SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Fallo : Madaxweyne Faroole Vs Amiin Aamir

( Baroortu Orgiga ka  Weeyn )

Hussein abdikarim Ahmed –gendisch
Raleigh, NC , USA
Gendisch@aol.com

Sawirqaade amiin aamir, waa afmaal gacantiise ilaah ugu hiibeeyey inuu ku baarujiyo ummada somaliyeed meel kasta oo ay joogto. Waxaa uu qaataa mawduucyada   ugu hadal haynta badan Todobaadka  dalka soomaliyeed kuna soo bandhigaa fikrkiisa sawir gacameed ka qiima badan  In ka badam kun eray (One Picture is Worth Ten Thousand Words) .  Waxaa dib u xasuustay maalintii sh. Sharifkii maxaakiimtu inkaar hawada u mariyey. Taasoo dad badan u qaateen in ay arintaas ahayd meel ka dhicii ugu waynee ee sharif u geeysto sawir qaade xaqiiqsa ka hadlay. Anigu waxaan u aqaanaa muuqaalada amiin caamir al-xaqiiqa , walaalkeey cabdiraxmaan faroole ,  gudoomiyaha puntland waxaa laga rabay inuu wax ka yiraahdo waxa uu ka yeelayo makiinadaha lacagta sameeya , ama qaato in  taladiisa ummada somaliyeed inuusan lacag danbe daabicin burrburiyana makiinadaahas sharci darada ah. Waxaa laga leexan Karin in arintaasi jirto oo aan nina   moogeeyn xantissa iyo xaqiiqada ka jirta puntland midna .

Waxaa Somaliland iyo puntland ay ku amaanan yihiin nabada ay dalkooda ku soo dabaaleen , gaar ahaan Somaliland , aanay ka jirin  qalwal nabdgelyo oo badan, mid dhaqaale, iyo burcadnimo inntaba laakiin arinta puntland inkasta oo nabadi ka jirto , ganacsi wanaagsan ka socdo , huromarna ku talaabsatay, hadana waxaa jira guux badan oo somalidu ku tilmaanto in aysan ugu hagar bixin in degaanka iyo dadka laga sameeyo, kuna shaqeeyso fikirka ah leh miisaan siyaasadeed.  Waxaa ay kula dhaqantaa koofurta inteeda kale  arin lala yaabo oo ah ( keeyga anigaa leh kaagana kula lihi ) , Maamulkii a hore u jiray waxaa uu ahaa mid dabaadi ah oo ay ka muuuqato   maamul masuulid la’aan ku dhisan .  Intii ka horeeysay waqtigan hada la doortay Dowlada uu madax ka yahay cabdiraxmaan faoole oo wax badan ku soo jiray siyaasada puntland aadna wax ugu og waxaa dalkaas caan ku noqday musuqmaasuq . eex , qaraabakiil. Suaasha qof walba is waydiinyaa waxaa tahay maxaa Cabdiraxmaan faroole ka badeli karaa dhibaatda baxada culus ee punland haysta ? .

Waxaa dad badan oo somaliyeed filayeen in isbdel ka dhici doono puntland oo rag cusub oo wax ka bedeli kara iman doonaan , kadib markii ay tartankeeda galeen rag siyaasda pundland ku cusub iyo kuwo heer qaran joogay laakiin damcay in ay wax ka qabtaan dhibaatda gobolkaas haysata oo uu ka mid yahay . Jenaraal caan ka ah ciidanka xooga dalka soomaliyeed ( Cabdilaahi Axmed jaamac –ILKOJIIR)  oo aan ka qayb galin dagaalkii kogeeye iyo dhibaatadii ummada lagu hayey 20 sano oo la soo dhaafay.  Inkasta  dad badan oo somaliyeed saadaaliyeen in  puntland aanay ahayn Somaliland oo uu  ka taliyo hoggaamiye ka dhashay beel laga tiro badan yahay hadana waxaa muuqatay in generaalki uu go’aansday inuu la shaqeeyo cabdiraxmaan faroole , madaxwaynaha cusub ee puntland. Hadaba waa waabe, cabdiraxmaan faroole ma waxaa uu badelay fikirkii lagu halaagay ee xukuumada ka horeeysay iyo dhibaatada ay Somali inteeda kale ka tirsaneeysay dowlad goboleedka puntland !.

