Dallad ay ku mideysan yihiin aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku takhasusay
cilmiga beeraha oo lagu dhawaaqay.16,February,2009 waxaa magaalada Wad madani ee caasimadda u ah gobolka Jaziira
ee Sudan lagu soo gabagabeeyey kulamo loogu gogol xaarayey helidda dallad ama
shabakad ay ku mideysan yihiin aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku takhasusay
cilmiga beeraha qeybihiisa kala duwan.
Aasaasidda shabakaddan ayaa waxey ka dambeysay kadib markii ay isla garteen
aqoonyahannada halkaa ku shiray lagama maarmaannimada in la helo nidaam
mideynaya dhamaan culumada cilmiga beeraha ee ku kala nool daafaha dunida,
nidaamkaas oo run ahaantii u fududeynaya gudashada waajibka ka saaran ummadda
iyo ka qeybqaadashada horumarinta dalka.
Dalladdan ayaa waxaa looga fadhiyaa iney qeyb weyn ka qaadato kobcinta
dhaqaalaha dalka oo sida la wada ogsoon yahay ku tiirsan xoolaha iyo beeraha.
Sidoo kale dalladdan waxey xoogga saari doontaa isu keenista gebi ahaan
aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku takhasusay qeybaha kala duwan ee cilmiga
beeraha meel walba oo dunida ay ka joogaan .
Run ahaantii kala go' weyn ayaa ku yimid guud ahaan waxbarashada Soomaaliya
duruufaha dagaalka awgood taasoo sababtay in iska warqabid la'aan iyo weliba
xiriir la'aanay ka dhex dhacdo jiilka aqoonyahannadii hore iyo aqoonyahannada
dhalinyarada ah ee goor dhow qalin jebisay amaba hadda ku mashquulsan
waxbarashada , sidaa awgeed dalladdu waxey ku dadaali doontaa isku xiridda
labadaa jiil, tallaabadaasoo nafci weyn ula soo noqon doonta dhamaan umadda,
gaar ahaan inta ku howlan waxbarashada.
Aqoonyahannada ayaa halkaa waxey isku tusiyeen jiritaanka mushkilado dhowr ah
isla markaana habka ugu fudud uguna habboon ee looga tallaabi karo ay tahay
helitaanka awood mideysan oo waajihi karta mushkiladaha noocan oo kale ah.


Waxaa halkaasi guddoomiye loogu doortay Maxamed Khadar Cabdi Maxamed(Afgooye) oo
ah aqoonyahan cilmiga beeraha kuna takhasusay Pesticides & Toxicology , isagoo
ka hadlayey kulankaa ayaa waxuu yiri :- "Annagu hadafkeennu waxuu yahay
helitaanka ummad Soomaaliyeed oo isku filan".
Xoghayaha guud ee dalladda C/rashiid Caraaye Cumar oo isagu ku takhasusay
Agricultural Engineering ayaa tibaaxay iney muhiim tahay howlgelinta
shabakaddaan " Nin walboo Soomaali ah waxa uu dowr ku leeyahay shacabka
Soomaaliyeed horumarintiisa , waxaana wax aad loogu farxo ah inaan diyaar u
nahay gudashada dowrka nooga aaddan ummadda"ayuu yiri xoghayaha.
Haddaba , isku xiraha guud ee dalladda C/raxmaan Axmad Xasan (Dadweyne) oo ah
aqoonyahan ku takhasusay Animal Production ayaa isagu baaq u jeediyey dhamaan
aqoonyahannada ku takhasusay cilmiga beeraha meel walba oo ay joogaan iney qeyb
libaax leh ka qaataan dardar gelinta howlaha shabakadda .
Sidoo kale ,Sayid Cali Muxyidiin Maxamed oo isagu ah aqoonyahan ku takhasusay
Plant Protection isla markaana ah xoghayaha maaliyadda ee shabakadda ayaa
sheegay in dalku u baahan yahay waxqabad ,ummadduna u baahan tahay horumarin,
dhaqaaluhuna u baahan yahay kobcin, annaguna aan u baahan nahay midnimo.
Ugu dambeyn , aqoonyahandii halkaa isugu tagay ayaa waxey baaq guud u jeediyeen
gebi ahaan Soomaalida iney ka qeyb qaataan horumarinta habsami u socodka
dalladdan, taasoo noo horseedeysa inaan si wada jir ah u wada dhisno
waddankeenna una horumarinno dhaqaalihiisa.
Waxaa si khaas ah loogu baaqayaa dhamaan aqoonyahannada ku takhasusay cilmiga
beeraha iney lasoo xiriiraan walaalahooda maamulka shabakadda oo ay kala soo
xiriiri karaan e-mailka shabakadda oo ah agrosoma@hotmail.com