SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Tacsi: Marxuum Xaaji Maxamed Ismaaciil Dawaarig


Innaa Lillaahi waa innaa Illaahi raajucuun waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa dhamaan reer Dawaarig meelkasta ee dunida ka joogaan, anagoo uga tacsiyaynayna geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allah u naxariistee Marxuum Xaaji Maxamed Ismaaciil Dawaarig oo ahaa Caalim, Caaqil, Madax dhaqameed, Halyeed geesi iyo Horseed bulsho ee magac iyo maamuus oga tagay Bulsho Weynta Soomaaliyeed, gaarahahaan Puntland. Waxaan Illaah uga baryaynaa Marxuum Dawaarig inuu janadiisa fardawsa ka waraabiyo, qoyskiisa, eheladiisa iyo asxaabtiisina iyo Soomaali Weyn ka samirsiiyo, aamiin, aamiin, aamiin.
Waxaa tacsidaan soo dirayo:-


Reer Cabdiraxmaan Gayre iyo Qoysaskooda oo kala jooga dalka iyo dibaddiisa gaarahaan:
Cabdulqadir Cabdiraxman Geyre (USA),
Cabdirazaq Cabdiraxman Geyre (USA),
Cabdirashiid Cabdiraxmaan Geyre (USA),
Cabdikariim Cabdiraxmaan Geyre (USA),
Cabdisalaam Cabdiraxmaan Geyre (USA),
Cabdixakiim Cabdiraxmaan Geyre (USA),
Ciise Cabdiraxmaan Geyre (USA),
Cabdishakuur Cabdiraxmaan Geyre (USA),
Cabdalle Geyre Cabdikariim (USA),
Dahir Cabdalla Geyre (USA),
Cabdinasir Geyre (USA),
iyo dhammaan reer Gayre ee kala jooga Somalia, Europe, Kenya, Uzbek, UK, Canada iyo Australia.

 La xiriir: abdishakur Geyre <ashakur5@gmail.com>


TACSI

sc wr inaalilaahi waainaa ilahay raajicunwaxaan halkaan tacsi uga diraynaa dhamaan eheladii uuka geeriyooday shiikh maxame ismaaciil dawaarig ooahaa shiikh caan ka ah somaaliya gaar ahaan gobolada puntland waxaan leenahay ilaahay haydinka samirsiiyo isgana janatul fardowsa ha geeyo amiin wxaa lagu xasuustaa cilmigiisii xigmadiiisii .caaqilnimadisii geesinimadiisii,iyoaftahanimadii iyo taariikhdii uuhayey kullunafsin daaiqatylmowd waxa tacsidaan diraaya

suldaan bashiir muse koonte
suldaan ciise xasan cumar
suldaan cabdulaahisaalax jeenicad
boqor cumar ismaaciil sanweyne
llaah idankiis denbi dhaaf iyo janatulfardowsa aaamiin aamiin aamiin

bashir muse <bashkont2@hotmail.com>


SHEEKH MAXAMED ISMAACIIL DAWAARIG OO GEERIYOODAY

NAXARIISTII JANNO EEBBE HA SIIYEE WAXAA TUULADA XIRIIRO OO KA
TIRSAN DEGMADA ISKUSHUBAN KU GEERIYOODAY SHEEKH MAXAMED
ISMAACIIL DAWAARIG OO SI WEYN LOOGA YIQIIN GOBOLLADA PUNTLAND
IYO GUUD AHAANBA SOOMAALIYA.
DAWAARIG WUXUU AHAA SHEEKH AAD UGU XEELDHEER DIINTA ISLAAMKA,
NABADOON EHEL U AHAA NABADDA, WUXUUNA SI WEYN ISUGU HAWLI
JIRAY XASILOONIDA BULSHADA DHEXDEEDA AH IYO SAMO-KA-TALINTA.

MARXUUMKU WUXUU AHAA TAARIIKHYAHAN, MURTIYAHAN, AFTAHAN IYO
SAMA-HORSEEDE LA SOO TAMMADIYO MEEL KASTA OO UU JOOGO,
WUXUUNA SI SIMAN ULA WADA SHEEKEYSAN JIRAY WAAYEELLADA IYO
DHALLINYARADA, AADBANA LOO WADA DHEGEYSAN JIRAY, LOOGANA
WADA FAA'IIDAYSAN JIRAY, WUXUUNA AHAA SHEEKH BASHAASH AH OO
GOORWALBA FARAXSAN.

