SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Naadiga Somali Pen oo xusey Maalinta Afka Caalimiga ee 21 Febraayo

SAWIRRO: Sawirada Halkan ka daawo.....

Xaflad lagu maamuusayay maalinta 21-Feberaayo oo ah maalinta Afafka caalmaka iyo afka Soomaaliga ayaa lagu qabtay Muqdisho, taasoo ay soo

qabanqaabisay Naadiga Hal abuurka iyo Qorayaasha Soomaaliyeed, laantiisa koonfurta Somalia.

Qaybaha kala duwan ee bulshada sida fanaaniinta, saxaafadda, waxgaradka iyo marti sharaf kale ayaa kasoo qaybgalay xaflada, waxaana halkaas laga soo jeediyay hadalo ku aadan afka Somaliga iyo sugaan lagu cabiray horumarka afka.

Ugu horreyn waxaa hadal ka jeediyay xaflada Xoghayaha Naadiga SOMALIPEN Koonfurta Somalia Axmed Max'ed Dhicisoow oo ka hadlay heerarkii uu soo maray Naadiga tan iyo markii la aasaasay, wuxuuna sheegay in naadigu uu xooga saaray sidii loo ururin lahaa Afka Soomaaliga, isla markaana meel la isugu keeni lahaa qoryaaasha iyo fanaaniinta.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Cabdi Wehliye Siyaad oo ku hadlay magaca bulshada rayidka gaar ahaanHayadaha INXA iyo Xarunta Ismaaciil jimcaale DHIJRO, wuxuuna u mahadceliyay intii soo qabanqaabisay munaasabada, isagoo sheegay in Afka Hooyo ee Somaliga uu ka mid yahay saddexda Af ee ka qoran Afrika, iyadoo ay ka horreeyeen qoraalkiisa Afafka Amharic iyo Sawahili.

Cabdi Wehliye wuxuu Somalida u soo jeediyay inay xoogga saaraan horumarinta iyo taabogelinta afkooda hooyo ee Somaliga, isagoo xusay in ummad horumarkeed uu ku xiran yahay horumarka afkeeda.

Guddoomiyaha Naadiga SOMALIPEN laanteeda Koonfurta Somalia C/naasir Yuusuf Macallin Ganey oo buuxiyay booskii uu ka geeriyooday ALLAHA u raxmadeen Cabdi Muxumad Amiin ayaa ka hadlay waxqabadka Naadiga iyo weliba howlaha horyaalla.

'Naadiga waxaa horyaalla saddex arrimood, kuwaasoo kala ah: Ururinta Hal abuurayaasha Soomaaliyeed, Ururinta Qorayaasha Soomaaliyeed iyo weliba Ururinta Haweenka hal abuurka leh, si loo horumariyo suugaanta Afka Hooyo" ayuu yiri C/naasir Ganey.

Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu mahad balaaran u jeediyay dhammaan ciddii gacan siiyay Naadiga intii uu jiray, isagoo xusay in naadigu uu dhexda u xiran doono horumarinta Afka Hooyo ee Soomaaliga.

Xaflada ayaa waxaa sidoo kale hadal kooban ka jeediyay Guddoomiye ku xigeenka Dalladda Isku-xirka & Horumarinta Dhallinyarada Soomaaliyeed SOYDEN Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo), wuxuuna sheegay in afka Hooyo ee Somaliga uu ku badbaadi karo iyadoo ay dhallinyaru horumariyaan afka, joojiyaana ku hadalka afafka kale ee Ajnabiga.

Fanaaniin iyo Abwaano ayka mid ahaayeen Cabdi dhuux Yuusuf , Cismaan Cabdulaahi Guure , Abwaan Barre Bangaladesh ,Abwaan Maxamed Axmed farey , Saciid Xarawo iyo dahabo Maxamed ayaa iyagu kusoo bandhigay halkaas tixo gabayo ah, kuwaasoo ay ku cabirayeen isbadalka afka Soomaaliga ee Hooyo, waxaana sugaantii ay soo bandhigeen ay ku cabireen in Afku yahay waxa ugu qiimo badan ee ay Somalidu haysato.

Afhayeenka Dowladda Somalia Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa hadalo kooban kusoo xiray xaflada, isagoo sheegay in looga baahan yahay saxaafada iyo sugaanleyda inay xoogga saaraan horumarka Afka Soomaaliga.

Naadiga Afafka Caalamka ayaa la aasaasay sannadkii 1928-kii, iyadoo naadiga Hal abuurka iyo Qorayaasha Soomaaliyeed la aasaasay sannadkii 1997-dii, halka Naadiga SOMALIPEN laantiisa Koonfurta la aasaasay sannadkii 2003.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 23, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS