SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ardayga Kaalinta Koowaad ka galay Imtixaankii 2008 ee Dugsiyada Kenya...

La kullan hadhiinka, haldhaaga, hamiga Faarax Macalin Dawaaraa

Warbaahinta Kenya ayaa la fajacsan qiso lama hilmaamaanka ahoo ku saabsan arday imtixaanaadka qaranka ka gaaray darajo layaab leh, Cabdi Maxamed Axmed waa 19 jir ah, kaalinta ugu koowaadna ka galay gobolka waqooyi barri, Mudane Faarax Macalin ayay galada raacday.

Abdi Ahmed Mohammed, the top boy in the 2008 KCPE exams in North Eastern Province with 434 points out of a possible 500. He is with his grandmother Khadija Omar Hassan, who encouraged his parents to take him to school. Photo/BASKASH JUGSODA’AY
FG: Warkani waa Cabdi Axmed Maxamed iyo ayeeydadiis Khadiija CUmar Xasan, waxaa lagu daabacay wargeyska Daily Nation, waxaa usoo dirty Nimco Bashow. Sawirka waxaa qaaday Bashka Jug Soo dhacay,

Waa 19 jir, 2 jeer ayuu iskuulka ku dhacay, 4 sanno oo ka mid ah 8dii sanno ee loo baahnaa ayuu iskuulba ka xaadirey, mana ahayn arday waxbarashada jecel, misane wuxuu noqdey ardayga kaalinta ugu sareeysa ka galay imtixaanaadka qaranka Kenya ee dugsiyada dhexe.

Cabdi Maxamed Axmed iminka wuxuu ku biirey dugsiga sare ee Starehe ee magaalada Nairobi oo muddo afar sanno uu qarash la’aan ku dhigan doono, sida siyaasada dowlada ay qabto, taasoo ah ardayda buundooyinka fiican keena in sikuulkaasi lacag la’aan ku dhigtaan.

Cabdi waxa uu kasoo jeedaa qoys xoolo dhaqato ah oo deegaankoodu yahay tuulada Kullan ee u dhaxaysa Dhadhaab iyo Libooyo, isaga oo 12 jir ayaa fasalka koowaad la qorey, teeramkii koowaad ayuu xoolo raacista dib ugu laabtay, sida ay qortey jariidada Daily Nation, 4 sanno kadib ayay ayeeydiis Khadiijo Cumar Xassan oo markii horaba dabada ka riixdey in wiilka iskuul la geeyo ku casuumtey magaalada Garissa oo ay iyadu degenayd.

Waxay ku waanisey in uu wax barto, waa uu ka madax adeegey, waxay ku wareejisey magaalada oo ay soo kala tusisey hormarka ay gaareen raga wax bartay, waxay soo bartay dad madax ah oo ku dayasho muddan, ragaasi waxaa ka mid ahaa Faarax Macalin Dawaaraa oo ah gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya.

Markii uu Faarax Dawaaraa maqlay qisada wiilka ayuu ku yaboohey in uu waxbarashada ka bixinayo, balse Cabdi ayaa diidey, ayeeydiis oo 70 jir ah, deggana Garissa ayaa wiilka ugu dambeyntii ku qancisey in uu ogolaado yabooha, isaga waa uu ogolaaday.

Faarax Dawaaraa waxa uu wiilka geeyey iskool gaar loo leeyahay, wuxuu guriga ugu keeney macalin si gaar ah wax u barra xiliyada uusan fasalka ku jirrin, muddo yar gudaheed wiilka waxa uu fasalka ka noqdey xidig.

Iskuulka la geeyey waxaa looga bilaabay fasalka lixaad markii imtixaam laga qaaday, iyadoo da’diisana la tixgalinayo, 4 sanno kadib markii uu galay imtixaanaadka qaranka ee Kenya ee KCPE Cabdi Maxamed Axmed wuxuu noqdey ardayga kalinta koowaad ka galay gobolka oo dhan

Wuxuu heley 434 dhibcood, iyadoo imtixaanka lagu saxayay 500 oo dhibcood.

Wallow ardayda gobolka ay noqdeen kuwa ugu hooseeya gobolada 8da ah ee dalka, hadane qisada wiilkani waxay noqotey mid soo jiidatay qalabka warbaahinta Kenya .

Rajada uu qabbo waa in uu noqdaa injineer (civil Engineer) sababtuna waa jidad la’aanta gobolka oo uu rabbo in uu wax ka qabto.

Tani waa miraha lama hilmaamaanka ah ee Faarah Macalin usoo hoyiyey shacabka waqooyi barri ee laga soo doorto.

Cabdi Maxamed Axmed, waxaa lagu tilmaami karaa , hadhiin, haldhaa, iyo halyeey.

SomaliTalk.com ayaa afsoomaali u turjuntey.

Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 20, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS