SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Munaasabad lagu Taageerayay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Shariif Sheekh axmed iyo Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdi Rashid Cali Shar ma'arke oo lagu Qabtay Wadanka Netherland.

Sawirada Halkan ka daawo...

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu Taageerayay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Shariif Sheekh axmed iyo ra,isul wasaarahiisa Cusub Cumar Cabdi rashid Cali Shar ma,arke ayaa dhawaan lagu Qabtay Malaada Denhaag ee Xarunta Wadanka Netherlad.

Xafladn oo lagu Qabtay Hotelka NH oo ku yaala Bartamaha Magaalada denhaag ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha jaaliyadda Soomaalida ku nool wadanka Netherland.

Xubnihii ka soo qayb galay kulankan ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay in la taageero dawladda cusub ee loo soo doortay soomaaliya oo uu hogaaminayo shariif sheekh axmed waxaana ay is tusiyeen sida ay muhiim u tahay in wadanka soomaaliya uu helo nabad,maadama wadanka uu ku soo dhex jiray muddo ka badan 18 sano dagaalo Sokeeye iyo bur bur.

ing,Guuleed oo ka mid ah soomaalida ku nool dalka netherland ayaa halkaas ku soo bandhigay filim uu ku cabirayay sida xal loogu heli karo mushkilada soomaaliya iyada oo filimkaas lagu soo bandhigay sawir gacmeed muujinaya bal sida looga gudbi karo dhibaatada daba dheeraatay ee ku habsatay Soomaalida isaga oo tusaalooyin badan u soo qaatay wadamo ay marki hore ka jiri jireen Dagaalo ahli ah,hadana aad u u hormay,oo ay ka mid tahay wadanka netherland.isaga oo sheegay in dhibka soomaaliya loogu gudbi karo in la qaado wadada ay mareen wadamada uu tusaalaha u soo qaatay oo xilligii hore ay ka jireen dgalaalo balse hadda ay ka jirto horumar iyo nabad.

sidoo kale waxaa iyana xafladaas qudbado xanbaarsan dareen wadaninimo ka soo jeediyay mas,uuliyiin ka kala socotay qaybaha ururada bulshada Soomaalida ku nool wadanka netherland waxaana ay dhamaantood halkaas hanbalyo iyo bogaadin ugu direen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya shariif sheekh axmed iyo ra,isul wasaaraha uu soo Magacaabay ee cumar cabdi rashi cali shar ma,arke iayaga oo ku sheegay in mas,auuliyiintan cusb ay ka rajeynayaan in ay bad baadiyaan shacabka soomaaliya maadaama ay yihiin mas,uuliyiintan cusub kuwo leh aqoon ku filan isla markaana lagu yaqaano in ay yihiin dad jecel in ay dalkooda ku dhaqaan shareecada islmaaka.

sidoo kale xafladan ayaa inta ay socotay waxaa abaal marino lagu gudoonsiiyay qaar ka tirsan xubnihii soomaalida ee ka soo qayb galay munaasabadan iyada oo sidoo kalena la gudoonsiiyay abaalmarino wariyaal ka socday TVga Caalamiga ah ee UNIVERSAL iyada oo ay abaalmarintana uu u godoomay Wariye cabdi wali ibraahim gar yare oo iasgu ah agaasimihii TVga calamiga ah ee UNIVERSAL xaruuntiisa Magaalada Nairobi ee xaruunat Dalka Kenya.

ugu Danbeyntii ayaa Munaasabadan waxaa lagu soo bandhigay Heeso iyo buraanburo ka hadlaya ahmiyadda ay leedahay nabadda oo ay soo jeediyeen qaar ka tirsan haweenka soomaalida ee degan dalka netherland iyaga oo aad u qiirooday sheegayna in waqti intaan ka badana aan loo baahneyn in dalka soomaaliya uu sidan ku sii jiro ayna jeclaan lahaayeen in mar uun wadankooda nadad noqdo si bey yiraahdeen caruurtooda oo qurbaha ku dhibaateysan ay ula laabtaan dalkoodii hooyo oo ay sheegeen qaarkood in aysan caruurtooda waxba ka garaneynynin dalkoodii hooyo ee Soomaaliya.

Munaasabadn ayaa ku soo gaba gabowday sidii loogu tala galay iyada oo ay soo abaabuleen ing,guuleed axmed Yuusuf iyo Drs Khadija aadan Maxamed oo ka mid ah Xubnaha Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool wadanka Netherland iyada oo ay xafdladan Xiriiriye ka ahayd baxsan Sumuni oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaalida ee ku dhaqan Wadanka Netherland.

Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)
Leeuwarden,Fresland,Netherland
GSM:0643642191
deeq1982@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS