Kulan Todobaad uga socdey Degmada Guri-Ceel Odayaal ka socdey Beesha Cayr
oo laga soo saarey Dhowr Qodob
waxaan dhawaan lagu soo gabagabeeyey Degmadda Guri-Ceel ee Gobolka Galguduud
Kulan Balaaran oo muddo Todobaad halkaa uga socdey Odayaasha Dhaqanka Beesha
Cayr kuwaas oo ka kala yimid Dalka Gudihiisa iyo dibadiisa , waxaana looga
hadley arrimo fara badan oo ka jira dalka gaar ahaan Deegaanada ay degto Beesha
Cayr sida Degaanada Guriceel iyo Dhuuso Mareeb oo dhawaan ay ka dheceen Dagaalo
ee u dhaxeeyey Ururada Diiniga ee Al-Shabaab iyo Ahlu-Sunna Wal Jameeca kaasoo
ay ku dhinteen Dad fara badan kuwa kalena ay ku barakaceen , sidoo kale waxaa
kulankaas looga hadley, sidii taageero loogu muujin lahaa Dawladda uu madaxda ka
yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed , waxaa kaloo looga hadley sidii Gargaar loola
soo gaari lahaa Dadkii ka barakacay Degaanada ay degto Beesha Cayr
Mudadii uu socdey kulankaas ayaa si aad ah loogu lafa gurey Qodobada aan aan
kor kaga soo hadalney iyadoo odayaasha ay is tusaaleeyeen in waqtigan loo baahan
yahay in dalka lagu soo dabaalo Nabada taas oo ay sheegeen in cid weliba ay dan
ugu jirto sidoo kale odyaashii ka hadley kulankaas ayaa sheegay in odoyaasha ay
ka go'an tahay in deegaanadooda ay ku soo dabaalaan Nabad isla markaana ay ka
hortegi doonaan cid kasta oo Carqalad ku ah nabada iyaga oo sheegay on ay
kaashan doonaan Ciiudamada deegaanka iyo kuwa Ahlu -Sunna- Wal -Jameeca
kulankan oo aan Muddo todobaad ah loo kala kicin ayaa guntii iyo Gabagabadii
waxay Odayaasha ka soo saareen Dhowr Qodob oo ay ka mid ahayeen:
In Degaanada ay degto Beesha Cayr aan looga baahneyn wax Dagaal ah ciddi isku
deyda in ay ka hortimaado Nabadaas ay ka hortigi doonaan iyagoo kaashanaya
Ciidamada Ahlu- Sunna -Wal-Jameeca , Ciidamada Deegaanka iyo Dadweynaha.
Waxaa
kaloo qodobadaa ka mid ahaa in loogu baaqay Hayadaha Samafalka in ay gargaar la
soogaaraan Dadweynaha Deegaanka iyagoo ku sheegey baaqooda in ay sugi doonaan
amaanka Shaqaalaha Hayadaha Samafalka gaar ahaan deegaanada ay degto Beesha Cayr
waxaana amaanka ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan Ciidamada Ahlu- Suna -Wal-Jameeca
iyo kuwa deegaanka.
Sidoo kale waxaa baaqooda ka mid ahaa in ay si kalsooni ku
jirta ay u taageerayaan Dowlada Cusub oo uu haogaaminayo Shiikh Shariif Shiikh
Axmed taas oo ay sheegeen in ay dalka ka samatabixin karto Dhibaatooyinka jira ,
waxayna gabagabadii ugu baaqeen shacabka soomaaliyeed in Dhibaatada ka jirta
soomaaliya looga bixi karo iyadoo si dhab ah loo qaato Kitaabka iyo Sunada
Nabiga Naxariis iyo Nabadgelyo ha ahaatee waxaana kulankan ka qayb galey odayaal
Gaaraya Ilaa iyo Soddon iyo Shan Xubnood waxaana ka mid ahaa:
Cilmi Xirsi Carab
Cabdulqaadir Ugaas
Yaasiin Xaashi Ugaas
Cartan Shiikh-Doon
Jaamac Bootaan
Jaamac Cajireey
Cabdulaahi Xiirey
Warsame Sabriye
Xasan Rooble
Xasan Xirsi Axmed
Cabdi Dhangad
Maxed Xirsi Qase
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2009