SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CASMARA

Warsaxaafadeed:Ka Soo baxay Xaafiiska Warfaafinta Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya oo Ka Hadlay Xaalada Wadanka Marayo

Alxamdu Lilaah Athnaa'u Lilaah Wasalaatu Wasalaam Calaa Rasuuli Laah

Waxaan aan doonayaa maanta inaan halkaan kala hadalno dhamaan ummada Soomaaliyeed noocyadeeda kala duwan taas oo ugu horeyso xaalada maanta uu dalka marayo iyo halka loo socdo.

dhamaan waxaad la socotaan walaalayaal inaan ku soo jirnay mudo labo sano iyo xoogaa jihaad aan ku jirnay kaas oon kula jirnay gumaystaha ku soo duulay wadankeena iyo anagoo doonaynay inaan qaadano ku dhaqanka shareecada Islaamka.

marka waxaan aad u jeclahay inaan ummada soomaaliyeed aan dhowr marxalo u cadeeyo oo kala ah kuwa la soo dhaafay iyo kuwa dhiman labadaba.

1-waxaan la soconaa dhamaanteen inaan waxa aan u dagaalameeynay mida ugu wayn ee ugu horeysa ay ahayd in la helo dowlad soomaaliyeed oo ummada Soomaaliyeed ku dhaqda Shareecada Ismaalka maadaama la ogaaday in wax kale oo lagu heshiin karo aysan jirin oo ay tahay miduu alle noo uuntay inaan ku dhaqano.

a-maxaa hor taagnaa taa ayada ah.

waxaan la soconaa inaan mar walba naloo ogalayn arinkaa ayada ah oo dowladaha dariska ah ay naga hortaagnaayeen ilaa iyo aakhirkii ay cadaysteen oo soo dhisteen dowlad ayaga u shaqaysa ilaa aakhirkii ay milatary ahaan u soo fara galiyeen wadankeena.

b-maxaan u dagaalanay anaga marka.

walaal waxaan jeclahay inaan halkaan idiinka cadeeyo waxii aan u dagaalanay way badnaayeen laakiin waxyaabaha laga xusi karo oon rabo inaan caawa dhowr qodob idinka sheego waxaa ka mid ah.

1-In wadanekeena ay ka dhalato dowlad islaam ah oo ku dhaqda Shareecada Islaam.

2-In Laga saaro ciidamada shisheeya wadankeena nooc walba ay yahiin.

3-In lala dagaalamo nidaamka dastuurka ay dhisteen dagaal oogayaashii iyo Ethiopianka waxa hogaaminaya iyo waxa wata oo dhan.

4-In maxkamad la soo saaro dhamaan waxii dalka iyo dadkaba danbiga ka galay.

5-In ummada Soomaaliyeed loo madax baneeyo aayaheeda oo ayadana ka tashato.

hadaba walaalayaal arimahaas aan ka hadalnay maxaa ka hirgalay maxaanse ka hirgalin.

waxaan aan la wada soconaa qodobadaan aan sheegnay waxa ka hir galay inay yihiin wax aan la tilmaani karin.

1-wali wadankeena kama dhalan dowladii aan rabnay oo ahayd tii ay dadka ka tashteen ku dhaqaysay shareecada Islaamka.

2-waxaan la soconaa in Ethiopia ay wali ku jirto meelo ka mid ah Soomaaliya, siyaasadeediina faragelinta ahayd aysan wali dhamaan iyo waliba inay wali joogaan ciidamdii kale ee calooshood u shaqaystayaalka ahaa ee shalay iyo maantaba na xasuuqaya inay caasimadeenii hooyo ku sugan yihiin.

3-nidaamka lagu soo dhisay Embaghati oo Ethiopia iyo dagaaloogayshii soo dhisteen waxaan la soconaa in uun C/laahi yuusuf kaliya ka tagay ee intii kale ay sidoodii tahay Shariif iyo inta la socotana ay ku qanceen nidaamkaas inay la shaqaystaan.

4-Ragii maxkamad la soo saari lahaa oo dadka iyo dalka gumaadayay una shaqaynayay gumaystaha darajo ayaa lawada dalacsiiyay oo min xidig loogu daray markuu shariif yimid muqdisho.

5-Meeshii aayaheena naloo madaxbanayn lahaa maalin walba jabuuti iyo kenya ayaa wax naloogu soo yeeriyaa oo taana wali nalooma ogola.

Hadaba waxaan doonayaan inaan shacabka Soomaaliyeed ee ku haya Nabad baan Rabnaa yaa diidan nabada waxaa mudan intaadan xukunka qaadin inaad is waydiiso labadaan arrimood.

a-ma waxaa nabada diidan ninka nidaamkii jiray ku qancay o kursiga u doontay markii ummada soomaaliyeed guusha u soo dhawaatay oo ka weecay hadafkii loo socday.

b-mise waxaa nabada diidan ninka leh war kaalay wali lama gaarin meeshaan u soconay haday dhowdahay ee aan wax wada qabsano.

walaalayaal anaga waxaan leenahay nabada waxaa diidan nimanka naga soo horjeeda oo sidii C/laahi yuusuf iyo Cali geedi ay lahaayeen kaalaya na soo raaca maantana leh.

1-waxaa kale oo ayana jira in warbaahinta Soomaaliya idaacadaha iyo websityada badidood ay qaldayaan hadafkii ummada ayna lacaga laaluush ah qaateen ka dibna aysan marnaba dhexdhexaad ka ahayn arimaha ka socda Soomaaliya Maanta.

2-Waxaan kale oon doonayaa Culamada Soomaaliyeed qayr allaha siiyee waxay aad isugu mashquuliyeen inay xal ka soo saaraan dhibka Soomaaliya maanta balse waxaa moodaa inay wax badan asiibeen balse inay iloobeen wax la is dhihi karo waxay ahayd muhiim ahaydna inay ka hadlaan.

1-waxay amreen in 4 bilood gudahood Ciidamada gumaystaha Amisom ku baxaan.

2-In shareecada islaamka mudo 3 bilood ah looga ansixiyo Baarlamaanka.

3-In uusan banaanayn in la daadiyo dhiiga qofka muslinka ah oo ilaahay xarimay .

Runtii qodabadaas waa wax fiican oo aad muhiim u ah balse waxaa is waydiin mudan waxaa moodaa qodabadaa inay kula hadleen dowlada ay aqoonsan yihiin walow anaga aan aqoonsanayn wax dowlad ah inay wadanka ka jirto.

marka waxaa jira awooda aan la qarin karin oo ka soo horjeeda dowlada ay aqoonsan yihiin joogana magaalada muqdishana shalay xoraystay oo gumaystihii xabishada ka xoreystay oo aaminsan wali inaan la gaarin halkii loo socday oo loo dagaalamayay marka maxay tahay waxa ay culamada uga tala galeen .

ma waxay raali ka yihiin inuu shariif iyo kooxdiisa is fidiyaan oo meelaha mujaahadiinta joogaan uu asaga la wareego.

waxaan aan doonaynaa inaan u sheegno dhamaan dad wax garanaya inay ogaadeen qodabadan

1-Inaan wali la gaarin waxii shalay qoriga loo qaatay marka dadka Soomaaliyeed ee walaalaheen waxaan ka xunahay oo ka tiiraanyaysanahay daciifnimada uu gumaystaha wadankena jooga ee Ugaandha iyo Burundi kula dagaalayaan dadkeena oo markaan la dagaalno uu u gumaadayo shacabkeena waxaana leenahay marlabaad shacabkeena waa qadar Ilaahaye u dulqaata.

2-Waxaan Cadaynaynaa meelaha aan joogno anaga ayaa amaankooda ka masuul ah sugaynana haka digtoonaadeen faragelinta dadkii shalay gumaystaha la shaqaynayay ay doonayaan inay noogu yimaadaan.

3-Waxaan aan doonaynaa inaan u iftiimino umada Soomaaliyeed Shariif shalay waa kii 20 ka Burundiyeeska u tacsiyaynayay maxuu ugu Tacsiyeen waayeen ama uga hadli waayay Boqolaalka qof oo Ugaandheesku xasuuqay.

4-Culamada Soomaaliyeed waxaan ka codsanaynaa inay hadafka cadeeyaan si xilkasnimo lehna dhinacyada oo dhan wax uga qabtaan hadiise looga shakiyo xaglin waxay leedahay dhibkeeda.

5-Waxaan qaylo dheer ugu sheegaynaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed inaan jecelnahay nabada rabnana nabada waxaan raadinayna tahay nabada balse tan aysan ahayn nabadaan rabnay ee ay ogaadeen tan hada timid inay tahay tii cabdulaahi yuusuf iyo bashiir raage wadeen oo markale shariif shiiq axmed soo qaaday.

6-Waxaan u sheegaynaa meediyaha dadka qaldaya oo wada probogaandada iyo dacaayadaha Raqiiska ah oo ku fidinayo Xisbul Islaam oo ah qabiilka iyo waa kala jajabeen inaysan waxba ka jirin ummada Soomaaliyeedna qabiilkii ka dhamaadey june 2006dii markii maxkamadaha Islaamka dhasheen.

wabilaahi towfiiq

Xaafiiska Warfaafinta ARS

Asmara 26/02/09

isbahaysi@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 26, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS