Khilaafka wadaadada iyo dawlada Sheekh Shariif
Doorashadii Sh.Shariif
loo doortay- in uu noqdo- madaxwaynaha dawlada ku meelgaadhka ah ee
Soomaaliya waxa ay soo if bixisay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya
Islaamiyiinta Soomaalida oo ku saabsan mashruuca siyaasadeed ee
wadaadada Soomaalida. Dhamaantood waxa ay isku waafaqsan yihiin in
Shareecada Islaamku ay noqoto dastuurka dalka, laakiin halkaas ayay ku
eegtahay midnimadoodu. Doorashada Sheekh Shariif iyo mucaaradnimada ay
doorashadan mucaaradeen qaar ka mida wadaadadu waxa ay markhaati u tahay
in Islaamiyiinta Soomaalida dhexdooda uu jiro kala duwanaansho fikradeed
oo ku saabsan qaabka uu rabo in uu wadaadku uga qayb galo siyaasada
Soomaalida. Hadaba waa kuwama Islaamiyiinta Soomaalidu? Maxayse rabaan?
Muxuuse ku salaysan yahay khilaafkooda siyaasadeed? Fahamka jawaabaha
su’aalahan iyo doodooduba waxa ay door ka ciyaari karaan in la fahmo
aragtiyaha siyaasadeed ee wadaadada Soomaalida. Qormadana, hadii Ilaahay
yidhaahdo, waxa aan isku dayi doonaa in aan ku eegno qaar ka mida
su’aalahaas.
Maxkamadihii ka hor Iyo Ka dib
Lixdii bilood ee uu maamulkii Maxkamaduhu ka talinayay Koonfurta
Soomaaliya waxa ay ahayd markii ugu horaysay ee quwad Islaamiya oo
Soomaaliyi ay maamulaan dhul baaxad wayn oo ka mida dhulalka ay
Soomaalidu degto. Maamulkii maxkamaduhu waxa uu isu keenay kooxo iyo
afraad uu kala duwan yahay fikirka siyaasadeed ee ay ka aaminsan yihiin
Islaamku. Arinka ugu wayn ee isku hayay waxa uu ahaa in ay mabda ahaan
ka midaysanayeen rabitaanka dhismaha dawlad Islaamiya oo ku dhaqanta
shareecada Iskaamka. Kala duwanaanshaha fikirka siyaasiga ah ee
wadaadadii Maxkamaduhuna waxa uu ka mid yahay sababihii ugu waawaynaa ee
soo dadajiyay burburkii ku yimid maamulkaas. Hadaba burburkii ku dhacay
maamulkii Maxkamadaha iyo kala jabkii ka danbeeyay ee wadaadadii ka
qaybgalay Isbahaysigii Asmara waxa uu iftiimiyay in aanu midaysnayn
fikirka siyaasadeed ee wadaadada Soomaalidu. Anigoo ka duulaya
mawaaqifta siyaaasiga ah ee ay wadaada Soomaalidu iska istaageen dawlada
Sh.Shariif, ayaa waxa aan wadaadada Soomaaliyeed u qaybiyay sadex
kooxood. Waxa aan u bixiyay: Waaqiciyiin, Kaligay iyo Daawadayaal. Hoos
waxa aan ku sharixi doonaa mid kastaba waxa aan ula jeedo.
Waaqiciyiin
Qoladani waxa ay aaminsan yihiin in nidaamka siyaasadeed ee dadka
Soomaaliyeed -ee boqolkiiba boqolka Muslim ka ahi- uu noqdo mid ku
salaysan Shareecada Islaamka. Aragtidooda, qaabka loo keenayo dawlad
Islaam ahi waa talaabo talaabo laga soo bilaabayo dhismaha qofka,
qoyska, mujtamaca ka dibna loo imanayo dhismaha iyo hagaajinta maamulka
iyo xukumka. Inta ka horaysa waxa ay aaminsan yihiin in si waaqiciya
loola fal galo waxna looga badalo nidaamka siyaasadeed ee markaas jira.
Waxa ay aaminsanyihiin in waxa ugu muhiimsan ee marxaladan loo baahan
yahay uu yahay nidaam iyo kala danbayn. Taas la’aanteed waxay ay ku
qanacsan yihiin in aan waligeed laga baxayn fawdada iminka lagu jiro.
Sidaa daraadeed kooxdani ma diidana in marxaldan ay wax la wadaagaan
kana qayb galaan nidaam siyaasadeed oo aanay 100 % ka helayn waxaa ay
iyagu rabaan laakiin waa in uu nidaamkaasi noqdo mid keeni karo kala
danbayn iyo nidaam dawladeed. Waqtiga fog kooxdani waxa ay aaminsan
yihiin in Soomaalidu ay ka guurto nidaamka qabaliga ah una guurto nidaam
doorasho oo ku dhisan tartan ay dadka Soomaaliyeed xor u yihiin cida ay
dooranayaan. Waxa ay ku qanacsan yihiin hadii dadka Soomaaliyeed la
siiyo xoriyadaas in aanay waligood dooran doonin cid aaminsan wax ka soo
horjeeda diintooda. Sidaa daraadeed kooxdani cabsi kama qabaan in ay ka
qayb galaan loolan siyaasadeed. Sidoo kale kooxdani ma aaminsana in
qorigu uu xal u yahay khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalida ka
dhaxeeya. Waa fikirkan fikirka ay xambaarsan yihiin Sheekh Shariif iyo
wadaada taageersani. Sidoo kale waa fikirkan fikirka ay iminka ku
dhaqmaan inta badan wadaada ku hoos nool maamulada Somaliland iyo
Puntland kuwaas oo arkay in marxaladan ay muhiim tahay in la xoojiyo
lagana qayb galo maamulada halkaas ka jira.
Aniga Kaligay
Qoladani sidoo kale waxa ay aaminsan yihiin in xalka Soomaalidu uu
yahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Waxa ay arkaan in ay khalad tahay
in wadaadadu ay wax la wadaagaan dad ay aaminsan yihiin in ay qayb ka
ahaayeen burburkii mudooyinkii u danbeeyay ka dhacay Soomaaliya. Qaabka
iyo nidaamka siyaasadeed ee dawladnimo ee ay rabaan qoladani ma cada.
Doorosho iyo nidaam xisbiyo badan ku dhisan waxa ay u arkaan in uu yahay
nidaam gaalo wadato oo mudan in laga hor tago. Dhib uma arkaan in ay
qoriga ku keenaan waxa ay rabaan. Dawlada Sh.Shariif waxa ay u arkaan in
ay tahay mid ay gaalo wadato oo lagu burburinayo halgankii wadaadaa
sidaa daraadeed aad ayay uga soo horjeedaan. Ma ogla in ay wax la
wadaagaan Soomaalida kale ee aan wax u arag sida ay iyagu wax u arkaan
xitaa hadii ay Soomaalidaasi yihiin wadaado iyaga oo kale ah laakiin ku
khilaafsan aragtidoodan. Fikirkoodu waxa uu ku dhisan yahay waxa aan ugu
yeedhay “ama aan wada helo ama waxba hagaagi maayaan”. Dhaliinyarada
Shabaabka iyo Xisbullahiga dhawaan la abuuray ayaa ugu cad cad kooxdan.
Daawadayaal
Qoladani ma rabaan in ay garoonka ciyaarta siyaasada yimaadaan. Waxa
ay daawanayaan xaga uu ku dhamaado loolanka labada qolo ee aan kor ku
soo sheegay. Dhinac ma rabaan in uu burburo nidaam uu madax ka yahay nin
Islaami ahi, dhinca kalena ma rabaan in ay ka hor yimaadaan wadaada
diidan Shariifka. Waxa ay rabaan in labada dhinac ay wada noolaadaan
laakiin taas xalkeedii ma hayaan sidaa darteed afka ayay xidheen.
Qoladan hadii Sheekh Shariif iyo fikirkiisu hirgalana ka hor iman
maayaan. Hadii dhinaca ka soo horjeedaa uu xoogaystana iyagana ka hor
iman maayaan. Sidaa daraadeed qoladani ma laha damac iyo barmaamij
Siyaasadeed. Waa daawadayaal la mida mujtamaca intiisa kale.
Tajribo u baahan najixin
Gabagabadii waxa ay ila tahay in tajrbadan Sheekh Shariif ay tahay
mid ku cusub mujtamaca Soomaaliyeed. Waa markii ugu horaysay ee qof
islaami ahi uu xukunka Soomaalida qabto. Fashilinta maamulkan Sheekha
waxa door wayn ka ciyaari kara qolooyinka wadaada ah ee qoriga
xambaarsan. Hadii ay dawladan fashiliyaan ururo Islaamiyiin ahi waxa
adkaan sida uu wadaadka Soomaaliyeed masraxa siyaasadeed ee Soomaalida
mar kale uu dhawaan ugu soo noqon doono. Fursadan ay maanta haystaan
wadaada Soomaalidu ma haystaan in badan oo ka mida wadaada caalamka
Islaamka ku noolo. Waa fursad u baahan korin oo hadii la najixiyo loo
aayi doono. Laba mid ayuun buu ku dhamaan loolankan wadaadada
Soomaalidu, in ay wadaadadu qaataan tajribadii Afgaanistaan ee
Mujaahidiintii Ruushka lawada dagaalamayay ay markii danbe noqdaan
dagaal Ogayaal “WarLords” iyagu is cunaya. Ama waxa ay noqon dad
mushtamacooda ka badbaadiya musiibada ku raagatay oo if iyo aakhiroba
wanaag lagu xasuusto. Qaacido sharciya ayaa tidhaahda labada daran ta
fudud ayaa la qaataa….waa rajadayda in Islaamiyiinta Soomaalida
khaastana kuwa hogaanka u haya maantu ay qaacidadaas fahmaan. Waa in
dawladan Sheekh Shariif ugu yaraan loo arkaa in labadaa daran ta fududud
ay tahay lagana qayb qaataan hir galinteeda iyada oo khilaafka FIKRIGA
ah ee wadaadada u dhaxeeya markan dib loo dhigayo. Waa rajadayda in ay
sidaas yeeli doonaan.!
Siciid Cali Axmed
maqaalo.siciid.cali@gmail.com