XAFLAD HEER SARE AH OO LOOGU DEBAAL-DEGAYEY MAAMULKA CUSUB EE PUNTLAND OO
LAGU QABTAY BARTAMMAHA MAGAALADA LONDON EE CARIGA BRITAIN
Sawirada Halkan ka daawo...
Debaaldegan oo ay kasoo
qaybagaleen dad kor u dhaafaya 500boqol oo qof oo ka tirsan jaaliyada
qurba-joogta soomaliyeed ee ku nool gobollada iyo tuulooyinka dalka Britain ayaa
lagu qabtay magaalada london ee cariga ingiriiska.
Ujeedada munaasabdan taariikhiga ah ayaa looga gol-lahaa isbedelkii ka dhacay
Puntland iyo qaabkii xalaasha aheyd ee u qabsoontay doorashadii 8dii jan.2009.
Madaxweyne C/raxmaan Faroole iyo kuxigaha madaxwenaha C/samad cali shire ayaa
xaflada uga soo qaybglay khadka taleefanka, islamarkaana ka jeediyey hadalo ku
aadan qorshahooda 4ta sano ee soo socota.
Dadweynihii xaflada kasoo qaybgalay oo u badnaa jaaliyada reer Puntland ee
ingiriiska ayaa isugu hambalyeeyey isbedelkii ka dhacay garoowe iyo waliba
ra,iisul wasaaraha cusub ee DFKMG Dr.Omar A/rashid A. Sharmarke.
AYUB OMAR
puntlandersuk@yahoo.co.uk
LONDON
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2009