SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qaraxyo Ismiidaamin Ah Oo Axadii Lala Beegsaday Ciidamada AMISOM Ee Fariisinka Ku Lahaa Ex -Jaamacdii Hore Ee Muqdisho

Qaraxyo ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay xaruntii hore ee jaamacada umada ee magaalada muqdisho halkaasoo fariisin u ah ciidamada Burundi ee ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM .

Qaraxyadan oo ka koobnaa labo qarax ayaa la sheegay inay isku miidaamiyeen naftii hurayaal islamrkaana ay sheegteen xoogaga ka dagaalama gudaha wadanka soomaaliya ee Al-shabaab kuwaasoo ku weeraray ciidamada AMISOM .

Sidoo kale Afhayeenka Ururka Al -Shabaab Sh, Muqtaar Roobow Cali Abuu -Mansuur ayaa saxaafada u xaqiijiyey in qaar ka tirsan ciidamadiisa ay weerar is miidaamin ah ku qaadeen fariisin ka tirsan kuwa ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen xaruntii hore ee jaamacada umada .

Sh, Muqtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa waxaa uu intaa ku daray in qaraxyadaasi ay fuliyeen labo Mujaahid oo ka tirsan Xoogaga Al -Shabaab xili uu sheegay Sheekhu in ciidamada Burundi ay ku guda jireen caabudida kaniisad Macmal ah oo gudaha Jaamacadda ugu taala sida uu hadalka u dhigay.

“Labada qarax oo dhacay ayaa waxaa fuliyey mujaahidiinta dalka Soomaaliya oo lagu fuliyay ilaahey Cadowgiisa ee ahaa niminkii dalka ku soo duulay taasoo ka dhacday Jaamacadda Umadda,halkaasina illaahey cadowgiisa ayaa ku hoogay guulna wey gaareen mujaahidiinta”Ayuu yiri sh,muqtaar rooboow .

Afhayeenka al-shabaab sh, Muqtaar ayaa kaloo shaaciyey magacyada ragga qaraxyada gaystay islamrkaana tilmaamay inay ahaayeen mujaahidiin isagoo ku kala sheegay magacyada Axmed Sh, Doon Wahaliye Siidow oo uu sheegay in uu galay meel ciidamada AMISOM ay kaniisad ku caabadi jireen,iyadoo xiligaasi kadib uu ku xigsaday Mursal C/nuur Max’ed Cali oo Shikshigaaye ku magac Dheeraa kaas oo watey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay islamarkaana la galay afafaafka hore ee Jaamacadda Umadda.

Dhinaca kale Afhayeenka Ururka Al- Shabaab Sh, Muqtaar Roobow ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyey inay sii wadi doonaan weerarada is qarxinta iyo kuwa ay sida tooska ahba ugu weerarayaan ciidamada AMISOM inta ay dalka soomaaliya isakaga baxayaan .

Si kastaba ha ahaatee lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxyadan isadaba jooga ahaa ee ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday ciidamada Burundi ee fariisinka ku leh ex-jaamacadii hore ee umada kuwaasoo gil giley agagaarka deegaankaasi iyadoo uuro iyo qiiqna laga arkayey gudaha jaamacada ee ay degan yihiin ciidamadaasi


yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 23, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS