WARBIXIN KOOBAN KUNA SAABSAN ABUBAKAR MOSQUE OF SEATTLE IYO OGEYSIIS
marka hore allah ayay mahad ideylkeed u sugnaatay marka xigtaa waxaan rabaa in
aan umadda somaliyed meel walbaa ey joogaan aan lasocodiino in uu jiro mashruuc
lagu balaarinayay masjidka ABUBAKAR ee Ku yaal Magalada SEATTLE ee gobalka
Washignton,
Masjidka Abubakar oo ah Masjid eey mamulkisa hayaan Culuma
somaliyed ayaa la go'aansaday in la balaariyo maadaama Shacabka somaliyed e
magaladan Seattle Tiradooda aad u sii kordheyso Masjidkanina aad u yar yahay
waxaana Maamulka iyo gudiga masjidka isla garteen in La gado Meel ku haboon
Masjid Baaxadna leh isla markaasna ku taal meel ku haboon in masjid laga
dhigo,waxaana ilaah mahadiis suurta gashay in la helo boos aad ugu haboon
masjidka waxaana Booska oo ahaa CASINO ama (Melaha Lagu dheelo Khamaarka ) Ku
kacday lacag dhan 3000,0000( Sadax Million oo dolarka mareykanka ah) waxaana
lacagtaas oo mudo sanado ah la arurinayay Sadaqeystay dadka somaliyed ee kheyrka
jecel , waxaana Kulan balaadhan isugu yimid january 17th ee sanadakan 2009ka
waxgaradka iyo culimada somaliyed ee ku dhaqan magaladan,maadaama la rabo in
meesha masjid loo badalo lagana badalo Qaab dhismeedka u yahay iminka ,Ayaa
waxaa Halkaas warbixino laga dhageystay GUDIGA Mashqruuca dhismaha Qaabilsan
waxaana ey soo bandhigeen qaabka uu noqonayo masjida inta qolol iyo xafiisyo iyo
waliba qeyb loogu tala galay hawl ama barxad weyn oo Munaasabadaha lagu qabsada
Sida Aroosyada IWM waxaana eey sheegeen gudigaasi in qiyas ahaan lacagta loo
baahan yahay eey tahay $311,500 waana lacagta la qiyaasay in lagu dhisayo
masjida waana dhici kartaa in eey ka badato intaasi
sidaasi awgeed ayaa waxaa laga codsanayaa ama la ogeysiinayaa qofkasta oo jecel
in uu ka qeybqaato kheyrkaan rabana in uu wax ku darsado ilaahey dartiis in uu
la xadhidho gudiga masjidka ee hawsha wado iyadoo waliba lawada ogyahay kheyrka
iyo wanaaga uu helayo qofkii ilaah guri u dhiso ,waxa ugu weyn uu helayana ey
tahay in isna ilaah guri uga dhiso Janada,waxaan leenahay walaalaha kheyrka
jecel meel kasta oo aad joogtaanba ka faa'iideysta mashruucan oo ah mid gebageba
ah iyadoo inti badneyd hawsha soo dhamaatay waxa hareyna ey tahay dhismaha
masjidka oo kaliya ,
KALA QEYBQAADA WALALAHAGA SOMALIYED DHISMAHA MASJIDKA WEYN EE ABAUBAKAR MOSQUE
OF SEATTLE
waxi faahfaahin ah ama haddaad sadaqo la baxeysid fadlan La xadhidh Saadsuuban@gmail.com
Waxaa Diyaariyay

Hassan Ismacil Yare (Hassan Sunni)
Seattle,Washington
xnuur11@hotmail.com