SHEEKH MAXAMED ISMAACIIL DAWAARIG WUXUU KA MID AHAA HALGA-
MAYAASHII GEED WALBA U SOO JOOGAY XORRIYADDA SOOMAALIYA
WUXUUNA AHAAN JIRAY XOG-HAYIHII LEEGADA (SYL) EE ISKUSHUBAN.

ILAAHAY HA U NAXARIISTEE WAXAA MARXUUMKA DA'DIISU AHAYD 99
SANO, WUXUU KU DHASHAY MIYIGA ISKUSHUBAN, WUXUUNA IFKA
KAGA TEGEY 13 WIIL IYO 28 GABDHOOD, WAXAANA TIRADA
DURYAADKIISU HADDA GAARAYAAN 500 OO QOF.

SIDAAS DARTEED, WAXAA DAD AAD IYO AAD U BADAN OO AAN MAGAC-
YADOODA LA SOO KOOBI KARIN OO KU NOOL WAQOOYIGA AMEERICA
IYAGOO KA TIIRAANYEYSAN GEERIDAAS NAXDINTA LEH TACSI U
DIRAYAAN DHAMMAAN XAASASKII, CARRUURTII IYO EHELADII UU KA
GEERIYOODAY SHEEKH MAXAMED ISMAACIIL DAWAARIG, WAXAYNA
ALLE UGA BARYAYAAN IN UU SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO, ISAGANA
JANNADII FARDOOWSA RUGTIISA KA DHIGO INSHAA ALLAAH, AAMIIN.

WABBILLAAHI TAWFIIQ
Muuse Xaaji Abees
<abees11@yahoo.com>

Tacsi 
 

Allaha u naxariistee waxaa ku geeriyooday magaalada Xiriiro, ee Gobolka Bari, Marxuum Maxamed Ismaaciil Dawaarik, oo ahaa halyeey si wanaagsan looga yaqaanay deegaanada Puntland, qeyb weyna kasoo qaatay halgankii Xoriyadoonka ee SYL, ahaan jirayna wakiilka SYL ee Iskushuban..  
 

Maxamed Ismaacil Dawaarik wuxuu ahaa nin isku darsaday  Codkarnimo, Murti, Aftahannimo, nabadoonnimo iyo weliba isagoo aad looga jeclaa deegaanada Puntland.  
 

Allaha ka siiyo samir iyo Iimaanba dhammaan qoyasaskii iyo eheladii uu ka geeriyooday  marxuum Maxamed Ismaaciil Dawaarik, isagan allaha ka waraabiyo Janatul Ferdowso. 
 

Tacsidan waxaa diraya dadka kala ah 
 
 

Maxamed Xasan Caraale

Yuusuf Takar

Siciid Yuusuf  Maxamed Muumin

Sahra Jaamac Jooje

Xaliima Jaamac Jooje

Sahra Yuusuf Jaamac

Leylo Jaamac Jooje

Duniyo Jaamac Jooje

Mustaf Cali Madoobe

Xaawo Cali Madoobe

Maryan Cali Madoobe

Cabdullaahi Cali Madoobe

Cabdiraxmaan Cali Madoobe

Barre Faatax

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Maxamed Yuusuf Maxamed Muumin

Muxibo Yuusuf Maxamed Muumin

Foowsiyo Khaalid Cabdalla Geyre

Caasho Yuusuf Maxamed Muumin 
 

By:- Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

<saicentadv@yahoo.com>

Ujeeedo Tacsi 24/02/09
Inaa Lillaahi wa inaa ilayhi Raajicuun

Abshir Saciid Faarax , C/rizaaq Saciid Faarax iyo Dhamaan Reer Saciid faarax Waxay Tacssi U dirayaan Dhamaan Qoyskii iyo Eheladii uu Ka geeriyooday Nabadoon Maxamed Ismaaciil dawaarik oo ku geeriyooday Degaanka Xiriiro Ee Gobolka Bari 24/02/09 . Waxaana Allaah uga baryaynaa In uu ka waraabiyo Naxariistiisa oo janatul Firdowsa Geeyo Aamiin Aamiin Aamiin . Eheladiisiina waxaan leenahay waa inaga wada Geeriyooday Dhamaanteen waana jid dadka oo dhan ay marayaan Geeridu ee Allaah Samir iyo Imaan ha inaga Siiyo .

abdirisaaq siciid <asfaarax@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS