SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

DHAQAATIIRTA SOMAALIYEED EE DALKA PAKISTAN OO YEESHAY URUR AY KU MIDAYSANYIHIIN.

Xaflad si aad ah loo soo agaasimay loona soo qurxiyay oo ay soo qaban qaabiyeen ururka ardayda Soomaaliyeed ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano MUSSA (Multan Somali Students Association) ayaa waxay ka dhacday Hotel Sanzibar oo ku yaala bartamaha magaalada Multaan ee dalka Pakistan.

Xafladaan oo ah tii ugu horaysay oo nooceeda oo kale ayaa waxaa gogashadeeda dhigay ururka MUSSA, waxaana hadafkeedu ahaa sidii bilad sharafyo loo gudoonsiin lahaa qaar ka mid ah ardayda Somaliyeed ee cilmiga caafimaadka ka dhamaysatay Jaamacadda Nishter Medical College ee magaalada Multan iyo sidoo kale sidii dhidibada loogu taagi lahaa urur ay ku midaysanyihiin ardayda soomaaliyeed ee cilmiga caafimaadka ka barata guud ahaan dalka Pakistan.



Maamulka ururka MUSSA oo ka danbeeyay qabsoomidda shirkaan, ayaa waxay halkaas kusoo bandhigeen warbixin dheer oo ku saabsan waxyaabihii ay soo qabteen intii ururkaasu dhisnaa iyo waxyaabihii u qabsoomiwaayay, waxaana wax qabadkoodii ka mid ahaa tirakoob guud oo ay kusoo sameeyeen guud ahaan ardayda soomaaliyeed ee barata qaybaha kula duwan ee caafimaadka, kuwaas oo ay sheegeen inay gaarayaan illaa 214 dhakhaatiir oo isugu jira, doctors, dentists, pharmacists, microbiologist, nurses W.L.M.



Xafladaan oo ahayd mid soo jiidasho leh, socotayna in ka badan 6 saacadood ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxa sare ee jaamacadda Nishter Medical College, Prof. Dr. Laiq Hussein Sadiqiu, Dhaqaatiir, Macallimiin, Marti sharaf iyo qaar badan oo ka mid ah ardayda soomaaliyeed ee barata qaybaha kala duwan ee caafimaadka, waxaana Intii ay socotay xafladaan billad sharafyo la gudoonsiiyay dhakhaatiir soomaliyeed oo gaaraya illaa 8 dhakhaatiir oo ka qalin jabiyay jaamacadda Nishter Medical College Multan.

Intii ay socotay xafladaan ayaa waxaa looga hadlay waxyaabo badan, waxaana ka mid ahaa dadkii goobtaas ka hadlay Dr. Mohamed Abdi faarah oo si qoto dheer uga hadlay Health status in Somalia (xaalada guud ee caafimaad ee Somalia), wuxuuna Dhakhtarku soo bandhigay sawirro muujinaya dhibaatooyinka caafimaad darro iyo kuwa daryeel la,aaneed ee ka jira dalka somaliya. Ugu danbayntiina wuxuu dhakhtarku dhiiri galiyay dhamaan dhaakhaatiirtii kale ee somaliyeed ee halkaas soo xaadiray iyo kuwa ka maqnaaba isagoo u sheegay in maanta dadka somaaliyeed dadka ay sugayaan ay ayaga yihiin, loogana baahanyahay in ay dadaalkooda iyo aqoontooda marwalba sare u qaadan si ay u caawiyaan bulshada soomaaliyeed ee dhibaataysan.



Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Dr. Mohamed Aden Liban oo sheegay in figrada ah in la mideeyo ardayda somaalyiyeed ee barata cilmiga caafimaadka ee dalka Pakistan ay ka danbeeyeen ururka MUSSA, ayna googashaas u fidiyeen sidii loo midayn lahaa dhakhaartiirta somaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha kala duwan ee dalka Pakistan. Ugu danbayntii dhakhtar Liban wuxuu halkaas ka sheegay faa iidooyinka uu yeelan doono Ururka cusub ee mideeya ardayda soomaaliyeed ee Pakistan ka barata cilmiga caafimaadka, wuxuuna sheegay in muhiimada uruurkaas ay ka mid yihiin:

1. isku xirka iyo iska warqabka dhakhaatiirta iyo ardayda kale.
2. in la caawiyo ardayda dhigata cilmiga caafimadka iyo maadooyinka la xiriira ee ku kala nool Pakistan, Somaaliya iyo aduunka intiisa kale.
3. in loo fidiyo caawimaad guud ummada soomaaliyeed ee kunool Pakistan iyo kuwa ku dhibaataysan soomaliya.
4. aqoon is waydaarsi dhex marta ardayda iyo dhakhaatiirta iyadoo la samaynayo tababarro iyo kullamo sanad la, ah.

Sidoo kale waxaa halkaas hadal kooban kazoo jeediyay prof. Dr. liaq Hussein oo ah madaxa jaamacadda Nishter Medical College Multan, wuxuuna u hanbalyeeyay dhakhaartiirta soomliyeed ee wax barashadooda dhamaystirtay, isagoo u rajeeyay inay dadkooda, dalkoodaba iyo diintoodaba wax wayn u qaban doonaan, sidoo kale wuxuu amman u soo jeediyay guud ahaan ardayda soomliyeed oo uu ku tilmaamay kuwa da daal badan oo dantooda yaqaan.


Ugu danbayntii waxaa dhacday doorasho guud oo ay goob joog ka ahaayeen dhakhaatiir iyo arday badan, waxaana halkaas lagu yagleelay urur loogu magac daray Somali Health Science Association (SOHA), waxaana urukaas gudooyimiye kumeel gaar ah loogu doortay Dr. Ahmed Omar Abdi isla goobtaas waxaa dhakhtar Ahmed uu asna ku dooortay gudi dhexe oo ka kooban 8xubnood oo kala ah:


Vice chairman:
Abdi fatah hussein omar

Secretary:
Mohamaed Osman Hassan

Treasurer: Mohamed abdikadir Abdi

Education /culture officer:

Farhan Bashiir Hassan

Public relation officer:
Liban Ali Ahmed

Dr. Abdi Rashid xubin
Mohamud ……….xubin
Burhaan………… xubin


Ardyda soomaaliyeed ee cilmiga caafimaadka ka barata Pakistan ayaa waxay yihiin kuwa sumcad wayn ku leh gudaha wadanka Pakistan iyadoo qaar ka mid ah ay ka shaqeeyaan Hosbitalada ku yaala magaalooyinka qaarkood sida Islamabad, Karachi, Bishawar, Lahore, Multan iyo meelo kale sidoo kale waxaa xusid mudan oo aan la hilmaami Karin doorkii dhakhaatiirta soomaliyeed ay ka ciyaareen dhulgariirkii ku dhuftay Pakistan sanadii 2005 oo ay ku dhinteen in ka badan 73,338 qofood. intii lagu guda jiray xilligaas ayaa meelo badan oo ka mid dhulkii dhulgariirku aafeeyay sida caausimada Kashmir dhinaca Pakistan ee Muzafarabad waxaa ka hawl galyay oo gurmad deg deg ah loo geeyay dhakhaatiir ay ku jireen illaa sided Somali ah oo isugu jiray rag iyo dumar.

Si kastaba ha ahaatee midowga dhaqaatiirta soomaaliyeed ee dalka Pakistan waa mid la rajaynayo inuu wax ka badalo caafimaadxumada iyo dhibaatooyinka ka jira somaliya, waxaana la rajaynayaa inuu midowgaan Pakistan horseedo mid guud oo ay ku midoobaan dhamaan dhakhaatiirta somaliyeed ee kunool dunida dacaladeeda.


QORE:

Durran Hassan Aw-Aden.
duraanhassan530@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS