SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ogaysiis ku socda Somaalida dagan Oslo iyo agagaarkeeda. 
 

Ururka ardayda soomaaliyeed (SSF) wuxuu qabanayaa siminaar sanadeedkiisii dhiirigalinta waxbarashada dhalinta soomaaliyeed.  
 

Siminaarku insha allaah wuxuu ka dhacayaa machadka waxbarashada sare (Høgskole i Oslo, HiO), qayta injineeriyada iyo culuumta bulshada (Avdeling for Ingeniør og samfunnsfag Utdanningen), Arbaco 25.02.2009, saacada 16:00 – 21:00 Ciwaanku waa; Pilestredet 35, Auditorium 1. Soo qaado tiriigyada kala ah 11, 18 iyo 19 oo kaga deg/dhaadhac Holdbergsplass. 
 

Siminaarkaan/mu’tamarkaan oo loogu talo galay in lagu dhiirigaliyo dhalinyarada dhagata Dugsiyada sare,  dhexe iyo dhamaan dadka qorshaynaya ama xiisaynaya waxbarasho heer sare. Waxaa lagaa caawinayaa macluumaad kasta oo waxbarashada la xariira, adiga oo jawaab u helaya su’aalo badan oo aad dabcan qabtid. Waxaad kaloo fursad u helaysaa in aad la kulanto boqolaal arday soomaali ah iyo kuwa waxbarashadii dhamaystayba. Waxaa kaloo halkaas imaanayaa, sharaaxdna ka bixinaya fursadaha waxbarasho Machadka waxbarashada sare (HiO), iyo Jamaacada Oslo (UiO ama Blindern). Qudbooyinka ka dib waxaa sidii caadada ahaydba la cunidoonaa cunto (Pizza) iyo cabitaan. 
 
 

Wixii su’aal ah kala xariir

Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed

Abdi Mohammed Abdille

Mobil: 986 658 91

leder.ssf@gmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 20, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS