ka dhan ah xukuumada oo ay muujinayeen qeybaha kala duwan ee beesha SADE kaddib markii sida ay beeshu ku cabanayso la duudsiiyay nidaamkii soomaalidu wax ku qeybsan jirtay.

Dhowr Qof oo Haraad Ugu Geeriyooday G/Gedo Oo Ay Abaari Ka Taagantahay

Ugu Yaraan 4ruux ayaa Oon Iyo Haraad waxay ugu dhiniteen Deegaana Daarisalaam oo qiyaastii 130km kaga Beegan Dhinaca waqooyi Magaalada Ceel Waaq Gobolka Gedo.

Dadkan dhintay oo labo ka mid ah ay ahaayeen Waayeel Qof dumar ah iyo inan yar ayaa la sheegay in ay u dhinteen Haraad ka dib markii ay waa yeen biyo ay cabaan, Qof kii ugu dambeeyey ee u dhinta Haradka ayaa ahaa Oday waayeel ah waxaana uu geeriyooday xili uu goobayay Baadi ka dhuntay ka dib markii uu ku asqoobay deegaan duur ah oo aan biyo ka dhoween sida ay xaqiijiyeen Odoyaal iyo waxgarad ila soo xiriiray.

Dadkan ayaa waxay u dhimanayaan Haraad ayadoo aysan jirin gobo u dhow oo ay biyo ka helaan, ku dhowaad 600 oo qoys ayaa ka firxaday deegaanadaasi kuwaasi oo u barakacay Goobo ay isleeyihiin waxaad ka heli kartaan Biyo Iyo Waxyaabo ay Naftooda ku badbaadiyaan .

Xaalada ayaa ka sii dareysa ka dib markii hay’adihii Samafalka Ee ka Howlgali jiray Gobolka ay isaga Huleeleen waxaana Codsiyo kala duwan ay ka soo baxayaan Odayaasha Culimaaudiinka iyo Waxgaradka Gobolka sidii ay hay’adaha iyo Dhamaan cidii wax caawin ah geysankarta ay u gar gaaraan dadka Halkaasi ku tabaaleysan

Maxamed Gaarane Aadan
Somalitalk- Baladxaawo,Gedo
Gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS