SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
xaflad lagu taageerayo dowladda midnimada qaran oo kadhacaday dalka pakistan

Habeenimadii xalay waxaa magalada Karachi ee dalka Pakistan ,lagu qabtay xaflad si heersare ah loo soo agaasimay , Taasi oo  loogu  taagerayay , islamarkaana loogu ducaynayay    Dowladda  Midnimada Qaran ee kacuratay wadanka soomaaliya.

Xafladaan  oo ay siwada jir ah usoo qaban qaabiyeen  Ardeyda soomaaliyed ee wax kabarata magaalada Karachi ee Dalka Pakistan, ayaa ,waxaa  kasoo qaybgalay dhamaan  bulashada soomaliyed qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan magaalada Karachi ee dalka Pakistan sida: Ardeyda , Waalidiin, Culamaa’udiin,Ganacsato,haween ,Caruur,waxaana ay tiradoodu  kor  u dhafaysay in kabadan 200 oo qof.

Xafada oo kubilaabay jawi dagan ayaa, ugu  horayntii waxaa halkaas hadal qiiro ku abuuray  ,dareen koodana kiciyay kasoo qaybgalayaasha   kasoo jeeday  Ganacsade Xassan Hilowle  oo kamid ah soomaalida indheer garad ah , in muddo ah-na   ku noolaa dalka Pakistan  taas oo gundhigoodu ahaa  midnimada iyo iskuduubnida umadda soomaliyeed iyo  sida ay maanatay  shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan ugu  baahanyihiin helitaanka  inay mar uun indhahooda saaraan dowlad dhexe oo  ka hanaaqaada dhamaan gayiga  soomaliya “umadda soomaliyeed waxaa maantay kudhacay tiih iyo  jaho wareer, haddii aan nahay qurbajoogta malinba wadan ayaan  uguur-naa,taasi oo  kutusinaysa in soomaalida asalkeedii  hore ahaayeen  reer guuraa, waxaana taas  inoogu wacan in soomaalida dhexdeeda iyo faro gallin shisheeye in tuba inoo diideen  helitaanka xukuumad soomaliya kahirgasha ” ayuu yiri mr Xassan Hilolwle, wuxuuna ugu danbeyntii  kula dardaaramay shacabka soomaliyeed  inay u tafo xaytaan sidii loo garbo gali lahaa si ay unoqoto mid mira dhasha dowladda midnimada Qaran ee  uu hormuudka  kayahay  madaxweyne Sh Shriif  Sh Ahmed

Dhankakale  waxaa asna xaflada dhanka qadka telephonka ah uga qayb-qaatay asigoo kusuganaa magalada Islamabad ee Casimada Dalka Pakistan mudane Ahmed C/raxamaan Sh Nuur oo kamida mas’uuliyiinta sarsare  Safaarada soomalida ay  kuleedahay dalka Pakistaan, waxaana  uu  kudheeraaday sidii soomalida rer pakistaan gacamaha isku qabsan lahaayeen , islamarkaana  ay u midayn lahayeen fikirkooda, una taageeri lahaayeen dowlada midnimada Qaran ee soomaaliya  “midnimaa dolwda lagu guntaa, hadii ay dolwda dhexdeeda iska tiiriyaan ,iskana ilaalshaaan kala qoqobnaanta iyo tafaraaruqa marwaliba soo kala dhax gala dolwada kasta oo la unko waxa ay ilatahay  inay hano karto kalsoonida shacabka  iyo tageerada beesha  caalamka” ayuu  yiri  Ahmed C/raxmaan  oo kamid ah mas’uuliyiin sarsare ee safaarada soomaliya ee  kutaal dalka pakistaan

Sh c/salaam sh c/raxmaan(sheikh shiine) oo kamid ahaa  culamaa’udiinkii kasoo qaygalay xafladaan ayaa halkaas kasoo jeedayay  duco dheer oo loogu duceeyay  xukuumada cusub ee midnimada qaran .

Waxa  xusid mudan intii ay socotay xafladu in ardeyda soomaaliyed ee Karachi ay halkaas kusoo bandhigeed riwaayad loogu magac daray “inteenaan hartaymatahriibnaa” taasi oo  xanbaarsaneed qisooyin katarjumaya dhibaatooyinka aan kala go’lahayn ee ay  lakulmaan soomalida tahriibayaasha ah.waxaana jawi farxad iyo  rayn rayni ay kudheehantahay kusoo gabagaboobay waqtigii loogu tallo galay  xaflada.

waa  marakii ugu horaysay ee soomalida ku dhaqan magaalada Karachi ee dalka pakistan ay siwada jir ah uga soo qeyb galaan  xaflad noocaan oo kale  ah .



Waxaa  soo diyaaraiyay :

Ardeyda soomaaliyed ee Karachi ,pakistaan

Waxaa soo tebiyey awdirie4@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.