SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Golaha Imaamyada ee Waqooyiga Maraykenka oo Soo Saarey Baaq Nabadeed iyo Talo soojeedin kuwajahan Umadda Soomaaliyeed.

Golaha imaamyada oo ah golaha ugu weyn ee ay ku kulansanyihiin  in kabadan 17 ka mid ah masaajidda ay soomaalidu ku leeyihiin gobolada kala gedisan ee waqooyiga America wuxuu isu taagay ilaalinta iyo dhowrida diinta, dhaqanka iyo midnimida umada Soomaaliyeed ee waqooyiga America.

Waxaan ogsoonahay in ku dhow 20 sano in umada soomaaliyeed ay ku jirtay burbur iyo dhibaatooyin sababay in lawaayo dhamaan kaabayaashii nolosha bini aadamka iyo jiritaankii qaranimo ee shacabka Soomaaliyeed. Iyadoo qaar ay ku halikmeen badaha, kuwo kale ku baa ba’een dagaalada sokeeye iyo raadkay reebeen, kuwo kalena qoxooti ku yihiin dhulal shisheeye, waxaa lagama maarmaan ah in la badbaadiyo inta ka hartay shacabka Soomaaliyeed.

Iyadoo goluhu qiimaynayo xaalada wadanku marayo wuxuu soo jeedinayaa talooyinkan:

1- in dhamaan shacabka soomaaliyeed u noqdaan Allah, kana towbad keenaan wixii dunuub aan horey u geysannay, kana qeyb qaataan soo celinta sharafkii iyo qaranimada umadda Soomaaliyeed.

2-In muqaawamada iyo xoogaga ka soo horjeedo dowladda ay soo fadhiistaan miiska wadahadalka, laguna dhameeyo wixii khilaaf ah wadahadal iyadoo la muujinayo tanaazulaat, iyo turid loo turayo shacabka Soomaaliyeed, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara daadashada dhiiga muslimiinta.

3- In maamulka Cusub ay Allah ooga baqaan xilka loo dhiibay, kuna dadaalaan hirgelinta shareecada islaamka, Taas oo sal u noqon karta midnimada iyo qaranimada shacabka soomaaliyeed ee Muslimka ah.

4- In shacabka Soomaaliyeed, xoogaga muqaawamada, iyo dawladuba ay qadariyaan dadaalada nabadeed iyo xal u helidda mushkiladda soomaaliya ee ay ku howlan yihiin culimada Soomaaliyeed ee lagu yaqaano alle ka cabsi iyo aqoon diineed.

5- In ummadda Soomaaliyeed isku tashato, kanawada shaqeeyaan midnimadooda, iyagoo ka fogaanaya arimaha keeni kara faragelin shisheeye mid siyaasadeed iyo mid ciidanba.

6- In laga fogaado banneysiga dhiiga muslimiinta, ku degdegidda ridida xukun gaaleysiin ah iyadoo aan loo cuskaneynin fataawi sharci ah oo ka soo fushay culimada ehelka u ah.

7- In dhamaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan qurbo joogta iyo dadka hantida lihi u guntadaan taakuleynta iyo gargaarka dadka ku tabaalaysan gudaha dalka soomaaliyeed, ee ay baabi’yeen colaadaha iyo abaaruhu lana soo gaaraan gurmad dag dag ah oo dhaqaale. 

Imaamyada bayaanka ku sixiixan

  1. Sheekh Cabdiraxman Sheekh Cumar- (Gudoomiye) Minneapolis, Minnesota
  2. Sheekh Cabdullaahi Nuur (Abulfadli) - (Xoghaye)-Minneapolis, Minnesota
  3. Sheekh Cabdirisaaq Xaashi- Minneapolis, Minnesota
  4. Sheekh Mustafa Sheekh Cabdiraxman- Minneapolis, Minnesota
  5. Sheekh Axmednuur Macalin Cabdulqaadir- Kansas, MO
  6. Sheekh Maxamed Khadar- Sandiego, California
  7. Sheekh Adan Sheekh Abdullahi- Columbus, Ohio
  8. Sheekh Maxamed Ibraahim Garyare- Portland, Maine
  9. Sheekh Professor Ahmed Warfaa-Salt Lake City, Utah
  10. Sheekh Axmed dayib Sheekh Cabdi- Salt Lake City, Utah
  11. Sheekh Cabdiraxman Yusuf- Nashville, Tennessee
  12. Sheekh Cabdikhaliq Abukar- Phoenix, Arizona
  13. Sheekh Maxamed Ibrahim (Macallin Barre)- Portland, Maine
  14. Sheekh Saalax Cabdisamad- Lewiston, Maine
  15. Sheekh Caamir Maxamed- Columbus, Ohio
  16. Sheekh Maxamed Xassan- Columbus, Ohio
  17. Sheekh Cabdirisaaq Gooni- Seattle, Washington
  18. Sheekh Maxamed Mursal- Saint Paul, Minnesota
  19. Sheekh Cabdiraxman Yusuf- Omaha, Nebraska
  20. Sheekh Nuux Ciise- Atlanta, Georgia
  21. Sheekh Naasir Warsame- Atlanta, Georgia
  22. Sheekh Yuusuf Cabdille- Boston, Massachusetts
  23. Sheekh Axmednuur- Virginia
  24. Sheekh Maxamed Hambaase- Minneapolis, Minnesota
  25. Sheekh Cumar Cabdiraxiim- Minneapolis, Minnesota
  26. Sheekh Cabdirashid xassan-wali Aabi- Minneapolis, Minnesota

Waxaan ilaahay weydiisanaynaa inuu inagu hanuuniyo xaqqa, ina waafajiyana waxa uu jecel yahay ee uu raaliga ka yahay. 

Bayaanka kala xiriir: Sh. C/laahi Abul Fadli, email:  kulmiye99@hotmail.com 

Wabilaahi towfiiq
Tuesday, February 17, 2009

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS