SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
16 February 2009.


Dagaalo lagu jabiyey ciidamada naflacaariga gumaysiga Itoobiya

Waxyeelooyin kala duwan oo dad shacab ah loo gaystay.

Dagaal kulul oo ka socda duleedka Dhagaxbuur .

Hogaanka Arrimaha Dibbeda JWXO oo la kulmay Donald Payne
Shir ka dhacay holka shirarka ee Lawrence Height ee Magaladda Toronto

Laba wiil oo u dhalatay Ogadenya oo lagu dhaawacay S/Afrika.

======================

Dagaalo lagu jabiyey ciidamada naflacaariga gumaysiga Itoobiya

Dagaaladii cuslaa ee ay cwxo baryahan ku hayeen ciidamada naflacaariga gumaysiga itoobiya iyo kuwa dabaqoodhiga ah ayaa ku keenay xukuumada gumaysiga khasaare ba,an oo naf iyo maalba leh,sida uu noogu soo waramay wariyaha jiida hore ee RX ciidamada gumaysiga ee ka howlagala Ogadenya oo ayaa dimasho badan iyo dhaawac tiro la,aan ah loo gaystay,iyagoo weliba ka gadaalæ ka dagaalamayay kuwa dhufayska u ah ee dabaqoodhiga ah waxayna dagaaladaasi u dhaceen sidatan:

2/02/09 Gurracan oo ka tirsan gobolka Jerar Weerar Gaadma ah waxaa ciidanka gumaysiga lagaga Dilay 2 askari halna lagaga dhaawacay.
03/02/09 Baracad oo ka tirsan gobolka Dollo dagaal ka dhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 8 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

3/02/09 Garigo`an oo katirsan gobolka Nogob Dagaal ka dahacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 5 Woyaane 3 kalena waa lagaga dhaawacay
6/02/09 Anannu oo gobolka Jerar ka tirsan weerar gaadma ah oo ay cwxo ku qaadeen kuwa gumaysiga itoobiya ayaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 4 askari 3 waa lagaga dhaawacay

6/02/09 Caleen oo ka tirsan Qorahay Waxaa dagaal ciidamada Cadowga lala galay lagaga dilay 4 waxaana laga dhaawacay 3 kale .
06/02/09 Xamaro oo ka tirsan gobolka Nogob dagaal ku dhex maray cwxo iyo kuwa gumaysiga itoobiya Waxa gumaysiga lagaga dilay 2 askari 1lagu dhaawacay
06/02/09 Diyaar oo gobolka Jerar ka tirsan Weerar dhabbagal ah oo Wadada Loogu Galay Kolanyo Woyaanaha ayaa lagaga Gubay 1 baabuur oo Uural ah iyo waxii Saarraa oo dhan
6/02/09 Gurdumi oo ka tirsan gobolka Jerar Waxaa Sidoo kale Lagu Gubay 1baabuur oo Uural ah iyo waxii Saarraa kadib markii dhabbaha loo galay.
07/02/09 Caado oo ka tirsan gobolka Doollo Waxaa lagu dilay Dagaal Adag oo Cadowga lala Galay 13 askari halka 17 Kalena dhaawacyo halis ah loogu gaystay.
8/02/09 Jidhacle oo laga xukumo gobolka Qorahay Weerar Gaadma ah oo ay cwxo ku fuliyeen ciidanka wayaanaha ayaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 1askari Waxaana Sidoo kale lagu dhaawacay 1 kale

Dhanka waxyeelaynta shacabka rayidka ah oo ay ciidamada gumaysigu ku gaydhadaan markii lagaga awood roonaado goobaha dagaalka ayay:


07/02/09 Baarta oo katirsan Jerar Waxaa Dhac loogu gaystay 1 Baabuur iyo waxii Sooraa oo dadwanaha u rarraa Waxaana Gaadhiga lahaa Nin laYidhaa Cabdi-Risaaq Mahad waxaana Sidoo kale laga Dhacay Mulkiilaha Gaadhiga 28,000 Kun o Birr-ta Woyaanaha ah
2/02/09 Qarjajabo oo laga xukumo degmada Dhuxun ee gobolka Nogob
Waxaa Dil Loogu Gaytay 3 Nin oo Shacab ah waxaana ilaa hadda Magacyadooda hellay Labo kamida
Oo kala ah:
1-Cali-Koodh Muxumed Ismail
2-Ina-C/llaahi Maccalin Xasan oo aanaan Magaciisa Hore haynin iyo Ninkale
Waxaa meeshaas Lagu waxyeeleeyay Dadwanye fara badan Kadib Markii dagaal lagu jibiyay Codowga uu ka dhacay maydkoodiina ay ka carareen oo haada iyo waraabuhu ay ka dhargeen.
1/02/09 Bashuuro oo katirsan Fiiq
Waxay ciidamada gumaysigu dhac ugu gaysteen Nin la yidhaa: Xaashi Amiin Nuur oo laga Dhacay Awr uu reerka Ugu Dhaamin Jiray, Waxaana Sidoo kale Walaalkiis Abdi Amiin Nuur laga Dhacay Ri ,


2/02/09 Isku-dhoonleey oo laga xukumo Qorahay
Waxay ciidamada wayaanuhu ku xidhxidheen Dadkan kala ah :
1. Xaliimo Ismail Ibraahim iyo 3 Wiil oo ay Dhashay,
2. Xasan Sheekh Xuseen
3. Shugri Sh Xuseen
4. Hurre Abdi Xasan
5. Kaldeeq A/llaahi Ali
6. Xasan Kaafi Xaashi (Nin Gaab)
7. Ayaan Maxamed Ali Good
8- Fadxi Abdi Wali

4/02/09 Degmada Baabili Waxay ciidamada gumaysigu ku xidheen dad badan oo uu badnaa Dumar iyo Caruurahoodii waxaana lagu Qiyaasayaa In ay Gaadhayaan ilaa 100 Ruux ilaa haddana Waxay ku jiraan Jeelasha iyaga oo Qaarna Loo Gudbiyay Magaalooyinka Harar iyo Jigjiga Qaarna Wali Lagu hayo Xarooyinka Ciidanka Gumaysiga ee Degmada Baabili.

/01/09 Farmadoow oo ka tirsan gobolka Jarar ayay ciidamada gumaysigu waxay ku afduubeen oo aan ilaa hada la garanaynin meel ay geeyeen dad tiro badan, sidoo kale waxay ciidamada nacabku ku afduubeen 42 ruux deegaanada kala ah:Tantoomi/ Qarjajabo/ Gariya, Dalalaha iyo Daakhato, halka ay 7 ruuxna ku dileen deegaanadaas.

5/02/09 Ceel-Xaar oo ah deegaan katirsan gobolka Jerar
Waxay ciidamada gumaysigu dil ugu gaysteen Nin La Odhan Jiray Yusuf Adan (Gaaandho)

Dagaal kulul oo ka socda duleedka Dhagaxbuur .


wararka naga soo gadhaya magaalada dhagaxbuur ayaa sheegaya in uu dagaal adagi kasocdo Laas-Galool oo magaalada Dh/buur 15km qiyastii kaga aadan dhanka Bari.
dagaalkan oo u dhexeeya xoogaga ONLF ayaa bilowday shalay subax wuxuuna socdaa ilaa hada.
dagaalka ayaa kolkii ore ka dhex bilowday dabaqoodhiga cusub ee waaga dhawayd lasoo tababaray iyo CXO wax yar kadibna waxaa goobta baneeyay kooxdii dhidid dhowrka u a hayd wayaanaha iyagoo laga dilay tiro kor udhaafaysa 10, lagana furtay qoryo ay qaarkood culculusyihiin.waxyar kadib ayay dagaalka soo galeen cidiamadii Tigre ga oo kud aba gabanayay kuwan dabaqoodhiga ah waxaa iyagiina meesha loogu dhigay cashir ayna iloobi doonin.
waxaa dagaalka ka qayb qaadanaya diyaaradaha dagaalka ee gumaysiga iydoo ciidamo gurmad ahoo badana ka daba keentay bale meeshas uu kasoo gaadhay qab-jab wayn ooy dib uugu guratay.
shalay galab ayuu gabalku isugu dhacay waxaana la isku horfadhiyay goobtii dagaalku ka qarxay oo ahayd fadhiisin ay daganaayeen ciidamada wayaanaha iyo kuwa dabaqoodhigu oy jabhadu kusoo weerartay, wuxuuna dagaalkii mar kale dib u qarxay saaka subixii isagoo Ciidanka Jabhadu ku ruqaansaday saaka si ay aaga uuga sifeeyaan cadowga iyo g acanyarihiisaba.

Hogaanka Arrimaha Dibbeda JWXO oo la kulmay Donald Payne


Feb 14, 2009 Gudoomiyaha Hogaanka Arrimaha DIbbeda JWXO, Mudane Abdirahmaan Sheekh Mahdi ayaa kulan albaabada u xiranyihiin la galay Mudane Donald Payne oo ah Gudoomiyaha Guddiga Afrika ee golaha wakiilada ee barlamaanka mareykanka. Mudane Donald Payne waa xildhibaankii sanadka 2007 fadhi Ogadeenya lagaga hadlay ku qabtay barlamaanka mareykanka, ka dibna booqday xerooyinka qaxootiga Kenya, halkaasi oo ay ku suganyihiin qaxooti farabadan ee reer Ogaadeenya ah oo u la kulmay Mudane Donald Payne.

Gudoomiyaha Hogaanka Arrimaha Dibbeda JWXO mudane Abdirahmaan Maaday oo shirkaasi ka soo baxay ayaa ka gaabsaday in u wax fafaahin ah ka bixiyo kulankaasi oo qaatay mudo dhowr sacadood. Sido kale Ku Xigeenka Gudoomiyaha Hogaanka Arrimaha Dibbeda JWXO Mudane Hanad Maalinguur oo aan mar wax ka waydiinay kulankaasi ayaa isna ka gaabsaday in u wax fafaahin ah ka bixiyo shirkaasi isaga oo yiri oo kaliya "cadowga ayey u taala in ay xogtaasi helaan ee ha ka yaabin inaan howshooda u fududeeyo lakiin waxaan xaqiijinayaa inaan wax walba si wanaagsan isku af-garanay"

Labada masuul ee Hogaanka Arrimaha Dibbeda JWXO ayaa wararku sheegayaan in ay kulamo magaalada Washington DC ee caasimada mareykanka labada todobaad ee ugu dambeeyay ku jireen kulamo aan shaaca laga qaadin marka laga reebo kulanka ay la galeen Gudoomiyaha Guddiga Afrika ee golaha wakiilada ee barlamaanka mareykanka Mudane Donald Payne.

Shir ka dhacay holka shirarka ee Lawrence Height ee Magaladda Toronto

Maanta oo ay taariikhdu ahayd 14/2/009, ayaa waxaa magaalada Toronto ka dhacay shir aad u wayn oo lagu soo dhaweyey wafdi uu hogaminayo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee JWXO Dr maxamed ismaaciil. Shirkaasi oo ay ka soo qayeb galeen jaliyadda ogaadeeniya ee ku dhaqan Toronto iyo nawaxigeedda , waxaa shirkii furay guduga Unugta JWXO ee magaaladda Toronto iyagoo wafdiga siiyay warbixin ku saabsan jaaliyadda Toronto iyo siday mar walba u garab taagan yihiin halganka siina kordhin doonaan dadaalkoda xag siyaasadeed iyo xag dhaqaalaba , kadibna waxay ku soo dhayeen Dr C/raxmaan yuusuf oo ah wakiilka JWXO ee Kanada iyo hanti dhawrka guud ee JWXO Maxamed macalin, labadan masuulba waxay dadwaynhii reer Toronto siiyeen warbixinta guud ee halganka iyo in dadwayanaha ogadeeniya ee reer Toronto sii labalbaan tageeradda ay lagarab taagan yahiin shacabka ogaadeeniya .
Intaas kadib waxaa hadalkii qaatay gudomiye ku xigeenka Koobaad ee Jabhadda Xoraynta Ogaadeniya Dr.maxamed ismaaciil oo dadwaynihii meshaa isuguyimid siiyay warbixin guud oo tabanaysa xaalada guud ee halganka iyo waxa looga baahanyahay inay qabtaan si ay u kordhiyaan dadaalkooda ku aadan halganka sidoo kale wuxuu ka warbixiyey socdaalkii uu ku soomaray dhamaan Aduunka .Warbixintii G/Xigeenka kadib waxay dadwaynuhu waydiiyeen gudomiye kuxigeenka su'aalo ku saabsan halganka, wuxuu gudoomiye kuxigeenku dadwaynaha uga jawaabay su'aalihi ay qabeen si qancisay dadkii su'aalaha waydiiyay.
Gabagabadii shirka waxa mesha ka tirisay buraanburo aad u qiiro galiyay dadwaynaha gabadh ka mid ahayd dadwayana shirka ka soo qaybgalay. Waxaa kale oo shirka laga xusay sida dadka reer ogadeniya ee reer Toronto ay u labanlaabi lahayeen dadalkooda ku aadan halganka xoraynta ogaadeeniya.
16 February 2009

C/nuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 31 MB iyo 41 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga
 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS