SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda oo xaflad taageero iyo soo dhaweyn ah u sameysay Dowladda Midnimada Qaran.

Sawirada Halkan ka daawo...

Xaflad heer Qaran ah oo ay soo qaban qaabiyeen mas’uuliyiinta Jaaliyadda Soomalaiyeed ee wadanka Uganda (Somali Community Association in Uganda) ayaa galabta ka dhacday xarunta Jaaliyadda ee Magaaladda Kampala, waxaana xafladaas oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Uganda, Safiirka Somalia u fadhiya wadankan Uganda, saraakiil ciidamada Police ka SOomaaliyeed ka socotay oo howlo shaqo ku jooga wadanka Uganda, uuna ka mid ahaa taliye xigeenka Ciidamada Policeka Majo. General Bashiir Maxamed Jaamac iyo dadweynaha soomaaliyeed ee ku nool Uganda, waxaana xafladan lagu taageerayay Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Ra’iisul Wasaare Cumar C/Rashid Cali Sharmake, wasiirada la magacaabay iyo baarlamaanka ballaaran ee Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya wadanka Uganda Sayid Axmed Sheekh Daahir ayaa salaan uu ka waday dowladda Cusub wuxuu u soo gudbiyay dadweynaha Soomaaliyeed ee Uganda, wuxuuna sheegay in taageerada rasmiga ah ee ay dowladda u gudbin karaan ay tahay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay midnimadeeda ilaaaliso, wuxuuna "Erayga taageero micno badan ayuu leeyahay, waxaa jirta taageero dhaqaale, mid niyadeed iyo mid muruq intaba, laakiin reer Uganda waxaa ii muuqata in ay u badan yihiin dad Qaxaati ah, waxaana taageerada ugu fiican ee ay bixin karaan ay tahay in ay ilaaliyaan erayga Midnimo Qaran, waayo haddii madaxdeenu ay maqasha Jaaliyadda Uganda waa mid isku duuban oo aan kala gooba goobeystneyn intaas ayaa taageero ugu filan, niyad saafi ah oo isku duubni ay ku dheehantahay ayaan idinkaga baahanahay"

Safiirku wuxuu sheegay in wadanka Soomaaliya uu u baahan yahay gurmad deg deg ah oo macnaheedu yahay in 18-sanood kaddiib aanu wadanku u baahneyn kala qoqob iyo dagaallo kale, loona baahan yahay in qof kastaahi uu dowladda Midnimada Qaran ku taageero wixii uu adoowo, waxaana safiifka uu u mahdaceliyay qaban qaabiyaasha xafladdii galabta ka dhacday xarunta Somalia Community, waxaana uu dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan ugu baaqay in ay ilaaliyaan sharciga wadankan, maadaana wadankan uu yahay wadanka kalliya ee Qaaradda Africa ee Baasaboorka Somaliga ah uu free u yahay, wuxuuna safiirku u mahaceliyay shacabka iyo dowladda Uganda, sida walaaltinimada leh ee wadankooda ay ugu soo dhaweeyeen dadka Soomaaliyeed ee ka soo fakaday dhibaatada wadnka jirta.

Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda oo ay ka mid ahaayeen Cali Madaxey Jawle, Maxamuud Saney iyo Maxamed Xasan ayaa dhammaantood isku raacay in si rasmi ah ay u taageerayaan ulana shaqeynayaan dowladda Midnimada qaran ee uu Maxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana Jaaliyaddu tilmaantay qodobo muhiim ah oo ay tahay in dowladdu ay ku dhaqaado, waxaan qodobadaas ugu horeeya in Dowlaaddu wadanka ku maamusho Shareecada Islaamka.

"Haddii Daddka Soomaaliyeed aysan taageeradeeda ugu deeqin dowladan cusub ee hadda la doortay ee uu hogaamiyo Madaxweynaha da’da yar- Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaan halis u galeynaa in qariiradda caalamka laga waayo wadankeena Somalia, waayo eeg hadda xaaladda wadankeenu ku sugan yahay, 18-sano ka badan dhibkan baaxadweyn leh looma sii dil qaadan karo, eg dhalinyaradii mustaqbalka dalka waxay ku halaagmayaan badda iyo tahriibka, dumarkii sida uu u sharaf beelay fiiri, waxaan hadda mareynaa heerkii ugu xumaa ee ummad bini’aadam ah ay ku noolaato, caalmaka oo dhan waa nala yasayaa, ileen dowlad ma nihine, sidaas daraadeed walaalayaal waa in aan dowlada cusub taageernaa, waayo mustaqbal nooga sokeeyaahi ma jiro’ sidaas waxaa yiri madax ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha Uganda, ahna xoghayaha guud ee dacwada Ururka Ardada muslimiinta Xasan Cabdi Maxamed oo arday ka ah Jaamacdda Kampala International University.

Xafladan oo aheyd mid aad looga soo shaaqeeyay, waxaa dhalinyaradu ku labisnaayeen funaando lagu soo buufiyay sawirka Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheikh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/Rashid Cali SHarmake, waxaan dhalinyaradda Soomaaliyeed ka muuqatay farxad aan la qiyaasi Karin, iyadoo qaarkood ay iskugu hambalyeynayeen ku laabashada wadanka, haddii 3 bilood ee ugu horeysa kala dambeyntiin qaranka la soo celiyo.

Wakiilo ka socoday dowladda Uganda ayaa xafladda goob joog ka ahaa, waloow aysan imaan wasiiro iyo rag siyaasa culus leh, waayo todobaadkan wadanka Uganda wuxuu ku jiray is bedel siyaasadeed, kadddib markii madaxweynaha Uganda Moseveni uu wasiiro cusub dowladda ku soo daray, kuwana uu shaqada ka arkayay, waxaana wakiiladda dowladda ka socday ka mid ahaa taliyaha ciidamada Booliiska ee gobolka ninka la yiraahdo Mwange K. Moses oo soo gudbiyay salaan diiran uu ka waday Madaxwnaha wadanka, wuxuuna yiri "Waxaan aad iyo aad ugu faraxanahay in aan maanta arkay dad Soomaaliyeed uu iskugu soo baxay taageerista iyo soo dhaweynta dowladooda, sidaas si la mid ah ayaan idiinla qeybsaneynaa dareenka idinka muuqda, wax badan idiinma awoodno, laakiin waan idiin duceyneynaa, waxaana ilaahey idinka baryeynaa inuu wadankiina Nabad idinkaga dhigo, wixii ka horeeya xal u helista dhibka ka taagan wadankiina si xor ah ugu noolaada halkan Uganda, dareen in aad joogto wadankaagii oo nabad ah’

"Dowladda Uganda waxay aad ugu faraxsantahay in aad tihiid dad maskac furan shaqeysta, ganacsiga wax ka garanaya, sidaas daraadeed warbixinta aan ka helnay booliska degmada Soomaalidu ay degan tahay wuxuu sheegayaa in aad tihiin jaaliyad aan dhib badneyn oo muhiim u ah ’ ayuu sii dabana dhigay.

Ugu dambeytiina Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Uganda ayaa il gagar ah ku eegi doonta soo dhaweynta Madaxweyne sheikh Shariif Sheekh Axmed oo ay dhici karto inuu magaaladda Kampala soo gaaro maalmaha ugu dambeeya ee bishan February, waxaana dhalinyaradda Jaaliyadda ay isku diyaarinayaan haddii Madaxweynuhu yimaado in ay soo dhaweyn heer sare ah u sameeyaan.

W/D: Faarax Blue

farah.blue@gool24.com

+256 774228112

Kampala, Uganda

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS