SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaflad Lagu soo bandhigay Wax soo saarka Warshada laasqoray



Xaflad Si heersare loo soo agaasimay oo Ujeedkeedu ahaa soo Bandhigida Mashaariicda Warshada Kaluunka ee Laaqsoray ayaa Galabnimadii Khamiista lagu Qabtay Isla Hoolka Wayn ee Warshada Kaluunka Laasqoray, Kulankaasi Balaadhan ayaa waxa lagu Casumay Ganacsato, Aqoonyano, iyo Qaar ka mid ah Ururada Bulshada.

Ugu horayn kulankaasi waxa Furay Maareeyaha Guud ee Warshada Kaluunka Laaqoray Dr C/raxmaan Maxamed C/laahi Isaga oo si qota dheer uga hadlay Hadafka Munaasibadaasi, Maareeyaha ayaa sheegay in Ujeedka Xafladaasi uu salka ku hayo sidii Bulshada loogu soo Bandhigi lahaa, Adeegyada Warshada Laasqoray iyo Qalabka Casriga ah ee lagu soo Kordhiyay,

Maareeye C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa farta ku Fiiqay in Warshada Kaluunka ee Laasqoray La Balaadhiyay isla markaana Kaluunka lagu soo Kordhiyay Qaabab Badan oo Casri ah, C/raxmaan ayaa Xusay in ilaa 5 - Nooc loo sameeyo Kaluunka Warshada Laaqoray kaasi oo uu Yiri" Hadeer Warshada waanu Balaadhinayay anaga oo la Kaashanayay Khuburo ku xeel dheer Arimaha soo saarida Kaluunka, Waxaan soo Kordhinay Kaluun Fara badan oo si Carsi ah loo Farsameeyay sida aad Hadeer Aragtaan Kaluunkaasi Hortiina Yaalaa Wa Nooc Cusub" Ayuu Yiri Maareey C/raxmaan.

C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa Ku Nuux - Nuuxsaday in Ganacsatada looga Fadhiyo inay Barnaamijkaasi Hormarka ah ka Qayb qaataan, Maareeyaha aya Farta ku Goday in Warshada Kaluunka ee Laasqoray ay Haatan ku Talaabsaday Hormar Baaxadlen, Mr C/raxaam ayaa Yiri" Kaluunka waxa uu Daawo u yahay Xanuun Badan waxana uu u baahan yahay ka Faa iidaysi Fara badan".


Cumar Hantiile
ayaanle6@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 23, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS