SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Afhayeen u hadlay Beesha Reer Xaaji Saleebaan oo sheegay in doonayaan In wasiirka Arimaha Gudaha iyo Ra’ii sulwasaare ku xigeen loo Magacaabo Shiikh C/qadir Cali Cumar
  • Kulamo Lagu taageerayo Injineer Faarax Cabdi Guure oo loo Doortay Hogaamiyaha Dhaqanka Beelaha Jareerweyne ayaa ka dhacay meelo ka mid ah Gobalka Hiiraan.

Afhayeen u hadlay Beesha Reer Xaaji Saleebaan oo sheegay in doonayaan In wasiirka Arimaha Gudaha iyo Ra’ii sulwasaare ku xigeen loo Magacaabo Shiikh C/qadir Cali Cumar

Afahayeen u hadlay Beesha Reer Xaji Suleymaaan ee East Africa oo lagu magacaabo Xirsi Geelle Faarax (Xirsi Maandhar) ayaa sheegay in Beesha Reer Xaaji Sulaymaan ay lafdhabar u tahay nabad ku soo dabaalidda gudaha dalka Soomaaliya, maadaama ay qayb weyn ka qaadatay amaba ay ahayd beesha aan u kala harin la dagaalanka cadowgii ku soo duulay dalka, in badan oo ka mid ahna ay u galeen Xabsi kuwa kalena ay hantidooda iyo naftooda u hureen.


Xirsi Geelle Faarax (Xirsi Maandhar)

“Markii cadowga waddanka ku soo duulay cid kasta oo ka carari karta way ka carartay, Beesha Reer Xaaji Sulaymaan madaxdoodii gudaha ayay ku hareen oo waxay shafka ku dhigteen xabbaddii, guddoomiyaha keliya ee maxkamadeed ee aan dalka maalin ka bixin waa Shiikh C/qaadir Cali Cumar, halka afhayeenka beelaha Hawiye uu ahaa ninka kaliya ee u bareeray badbaadinta shacabka ku dhaqan Muqdisho kuna mutaystay xarig uu ahaa Axmed Diiriye Cali, Axmed Cali Gees iyo Col. Xuseen Siyaad Qoorgaab” ayuu yiri Afhayeenka Beesha Reer Xaaji Sulaymaan ee East Africa oo sheegay in qaar ka mid ah Odayaal dhaqamadeedyada iyo masuuliyiinta kale ee u dhashay Beelaha Hawiye intooda badan ay u kala carareen dibadaha gaar ahaan Nairobi iyo Casmara maantana ay ku doodayaan inay iyagu leeyihiin mudnaanta koowaad, sidaas daraadeed haddii Madaxweynuha iyo Ra’iisul Wasaaraha aysan xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha u dhiibin Sh. C/qaadir Cali Cumar ay keeni karto inay dowladdu weyso kalsoonida beesha Reer Xaaji Sulaymaan iyo weliba guud ahaan Beesha H/Gidir.

“Dowladdii Maxamed Siyaad Barre uu madaxweynaha ka ahaa Soomaali dhammaanteed way ogsoon tahay wixii salka u ahaa inay burburto, sidoo kale dowladdihii ka dambeeyay ee lagu kala dhisay Carta iyo Mbagathi sababihii ay u burbureen waxaa ugu muhiimsanaa beel walba wixii ay mudnayd inay ka weysay, sidaa darteed waxaan rajaynaynaa in dowladda uu madaxweynaha ka yahay Sh.Shariif inaysan marin waddooyinkii ay mareen dowladahaas” ayuu yiri Afhayeenka Beesha Reer Xaaji Sulaymaan oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Nairobi, isagoo sheegay in dhawaan ay Beesha Reer Xaaji Sulaymaan shir ay soo qabanqaabisay uu ka dhici doono Nairobi ayna ka soo qayb gali doonaan Beelaha H/Gidir iyo dhammaan beelaha Hawiye ee ku nool East Africa loogana hadli doono aayaha dalka ee mustaqbalka dhow.

Kulamo Lagu taageerayo Injineer Faarax Cabdi Guure oo loo Doortay Hogaamiyaha Dhaqanka Beelaha Jareerweyne ayaa ka dhacay meelo ka mid ah Gobalka Hiiraan.

Magaalada Baledweyne iyo qaar kamid ah Tuulooyinka hoos yimaada ayaa waxaa ka dhacay kulamo lagu soo dhawaynayo Doorashada loo doortay hogaamiha dhaqanka beelaha jareer weyne Injineer Faarax Cabdi Guure Sida Tuulooyinka Hiiraan, Macaan Qaale, Leebow iyo kuwo kale .

Kulan Balaaran oo shalay Ka dhacay Magaalada Baledweyne ayaa looga hadlay sida loogu faraxsanyahay Injineer Faarax Cabdi Guure in uu noqdo Hogaamiyaha Dhaqanka ee Beelaha Jareer weyne iyaga oo ku tilmaamay in uu yahay nin Masuuliyad jareer lagu aamini karo.

Nabadoonka Guud ee Beesha Afar Makane Maxamed Arwaax Nuuriyoow ayaa ka sheekeeyay doorka uu nabada kaga jiro Injineer Faarax Cabdi Guure isaga oo sheegay in colaado badan oo dad ay ku dhinteen uu ka xaliyay gobalkan Hiiraan kuwaas oo uu tilmaamay in ay u dhaxeeyeen beelo jareer, waxaa sidoo kale uu Sheegay in uu Degmada Jilib dagaal jareer ka dhaxeeyay uu xaliyay, Shabeelada dhexe iyo shabeelada hoosana uu sidoo kale Nabad ka abuuray meelo ay colaad la xiriirta dhul ay dad jareer ah isku haysteen ka jirtay.

Kulanka balaarnaa ayaa waxaa Sidoo kale ka hadlay Nabadoon Cabdiwaaxid Sheekh Yuusuf oo ah Nabadoonka reer Ciise ee beelaha reer shabeele.

Tuulooyin badan oo ka tirsan gobalka Hiiraan ayaa dadku ay isugu soo baxeen ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka gaar ahaan Ciyarta Bulada taas oo qayb ka ahayd taageerida Injineer Faarax Cabdi Guure.

Magacaabida Injineer Faarax Cabdi Guure loo gartay in uu noqdo Hogaamiyaha dhaqanka Beelaha Jareerweyne ayaa ku timid dadaalka uu u Soo sameeyay in jareer uu isku filaansho gaaro isagoo islamarkaana Nabad ka abuuray Deegaano badan oo uu Jareer dago kuwaas oo ay colaadi ka jirtay.

Injineerka waxaa Doortay Ugaasyada iyo odayaal dhaqameedyada Jareer sida Ugaas Cali Ugaas Xasan Gobalka Hiiraan, Suldaan Axmed Rashiid Gobalka Sh/dhexe,Suldaan Cabdulaahi Cumar Aadan (Baanse) Gobalka Sh/Hoose, Cali Cabdi Oorow (Kamse) Gobalka J/dhexe, Maxamed Nuur Garaad Gobalka Jub/hoose , Suldaan Diimeedka labada wabi Suldaan Luqmaan iyo Nabadoono waaweyn oo caan ka ah beelaha jareer.

Caleema saarka hogaamiyaha dhaqanka Beelaha Jareer Injineer Faarax Cabdi Guure ayaa dhawaan lagu wadaa in ay ka dhacdo mid kamid ah hoteelada waaweyn ee Magaalada MUQDISHO.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS