TALOOYIN U SOCDA
MADAXWENAHA IYO RAIISUL WASARAHA CUSUB
Marka hore hambalyo
diirran ayaan u jeedinayaa Madaxwenaha Cusub Sheikh Shariif
Sheikh Axmed iyo Raíisul Wasaaraha Cusub Cumar Cabdirashid Cali
Sharmarke, waxaan leeyahay Ilaah ha idinku guuleeyo xilalka
cusub oo la idin saaray iyo masuliyadaha waaweyn ee idin horyaal.
Marka xiga, waxaan
jeclahay inaan labadoodaba u jeediyo talooyinka soo socda:-1.
1.SIFOOYINKA IYO
MABAADIIDA LOOGA BAAHAN YAHAY
MADAXWENAHA IYO
RAIISUL WASARAHA CUSUB
Mudane Madaxweyne
Sheikh Shariif Sheikh Axmed, markii lagu doortay waxaa dusha kaa
fuulay labo xil, mid hoggaamiye qaran iyo mid aabihii ummadda,
sidaa awgeed, ummaddu Soomaaliyeed waxay kaga baahan tahay
kaana filanaysaa inaad u noqotid qawsaar u adeega oo leh
sifooyinkan iyo mabaadiida soo socda:
- Hoggaamiye iyo
aabe dhedhexaad ah ee Ummadda,
- Cadaalad
- Dulqaad,
- Dhegeysiga iyo
qaadashada talooyinka
- Talo-wadaag
ku-maamulid arrimaha siyaasadda iyo bushada e dalka
- Dib-u-heshiin
umaddeed (mid qaran iyo dhaqan) dhab oo ah
- U naxariisashada
ummadda gaar ahaan nugulka (dumarka, carrurt agoonta,
saboolka, cuuryaanka iyo naafada, dadka laga tiro badan
yahay)
- Hufnaan, Feydnaan
(transparency) iyo u-qoolnaan ama xisaabi-xil-ma-leh
(accountability) dhammaan falalka siyaasadeed, dhaqaaleed
iyo bulshadeed
- Ku-dhaqanka iyo
ilaalinta sarraynta sharciga
- Waddaniyad iyo
difaaca danaha ummadda Soomaaliyeed, midnimadeeda,
qaranimadeeda iyo madaxbannideeda.
- Jahaynta iyo
hagaajinta siyaasadda iyo xiriirka Caalamaiga
1.1 Sifooyinka iyo Mabadiida
looga baahan yahay Raíisul Wasaraha Cusub
Mudane Raíisul Wasaare
Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke waxaa laguu doortay oo
hoggaamiyaha Xukuumamada Soomaaliyeed oo aad ummadda Soomaliyeed
masuul uga tahay qorshaynta iyo fulinta arrimaha difaaca,
nabadgelyada, siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, iyo xiriirka
dibadda, sidaas darteed sidoo kale, waxay ummadda Soomaalidu
kaga baahan yahay kaa filanaysaa inaad yeelaatid kuna shaqaysid
sifooyinka iyo mabaadiidan hoos ku qoran:
- Hoggaamiye
xukuumadda qarameed
- Cadaalad
- Dulqaad
- Dhegeysiga iyo
qaadashada talooyinka
- Talo-wadaag
ku-maamulid arrimaha siyaasadda iyo bushada e dalka
- Dib-u-heshiin
ummaddeed (heer qaran iyo mid dhaqan) oo dhab ah
- U naxariisashada
ummadda gaar ahaan nugulka (dumarka, carruurta, agoonta,
saboolka, cuuryaanka iyo naafada, iyo dadka laga tiro badan
yahay)
- Hufnaan, Feydnaan
(transparency) iyo u-qoolnaan ama xisaabi-xil-ma-leh
(accountability) falalka siyaasadeed, dhaqaaleed iyo
bulshadeed
- Ku-dhaqanka iyo
ilaalinta sarraynta sharciga
- Waddaniyad iyo
difaaca danaha ummadda Soomaaliyeed, midnimadeeda,
qaranimadeeda iy madaxbannideeda
- Hagaajinta iyo
fulinta siyasadda iyo xiriirka caalamiga
2. ARRIMAHA
SIYAASADDA GUDAHA:XILALKA QARAMEED
WAQTIGA DHAW (6-12KA
BILOOD EE SOO SOCDA)
Waxaa lagama maarmaan
ah in hoggaamiyayaashu ay tilmaamaan ka bixiyaan oo barnaamij
ka dhigan isla arrimaha siyaasadda gudaha ee la xiriira xilalka
dedega ah ee qarameed ee arrimaha siyaasadda gudaha iyo
siyaasadda dibadaba ayagoo iska markaana tilmaaamaya sida
arrimahaasi ay kala mudnaanta u yihiin, iyo sida fulintooda
look ala hormarinayo, ayadoo look ala qaybinayo, waqtiga degga
ah, waqtiga dhexe iyo waqtiga dheer, matalan sida hoos ku
qeexan:-
2.1 Dedejinta barnaamij
Wada-xaajood iyo dib-u-heshiin mudnanta kowaad la siinayo
kooxaha mucaaradka iyo lana magacabayo Guddi Sare Dib-u-heshiineed
ee Dawladda ka Madaxbaan laakin wada shaqayn iyo talo isweydarsi
la leh,
2.2 Qorshaynta,
aasaaska, abaabulidda iyo tababarka ciidan Nabadgelyada iyo
difaaca ee u kala qaybsan afar qaybood (ciidanka Booliska
magalooyinka iyo toolooyinka, ciidanka Booliska ee Daraawiishta,
ciidanka Xabsiyada, iyo ciidanka Xoogga Dalka) kuwaas oo
la’aantood aysan suuragal noqon karin in nabadgelyada iyo
difaaca dalka la sugo iyo laga waarmo ciidamo shisheeye,
2.3 Gaarsiinta iyo
fududaynta gargaar bini-aadamnimo dadweynihii barakacay iyo kuwo
kaloo tabaalaysan meel kasta ee ay joogaan ayadoo la la
kaashanayo dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha calaamka lana
sugayo nabadgelyada shaqaalaha iyo hayádaha gargaarka;
2.4. Dhaqaqcelita
dhallinyarada hubeysan aan ka qaybgalin ciidamada aydoo
barnaamijyo kala duwan xirfadeed iyo mashaariic loo ababulayo,
2.5 Dadkii barakacay in
guryahoodu dib loogu soo celiyo ayadoo dawladda iyo dadka
Soomaaliyeed iyo beesha caalamka iska kaashanayaan sidii gacan
loo siin lahaa,
2.6 Abaabulka iyo
kicinta dadwenaha si ay kaalin buuxda uga qaataan arrimaha
sugidda nabadgelyada, xasiloondida, kala-dambaynta, nadaafadda
iyo fayo-dhawrka, i.w.m.
2.7 Ololaynta
nadaafadda, fayo-dhawrka iyo nidaaminta magaalooyinka gaar ahaa
caasimadda Moqdisho oo xaaladeedu aad u ba’an tahay,
2.8 Qababqaabin iyo
taageero in laga sameeyo degmooyinka iyo gobolladu bartamaha
iyo koonfurtu inay dhistaan guddiyo gobol iyo degmo oo
ku-meel-gaar ah ayadoo la siinayo talo, farsamo iyo fududayn,
2.9 Bayaan iyo ammaro
siyaasadeed ee ku-meel-gaar ah in laga soo saaro bililiqada iyo
dabargoynta khayraadka dalka sida batroolka iyo macdanta, iyo
jaridda, gubidda iyo dhoofinta dhirta, sumaynta badda iyo
berriga ee shirkadaha shisheeye sameeyaan, iyo joojinta tobanal
kun ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu halaago badda Gacanka
Cadmeed iyo badaha kaleba iyo sidoo kale afduubka maraakiibta
caaalamiga.
2.10 Qorshayn iyo
qaabnqaabin masharric degdeg ah (Crash programmes) eek u saabsan
dhaqancelinta kabayahsa dhaqlaha (jidadka, garoomada, dekedaha,
isgaarsiinta dawladda), beerihii dawladdu lahayn jirtey, iyo
badda, si dhallinyarada (rag iyo damarba) shaqo-la’aantu hayso
ay shaqo uga helaan,
2.11 Ololaynta
dayactirka xarumaha iyo xafiisyada dawladda ee muhiimka ah
2.12 Dib-u-habaynta
Axdiga Federaliga ee KMG ah si loo wafajiyo mabaadiida ay ku
dhisan tahay Dawladda Cusub ee Midnimada Qarameed, matalan, in
Axdiga lagu daro maxkamada Dastuuri ee madaxbannaan oo ay madax
ka yihiin garsoorayaal la xulay isla markaana ay la taliyeyaal u
yihiin qubaraa caalami ah sifooyin dhexdhexad ah leh, si loo
helo hayad fasiraad iyo goáan ka bixisa sharciga marka hayadaha
dawladu ku murmaan qodob ama arrin sharciyeed, i.w.m.,
2.13 Dib-u-dhiska
hayádihii qarameed rayadka ayadoo mudnaanta kowaad la siinayo
kuwa adeegyada guud aasaasiga ee bulshada sida cadaaladda,
cafimaadka, biyaha, waxbarashada, i.w.m.,
2.14 Tilmaamo ka
bixinta siyaasadda arrimaha maaliyadda iyo dhaqalaha ee ku
salaysan dhaqaalaha suuqa xorta ee dawladdu soo dhexgasho oo
habayso,
2.15 Dejinta Qorshaha
iyo Miisaaniyadda Waqtiga Dedegga ah
2.16 Magacaabid Guddi
Diyaarin dastuur qarameed, doorashooyin iyo arrimaha la xiirira
a mutaqbalka dhaw ee loo baahan yahay in loo tabaabushaysto.
3. SIYASADDA DIBADDA
EE WAQTIGA DEGDEGGA
AH (6-12KA
BILOOD EE SOO SOCDA)
Si loo fahmo itijaha
iyo mabaadiida siyaasadda dibadda ee Dawladda Midnimo Qarameed
ee cusub waxaa loo bahan yahay in la soo saaro bayaan siyaasad
dibadeed ee nuxurkeedu yahay ixtiraam madaxbanaanida,
dhammaanta dhuleed, faragelinta la’aanta arrimaha gudaha,
deris-wanaag iyo nabad-ku-wada-noolaansho, iyo ganacsi isweydaar.
4. SIYAASADDA
GUADAHA: XILALKA WAQTIGA DHAW
(LABADA SANO EE SOO
SOCDA) IYO WAQTIGA DHEER
(TOBANKA SANO EE SOO
SOCDA)
Siyaasadda Gudaha ee la
xiriirta xilalka qarameed ee waqtida dhaw iyo waqtiga dheer
waxay noqon karta dhidhibo – u-aasidda qaybaha kala duwan ee
siyaasadda gudaha ee waqtiga degdegga ah kor ku qodobaysan
ayadoo lagu dhul dhisayo natiijooyinka la gaaray sannadka kowaad,
iyo xilalkii kale ee lagu biirin karo ee loo arko inay muhiim
yihiin in lagu daro qorshaha qaramed, ayadoo la sii qorshaynayo
mudada lagu jiro hirgalinta hawlaha waqtiga degdegga ah.
5. KA-FAAIIDEYSIGA
AQOONTA IYO WAAYO-ARAGMIDA SOOMAALIDA
Waxaan kaloo kula
talinayaa Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha inay bedelaan
dhaqankii hoggaamiyayaasha siysaasadeed ee ayaga ka horeeyey ee
ahaa in talada iyo mamulka laga fogeeyo dadka Soomaaliyeed
aqoonta iyo waayo-aragnimada leh isla markaana ay soo
uruursadaan kuwo aan aqoon iyo waayo-aragnimo toona lahayn oo
lagu tixgeliyey qabyayaad, musuq maasuq iyo dhaba-dhilifnimo.
Dhaqankaas xun
bedelkiisa, waa inaad soo uruursatan aqoonyahannadii,
xiffadyaqaankii, siyaasiyiintii iyo saraakiishii ciidamada hore
iyo weliba dhallinyarada waxbaratay oo aqoonta akadamiga ah si
uga qaybgalan dib-u-dhis ballaaran ee dhinacyada badan loo
baahan yahay in lagu kiciyo oo lagu abaabulo ummadda iyo
khayraadkeeda si daka loogu horumariyo.
7. DIB-U-SOO-CELINTA
MULKIYADDA IYO
MAAMULKA
SIYAASADDA SOOMAALIYEED
Sida la ogsoon yahay,
dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay mulkiyaddii iyo
maamulkii siyaasadda Soomaaliyeed waxaa la wareegay dawlado iyo
ururo shisheeye, Soomaaliduna marti ayey ka ahayd arrimaheeda.
Taasina waxay keentay inay noqoto ma-dhacdo in xal u helo
khilaafaadka qalalaasaha ka dhex oogan Ummadda Soomaaliyeed iyo
in dib looga soo kabto qaran-jabkii ku dhacay Ummaddeena.
Sidaas awgeed, waxaan u
jeedinayaa madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha cusub inay ku
dadaalaan sidii ay dib ugu soo celin lahayeen mulkiyaddi iyo
maamulkii siyaasadda Soomaaliya iska lahayd, si sharaftii,
isku-kalsoonidii iyo awooddi ummaddu mar kale shaqeeyaan.
Taas macnaheedu ma ahan in dawlado iyo urur shisheeye la
weydiisto oo la yiraahdo ‘na siiya mulkiyaddii iyo maamulkii
siyaasaddeenna’’, ee waxay tahay in hoggaamiyayaasha Dawlada
Midnimada Qarameed Soomaaliyeed naftooda, dadkooda iyo dalkooda
ku kalsoonaadaan oo wax kasta oo ay qabanayan ku bilaabaan
hindisahooda, mabaadiida ummaddooda (social values), awoodda
iyo maalka dadkooda iyo dalkooda gudihiisa. Markaa kadib,
inay caalamka weydiistaan wixii ka dhimanaada ayaga oo qoorta
dhiibanayn ee codsanaya taageerada ay doonayaan inay ku timaaddo
si sharaf iyo is-tixgelin leh, iska diidaan wixii sharaftooda
iyo madaxbanninda dadkooda iyo dalkooda wax u dhimaya. ‘Waad
bahan tahay baqtiga loo ma cuno’ marti Soomaliyeed ayaa
tiraahda.
5. BAAHIDA TAAGEERA
DHAQAALEED,
SIYAASADEED IYO
FARSAMEED EE CALAAMKA
Soomaaliya waa dal si
xun u burburay dhinac kasta marka laga eego, sidaas darteed in
muddo ah waxaa loo bahaan doonaa taageerada beesha calaamka,
gaar ahaan dalalka hoddonka ah (dawladaha Carabta ee Khaliijka,
Maraykanka, Yurub, i.w.m.), si ay nooga caawiyaan dhinacyada
dhaqaalaha, maaliyaddeed, agoonta, iyo farsamada (ama
teknolojiyada) ayadoo xiriir wanaagsan oo dhexdhexaad ah la la
yeelanayo dalalka adduunka oo dhan.
Allaw aqoon-darro ha
ugu cadaabin, eexna ha iiga tagin.
Xilka cusub ee la idin
saaray Ilaah ha idinku guuleeyo.
Cumar Salad Cilmi
oselmi@hotmail.com