Maxaa ay yihiin waxyaabha laga tabanayo ee in uu bedelo looga baahan yahay ee sumcad xumida ku ah pundland ?,

  1. Lacagta la daabacdo :  waxaa ay dowlad goboleedka  puntland ku caan baxday daabacida lacag Somali falso ah , tiiyoo  dalka ay ku sicir bararisay dalka somaliyeed oo dhan. Dhaqalaheedana ka soo xeroodana ay isticmaaleen dhowr  oday oo sidii mafia boss dadka  dhiigooda u dhuuqa sida muqleeye. Kuwaas oo dan iyo heelo ka laheeyn hoos u dhaca ku imanaya $100 ee dibada looga soo diro marka ay dowladu lacag been abuur ah iska dabacato. Marka ugu horeeysa waa sharci daro. Oo meel laga ogol yahay  ama ogolaatay ma jirto in aad lacag aan sharci ahayn iska daabacato. Marka xiga waa xaaraan inaad xoolaha ummada uga badelitid lacag aan sharci ahayn. Marka sedexaad makiinada inaad gurigaaga dhigato oo aad ka dhigto warshad faalsada lagu daabacdo waxaa ay ka soo horjeedaa sharci kasta oo maamul  ummadu leedahay lagu sameeyo. Wax ka hadlaya arintaasna dowlada puntland laga maqal. Cabdiraxmaan faoole waxaa uu ka mid ahaa ragii ka shaqeeyey dhismaha warshadaas lacagta false ah daabacda , waxaa uu ahaa wasiirkii maaliyada ee dowladii puntland . waxaa cadeeyey in makiinadahaas yaalaan puntland oo lacagta ku daabacdaan. miyuuu is bedalay ? waxaa laga rabaa in ay arintaas ka jawaabaan dowlada puntland iyo  hogaankeeda. Waxaa uu ahaa bankaari garanaya dhibaatada lacag falso ah. Maxaa ay tahay qorshaha uu wax kaga qabanayo arintaas. ?
  1. Dhalinyarada bada lagu daadsho :  Soo fuul aan ku Tuuree !

    Meel dhowr km u jirta magaalada boosaaso waxaa ku taala saylad loogu talo galay in ariga laga dhoofiyo . meeshaas ariga lagu dhoofiyo waxaa maanta laga dhoofiyaa ganacsiga Dhoofinta dhalinyarada soomaaliyeed. Ganacsiga ugu heer hooseeya ee dad lagu gumaado aduunka, waxaa uu aad uga hooseeyaa kii ganacsigii dadka madoow loogu dhoofiyey qaarada america. Waxaa ka socda in dhalinyaradii wadanka, ubixii berito doomo lagu guro kadib marka lacag laga qaato , ragga dadkaas guraya waxaa ay degan yihiin magaalda boosaaso waana layaqaan iyaga iyo doomahoodaba , waaxaa ay dadkaas oo Somali iyo ajnabi isugu jira ku daadiyaan xeebaha yemen  waxaa inta soo fakata ka yar yihiin 40% . intaas fakatay waxaa ay yimaadaan iga oo ay ku taalo dhaawacyo culus oo loogu geeystay intii ay ku soo jireen bada. Waxaa wax lala yaabo ah in dadkaas inooda badan u badan rag  ay door bideen in ay bada ku dhintaan, intii ay joogi lahaayeen somaliya. Waa geeridaada lacag ku gado. Waxaan dhowr bilood mar laga joogo ka fikiray aniga iyo oday yaal magaalada ila degan sidii dadkaas loogu gurman lagaa oo loo siin lahaa Jaakatka degdeg ah ee loogu talo galay in ay qaataan dadka aan dabasha aqoon , jaaketkaas waxaa uu amerika ka joogaa $16.46, hadii asia laga raadinaya waxaan filayaa inuu ka joogo wax ka yar  $10 dollar. Gobolka puntland Qofka soomaliga ah qiimihiisu waa ka hoosyeea 10 dollar xamarna waana Zero .  Waxaa ay garan waayeen dadkaas dadka doomaha ka tuura in xitaa ku xiraan  qofka ay qaadayaan inuu heeysto jaakadkaas inta aanu raacin doonta . arintaan waa mid lama huraan ah in wax laga qabto hadii Cabdiraxmaan faroole aanu wax ka qaban  dhalinta somaliyeed ee bada kau dhamaatay waxaa ay noqon doontaa mid ceebteedu aanay ka tiritirmin puntland iyo dadka degan abid kuna noqota bar madoow. Ragga dowlada kula jirana waxaa u nowon doontaa . Arintani kuma maqal in ku jirto waxyaabaha lagu xanto in dowlad gobioleedka puntland ay ku lug leedahay. 

  1. Burcad badeedka( Piracy land) .

    Magaca burcad badeedka Soomaliya markaad maqasho waxaa kugu soo dhaca puntland isbaarana muqdisho , burcad badeedku waxaa uu noqday arinta ugu hadal heeynta badan dhalinta somaliyeed ee gudaha iyo dibada joogta , iyago qaba fakir kala duwan. Arintaas waxa u qaybiyey laba waji. Burcad badeedka sideedaba waa fadeexo sharci daro ah oo wax ay ku wanaagsan tahay aduun iyo aaqiro aan la arag., waxaa ay la mid tahay wiilka sparada ku  heesta koofurta somaliya ilaa maxaakiimtu dalka yimaadeen, laakiin waxaa shaki ku jirin in somaliya ay  tahay dal baylah ah oo xeebahoodii la xaalufiyey , sun lagu daadshay, una baahan n ciidan xeebaha ilaaliya , ciidankaasu ma kuwa  burcad badeedaa , jawaabtu waa maya ,)

    Burcad badeedka somaliya ee ka hor tageya xaalifinta , iyo qashinka dalka lagu daadiyo hadii ay jiraan waa fakir macquul ah laakiin waxaa isoo gaartay in arintaasi aanay jirin oo kuwa kaluumeeysta iyo kuwa qashinka daadiya , masuuliyiin reer piutland ahi lacag laga  qaateen ( qidmad aad u yar oo dabartiri doonta jiilka soo socda ee somaliyeed iyo dhaqaalihii ay ku noolaayeen boqolaal sano ) . waxaa jira kuwo arintooda tahay afbuub iyo in lacag ku urursadaan , magacii somalina oo hore u gaaray meel hoosyeeysa dhulka ku sii jiday kadib markii ay sameeysan waayeen fakir is maamul ku saleeysan , dhaqan, diin iyo cilmi ku fadhiya midna,  waxaa ay putland ka dhacday  hadaan Mafioso ah oo dal iyo dad toona dan ka laheen yaqaana magaca doolarka oo kaliya  waxaana arintani ksal ku heeysaa masuuliyiinta arinta wax ka qaban waayey oo hadii ay sidaan ku sii fiirsadaan ay muuqato in ay ku lug leeyihiin. . Inkasta oo arintaasi ay ku jiraan Somali kale oo degan gobolka mudug, gaar ahaan Hobyo iyo xarardheere oo gobolka mudug ka tirsan , hadan intooda badan waxaa ka yimaadaan gobolada puntland , gaar ahaan magaalada ayl oo uu ka soo jeedo , cabdiraxmaan faroole, waxaana dad badan isla dhexmarayeen in burcad badeedka ay si weeyn ugu jireen doorashadii loogalay madaxweyne nimada puntland, hadii aanay taasi meesha iman laheena aan shaki ku jirin in  Gen. ilkojiir uu ku guuleeysan lahaa doorashadaas. Hadaba waa suaale Somali iyo reer puntland ma sugayaan in  dr. Cabdiraxmaan faroole oo wax ka qabto arintaas , hadiise uu wax ka qaban waayo maxaa u dan ah ummada reer puntland iyo siyaasiyiinta kula jira dowladnimada , miyaanay ahayn in ay iska casilaan dowladiisa sidii wiilkii dhalinyarada haa ee Nuradiin Xersi. Waxa ay noqotaba adigaa ka qaaliya , waxa uu bilaha sanooyinka soo socda ka qabto arimhaas aan kor ku soo sheegnay..  Dhamaad.

Hussein abdikarim Ahmed –gendisch

Raleigh, NC , USA

Gendisch@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 20, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS