Soomaalida Minnesota oo u Dabaal dagtay Dowladda Cusub, soona dhaweeyey...

Waxaa la dhihi karaa Jaaliyadda Somaliyeed ee Minnesota waxay u dabaal
degtaa is badal kasta oo ka dhaca
Somaliya ama Maamulkasta oo la soo dhiso, mudo hal asbuuc ah ayaa laga joogaa
markii ay Culumada Waqooyiga America
Ay Taageeradooda u muujiyaan Dowladda Cusub -
halkan ka eeg Bayaan ii Culumada.

wadaadkii qur,an ka akhriyey Sh ahmed
Xalay (Feb 22, 2009) ayaa Xafladd Dabaal deg iyo Damaashaad Wadatay lagu dhigay Convention
Center, Minneapolis, walow aysan Culumadu qayb ka ahayn Dabaal degaan waxaa daadihinayey Mr
Yassin Yabaarag iyo Shire Warsame Garbayte, waxaa goobta ka muuqda Dhalin yaro
lagu soo xardhay Astaanta Qaranka Somaliyeed oo ah Calanka Baluugaa. Dadweynaha
ayaa iskugu jiray Aqoon yahano Odayaal Dhaqameed iyo Haween iyo Dhalin yaro iyo
Madax ka socotay Gobalka Minnesota dhammaantood waxay Ruxayeen Calamo iyo Boorar
ay ku sawiran yihiin Madaxweyne Sh Sharif iyo
Raisawasaare Omar Abdirashid Ali Sharmarke waxaa indhahaygu soo jiiteen laba
wiil oo aad u dayar Zakariye iyo Abdirahman Waxayna xirnaayeen laba
Fanaanadood waxayna gacmaha ku hayeen boor uu ku sawiran yahay Madaxweyne Sh
Shariif waxaan weydiiyey su,aal Waxaan iri maxaad dareemaysaa dhalin yaro Caawey
waxayna ku jawaabeen waxaan taageersan nahay Dowladda waxaana rabnaa Nabad iyo
waliba is badal.

Zakariye iyo Abdirahman
Waxaa Qof kii ugu horeeyey ee lagu soo dhaweeyo Sameecadda ayaa
ahaa Nabadoon Cabdullahi Ahmed Khayr oo ah Oday Dhaqameed Somaliyeed waxuuna
yiri dhowr eray oo kooban ka dibna Madaxda Gobalka Minnesota qayb ka mida oo
Marti ahaa ayaa ka hadlay waxaana ka mid ahaa Haweenay la yiraahdo Jan Clison
oo ka socotay Hennepin County Commissioner
Waxay hadal keedu ku bilowday Somaliya Ha noolaato Sacab iyo is taag ayey abaal
marin oga dhigeen:

Dhegeyso:
Hadalkeedii
oo kooban ama soo rogo.
Waxaa kaloo
halkaas ka hadlay Peter boo ahaa nin horay u tartamay in uu noqdo Duqa Magaalada
Minneapolis Waxuuna hadalkiisa ku bilaabay erayo Somali ah waxuuna xusay is
badalka ka dhacay dalka America in ay Somalidu ka qayb qaateen Is badalkaas oo
uu ku guukaystay Obama Madaxtinimada Maraykanka sidaas darteed waxaa la rabaa in
aad isbadal ka cusub aad taageertaan.

Dhegeyso Hadalkii Peter:
Halkan
ama soo rogo.

Kan dib waxaa halkaas Buraabur ku Bururtay ilaa ay ka daasho Marwo Xaawo Ayeeyo ayada oo dad badan ay aad u qiiroodeen.
DHEGEYSO:
Buranburkii
Xaawo Ayeeyo ama Soo
rogo (mp3).
waxaa kaloo kaloo goobta ka hadlay
Abdifitah Mohamed Ali oo ka hadlay Taariikhda Qoysaska Somaliyeed haddii aan soo
koobi waxaa kaloo ka mida dad kii goobta ka hadlay Dr Mohamed Hassan iyo
Abdulqadir Mohamed Dhafuuje Duuliye sare iyo Abdihakim Osman Gudoomiyaha
Jaaliyadda Arizona iyo Mohamed Jibril Confederation Of SomaliCummunity iyo Sayid
Mohamud Ali oo ka socda Xafiiska Senator Amy Klobuchar waliba asaga oo halkaas
ka akhriyey dhambaal uu ka siday Senator Amy.
Dhegeyso: Hadalkii
C/fataax Maxamed Cali ama
soo rogo.
Dhegeyso:
Hadalkii
Xaaji Cabdi doore ama Soo
rogo
Dhegeyso:
Hadalkii
Duuliye Sare C/Qaadir Maxamed Dhafuuje. ama
soo rogo


Shire warsame Galbayte iyo Yassin Yabarag - Xariiriyaasha

Dadweynaha ka soo qayb galay...
Gunaanadkii oo la filayey Raisawasaare Omar Abdirashid in uu Jaaliyadda la hadlo
ayaan jaaliyaddu nasiib u yeelan in ay Codkiisa Maqlaan waxaana la hadlay
Jaaliyadda Wasiirka Ganacsiga Abdirashid Ciro. Mahad naq iyo Hanbalyo ka dib ayaa
la weydiiyey Goorta ay guurayaan iyo in ay la hishiinayaan Al shabaab, waxuuna
yiri: Dhawaan sida ugu dhakhsiyaha badan, Cidkasta waan la Hishiinaynaa.
DHEGEYSO:
Hadalkii
C/rashiid Cirro ama soo
rogo (mp3).
Gabagabadii ayaan waraysi ka yeeshay Mid ka mida Xiriiriyaashii isku soo duba
Riday Xafladdaan oo Magaciisa la Yiraahdo Shire Warsame Galbayte.
Dhegeyso:
Waraysigii
Galbayte ama Soo Rogo.
Dhinaca kale Dadweyne badan oo aan la kulmay ayaa ka Cabanayeen Music
iyo heeso faneed. Mid ka mida dad weynihii ayaa yiri Heestii
Calanka Somaliyey Toosaay oo la' qaadin Waxaa lagu badalay heeso Jacayla, Meesha
Tumashaa looyimide Taageero kama jirto. Si kastaba ha ahaate Dad ka ayaa u ekaa
kuwo u ooman Dowladdanimo Qaran iyo Sharaftii Somaliya lahayd in ay soo noqoto
waxaana ka muuqda Dadweynaha Dulqaad iyo Samir iyo Calanka Baluugaa oo Lalulayo
waxaase hubaal ah in dhagaha lootaagayo Baaq ay Soo saareen Culumo awdiin
Somaliyeed oo Muqdisho ku shirsanaa Asbuucyadii la soo dhaafay Jawaabta ay ka
bixiyaan Kooxaha is diidan ee iskaga soo horjeeda Siyaasadda Somaliya.




Tarabi iyo Yassin Yabarag - Tarabi Abdirahman Haji Gudoomiyaha Qaban Qaabada
Xafladda
Ugu Danbayntii waxaa soo Qaban qaabiyey
Xafladdaan
1. Yaasin Yabarag
2. Tarabi Abdirahman
3. Abas A/Hashi
4. Amine Deeble
5. Mohamud H Dooyo
6. Ali Yusuf iyo Xubne kale

Qaar ka mida odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo qaybgalay..
VIDEO:
Sawiro
iyo Cod sidii Xafladdii u dhacday (Eeg)
SAWIRRO:
Sawiradii Xafladda Halkan ka daawo
Ustaad
Abdiwali Bashir (Dalboon)
cdalboon@hotmail.com
Minneapolis, Minnesota
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 23, 2009