Idaacadda leyska arko ee ETN, oo soo jiidatay Qurbajoogta UK

Qalinkii:
Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo
nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay.
Idaacadda leyska arko ee ETN, oo fadhigeedu yahay magaalooyinka
Boosaaso iyo Nairobi, ayaa aad iyo aad looga hadal hayaa dhammaan
magaalooyinka waaweyn ee Ingiriiska. Iyagoo dadku ay isweydiinayaan
halka ay ka soo baxday idaacaddan. Sida aynu la wada socono waxaa
ingiriiska iyo dhammaan dunidoo dhan ay soomaalidu ka yaqaaneen
idaacadda Universal oo aad loo daawado, laakiin markii hawada lagu arkay
idaacaddan cusub dad baddan ayaa aad ula cajabay, idaacaddan cusub iyo
weliba barnaamijyada wax ku oolka ah ee ay soo tabinayso.
Waxaa kaloo dadka soo jiitay sida ay isugu howlaan inay magaalo
walboo Soomaalia ah ay kasoo tabiyaan warar muuqaal ah. Waxaa kaloo aad
iyo aad muhiim loogu arkaa barnaamijyada arimaha Bulshada, caafimaadka
iyo weliba ganacsiga oo ay soo deyso.
Idaacaddan waxaa kaliyo oo laga rabay inay sameyso barnaamijyo
ogeysiin ah, oo ay dadka qurgba joogta ah ugu sheegayaan halka ay kasoo
galaan iyo waliba kala horeynta barnaamijyadooda. Waxaa kaloo muhiim ah
iyadan inay wakiillo ka sameystaan magaalooyinka waaweyn ee Yurub iyo
America. Gaar ahaan Ingiriiska oo ay ku nool yihiin Mujtamac Soomaali ah
oo aad u fara baddan.
Mar kale waxaan leeyahay hambalyo ETN. Ogaada mar walboo aad
ilaalisaan anshaxa wanaagsan iyo wararka cadaalada ku dhisan,
idaacadiinu waxey yeelanaysaa sumcad aad u weyn.
Waxaan hadalkeyga kusoo gabagabeynayaa ETN allaha ka dhigo tii
Soomaali ugu yeerta waxa wanaagsan, oo xumaantana uga digta. Dhammaan
shaqaalaha, wariyayaasha iyo maamulka ETN waxaan idiin leeyahay hambalyo.
F.G
Mar walba fadlan halka lagala soo xiriiro maamulka idaacaadd ku soo
qora shaashadiina, sidoo kale website soo bandhiga oo lagal socdo
arimihiina.
Qalinkii: - Cabdixakiim Jaamac Jooje
Leicester UK