SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Baaq Tageero ah ee Suldaanka Cusub Suldaan Aweys Xaaji Cali (Du Dumagale) ee Beesha Silcis-Hawiye

Baaqan waxay Beesha Silcis Gorgaate ee dibedda iyo Gudaha ku taageerayan suldanka cusub ee beessha Suldaan Aweys Suldaan Xaaji Cali (Du Dumagale) ee shalay 22-02-2009 lagu caleemo saaray Hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho. Suldaankaan waa kii 11-aad oo ay Beeshaasi yeelato inta la ogyahay.



Baaqaan waxaan hanbalyo farxadi ku dheehantahay aan u diraynaa dadka ka soo shaqeeye ama fadhiye muddo bil ka badan islamarkana fahmay in beesha u bahan tahay Suldaan Cusub ay ku dhantahay dhisato oo danaha Beesha Silcis u taagan guud ahaana u tagan danaha Beesha Gorgaate-Hawiye iyo saaxibadeedba.
Xubno ka mid Beesha Madaxdeeda Siyasadeed iyo Odayaasha Dhaqameed oo ka mi yihin Duubka Guud ee Beesha Silcis Xaaji Maxamed Axmed Xasan, Nabadoonka Hiire Farah, Sheikh Abukar Nuur Gulal oo wakiil ka ah Shekh Muxumad Qandi, Nabadoonka Gudoon Farah Mudane Maxamud Nur Imbeshi, Nabadoonka Tahlil Cali Jiis Mudane Maxamed Mahamud Kaneeco, Nabadoonka Rooble Omar Mudane Sheikh Mohamed Cumar, Nabadoonka Colow Cali Jiis Mudane Hussein Mohamed Dauud, Nabadoonka Ahmed Farah Xasan Barakowe, iyo dhaamaan Nabadoonada Nugaale Silcis ee Degaanka Afgooye iyo Libowe Silcis gar ahaan Dr. Aweys Haji Yusuf, Xildhibaan Cali Yuusuf Cusmaan, Xildhibaan Suldaan Maxamed Aweys Axmed Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Sadiiq iyo Shekh Ahmed Qandi, Garyaqaan Dr. Abdiwahid Osman Haji oo ah Guddomiye ku xigeenka Odayashaha Midinimada iyo Dhaqanka ee Beesha Hawiye ee Kanada diyaarisey xeer-dhaqameed Wareega Suldanimadda iyo Xilka Suldanimadda lagu shaqeeynaayo intii aan la dooranin suldaanka.

Xeer dhaqameedkaas ee ogolaadeen dhamaan Buslhoweynta Beesha Silcis waa mid ku dayosho mudan aan qabin dhamaan beelaha Soomaliyeed oo Suldanimaddoda Dhaxal tahay taan beesha Silcis tahay mid ay ku wareegto Beelaha Silcis oo dhan oo loo doorto ciddi u qalanto Xilka Suldanimadda. Sida Darteed, dhamman Xubnaha Beesha waaxaan ugu baaqeyna inay Tageero ka geystaa iskana ilaaliyaan waxiii midnimada beesha wax u dhimaayo oo ka horimaanayo xilka Suldaanka cusub Suldaan Aweys Xaaji Cali (Du Dumagale)

Waxaan taageereyna hab-maamuuska doorasha Wareega Suldanimadda ee ku cad Axdi dhaqameedka beesha, kuna saleysanyahay habkii taariikhiga ee Wareega Suldanimadda ahaa ee beeshaa Silcis Gorgaate laga bilaabo 1456.

Hanbalyo farxadi ku dheehantahay aan u diraynaa Madaxda Beeshu Xaaji Kurtun, Maxamud Qandi, Abdulqaddir Sheegow, Guddomiyaha Beesha Tahlil, Xasan Yare, Hiire iyo , Rooble iyo Dhaamaan Reer Nugaale Silcis iyo Libowe Silcis eek u nool Gobolka Shabelaada Hoose iyo Dhexe oo sida quruxda badan u soo abaabulay xafladda caleemo saarka suldanka cusub ee beesha Suldaan Aweys Suldaan Xaaji Cali (Du Dumagale).

Hanbalyo farxadi ku dheehantahay aan u diraynaa dadka ka soo qeyb galay Xafladda lagu caleema saaraayay Suldaankaan Cusub sida Duubabka Beelaha Soomaaliyeed, Hawiye, Dir, Darood, Digil iyo Mirifle, Beesha Benadir iyo Haweenka iyo Dhalinyarada Beesha Silcis Gorgaate.

Waxaan tageereyna Ballanqaadka Suldaan Aweys Suldaan Xaaji Cali (Du Dumagale), oo ka caddeye xafladda in Beesha Silcis ee tageeraan Dib u heshiinta Beelaha Soomaliyeed oo ku saleysan horumar, nabad, isqadarin, wax wada qabsi, iskaashi iyo wada noolaansho sharaf iyo wanaag.

Walaalayaal waxaad hoos ku arki doontaan magacyadda dadka taageeray baaqaan iyo masawiro muujinaaya doorashadii iyo damaashaadkii lagu dooranaayey Suldaanka iyo asagoo dhexfadhiya Duubabka Beelaha Soomaaliyeed, Hawiye, Dir, Darood, Digil iyo Mirifle, Odayaasha Dhaqameed iyo Dhalinyarada Beesha Silcis Gorgaate
Magacyadu taageerayasha :
Dr. Aweis Haji Yusuf Guddomiyaha Arrimaha Siyaasadda ee Beesha Silcis
Xildhibaan Barlamanka Cusub 2009 Cali Yuusuf Cusmaan,
Xildhibaan Barlamanka Cusub 2009 Suldaan Maxamed Aweys Axmed
Xildhibaan Guddiga Gobolka Banadir Cabdulqaadir Maxamed Sadiiq
Garyaqaan Dr. Abdiwahid Osman Haji
Omar Sheekh-Suldan Sun-ku-Dulow (Oday Dhaqameedka Beesha Minnesota )
Dr. Osman Xuseyn Xaaji Macow Shiis-Guddomiyaha Beesha Silcis ee London
Xassan Cabdulqaadir Axmad Gudoomiyaha xiriirka B.S.G.ee dibada iyo gudaha
Suldan Ibrahim Silcis ( Wakiilka Beesha ee Beelaha Hawiye ee London)
Suldan Abdulqaadir Mohamed Balila ( Afgooye)
Xaaji Abuukar Aba- Cumar Oday Dhaqameedka Beesha Silcis ee Dibedda
Sid Balila ( Afooye)
Sheekh Osman Xaaji Yusuf
Aden Osman Haji ( Ethiopia)
Engineer Abdullahi Addow
Dr. Abdullahi Mohmed Hassan Guddiga Siyaasadda ee Beesha Silcis
Sakariya Maxamed Baliile Ururka Dhallinyarada Beesha Silcis.
Abdirashiid Axmed Cali
Ikram Abdullahi Cabdulqaadir Naaji
Abdirahman Kusow
Cabdikariim Xaaji Yuusuf
Khadija Abdulqadir Naaji
Falxad Cismaan Axmed Geesaweyne
Cabdinaasir Xaaji Cali Dudumagale
Cabdullaahi Xuseyn Qaajo
Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf
Sugulle Maxamed Cumar Xiirane
Khadiijo Cabdulqaadir Axmed
Abdicasiis Mahamed Jelle
Maxamed Cali Geelqaad
Maxamed Cismaan Nuur (Suumaaye)
Sh. Axmed Cismaan Shiikhaay
Shariif Siid Barakoowe
Sheekh-Siidow Cismaan Nuur
Sucaado Maxamuud Baliile
Abdirashid Osman Gesweyne
Sugulle Maxamed Cumar Xiirane
Xuseeyn Barakoowe Axmed


waxaa soo tebiyey:


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

iyo abdiwahid haji <abdiwahid_haji@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS