SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Farriin ku socota Shirka Culimada Soomaaliyeed, Muqdisho

Mar waa Ayax, Mar waa Aran, Mar waa kaa adkiya Gaalo
Marka kalena waaaaa, Aw-cismaan iyo Adeer Raaaage!
“Abwaan Soomaaliyeed”

Walaalayaal, Mashaaikdeenna, culimadeenna,

Ilaahay ha barakeeyo dadaalkiinna, hana ka dhigo hawshiinna mid raalli gelisa Allaah iyo Rasuulkiisa dhibkana ka saarta ummadda Soomaaliyeed.

Wax badan waxaa laga sheegtay dhibaato ay umadda Soomaaliyeed badeen qab-qablayaashii dagaalka, mooryaantii qabiilka, ganacsato arxan daran, aqoonyahan calooshii u shaqeyste ah, kaabe qabiil dhuuni raac ah, cadaw shisheeye oo kobciya mushaakillada, hey’ada diinta dooriya, kuwa dhaqan xumada faafiya, iyo qandaraasleyda sumeeya badaha iyo berriga. Maantase qeyladu waxay ka yeertay masaajidaka, waxaa wax diley nin cimaad leh, waxaa dhaaranaya nin gar dheer!. Haddaba anigoo ka mid ah caamada Soomaaliyeed, waxaan jeclaystay inaad idiin soo diro qoraalkaan, anigoo og in culimada badankoodu aysan akhrin, hadii ay akhriyaanna aysan tix-gelin qoraallada iyo fikradaha caamada.

Soomaalida badankeedu waxay isku qancin jireen haddii culimadu arrinka gacanta ku qabato waxaa loo bixi doonaa beri samaad, waxayna ku riyoon jireen in mar uun shareecada Islaamka la qaadan doono sidaasna uu qof waliba xadkiisa ku joogsan doono. Hase yeeshee Shareecadu waxay u baahantahay dad yaqaanna kana run sheega si daacad ahna u hir geliya. Reer galbeedu waxay mar hore ogaadeen inay Soomaalidu si aad ah u jeceshahay Islaamka una haystaan inay culimadu yihiin keyd u yaalla oo ay u baxsan doonaan marka ay dhanaanaato, sidaa darted waxay mar hore Gaaladu u “duseen” dadka diinta isu xilqaamma, waxaana u suurta gashey inay sumeeyaan biyihii aan is lahayn waad ku harraad bixi doontaan.

Waxaan joogay soo gelitaankii ciidamada Xabashida ee Muqdisho, gabood-falkii ba’naa ee ay gaysteen, iyo bixitaankoodii 15 Bisha Jannaayo ee sannadkaan 2009. Dad badan oo aan ku jiro waxay filayeen in haddii ciidamadaasi baxaan dadka laga dareemo doono farxad weyn oo ay dhici doonaan dabbaal-degyo waaweyn oo dadkuna billaabi doonaan inay guryahooda ku soo noqdaan, rabbina u xamdi naqaan. Hase yeeshee farxad iska daaye waxaa soo hoyatay murugo hor leh iyo wel-wel laga qabo dagaallo lagu hoobto oo ka billowda meelaha ay dadku u qaxeen. Hadda yaa macaan tirey, faraxaddii la filayey marka ay guuraan ciidamadii guryaha, dugsiyada iyo masaajidda ku saxaroon jirey?? Waxaa halis loo yahay in dad badan oo xoolahooda ku bixiyey dagaalkii dhibka badnaa ay ka shallaayaan inay xoolahooda siiyaan dad ay mar kasta ka soo dhalaalayso qeyrul-masuulnimo aan laga malaysanayn. Hadaba yaa qaadaaya masuuliyadda niyad jabkaas?

Dabcan arrimihaas masuuliyaddooda ma laha reer Galbeed, Xabashi ama kuwa u adeega, waxaa masuuliyaddeeda iska leh, kooxahii horey loo orey jirey Islaamiyiinta, mujaahidiinta, ama muqaawamada (laakiin aan rejeynaayo hadda wixii ka dambeeya in loo helo magac kale). Kooxahanai waxay doonayaan inay magaca diinta ku halleeyaan wixii ay kuwa kale ku hallayn jireen magaca qabiilka ama kooxaha. Waxay ku takhasuseen fashilka iyo luminta fursadaha. Waxay been u sheegaan naftooda, waxay maalintii dad weynaha u sheegaan arrin, markay gooni isugu baxaanna waxay isu sheegaan arrimo kale, waxayna warbixinna siiyaan dhinacyo kale oo meel fog (remote) ku haga!. Qolo kasta waxay qolada usoo “waxyoota” u sheegtaa inay iyadu haysato taageerada inta badan, oo aysan u baahnayn inay cid kale dhegeysato, taasina waxay keenta in lasoo siiyo amarro aysan awood u lahayn inay fuliyaan, ama cimri deg-deg ku ridda iyaga laftooda!

Waxaa tiirka ku xiran (khatar ku jira), magacii culimanimo, waxayna wadaaddadu maanta astaan u yihiin naxariis darro, danaysi iyo cagajuglayn. Waxay ku hor kufeen shacabkii ay u sheegeen in waxa ay raadinayaan ay yihiin oo kaliya in shareecada Islaamka loo xuguntamo. Waxay nagu sireen (dhagreen) midnimo been ah, shacabkuna ma garab istaageen hadii ay ogaan lahaayeen inay waxaani u qarsoon yihiin.

Markaan ku dhiig iyo dheecaan beelnay ayay lasoo baxay xujooyin aan falmayn iyo guntimo “sixir” ah oo aan sixir-fur loo hayn.Waxay qab-qableyaashii dagaalka kala mid yihiin kala qaybsanka iyo badashada iyo mushaakil abuurka, waxayse dheeryihiin in mid kasta soo daliishado Quraan, Xadiis, iyo axkaam!

Waa ma xishoodeyaal waxay u abaal sheeganayaan shacabkii ay gaashaanka ka dhiganayeen ee xabbaddooda iyo tan cadawgu ay isku sida ugu dhacaysay, qaraxyadooduna u gesanayeen dhib ka badan tan ay cadawga u gaysataan, waxay leeyihiin dhiiggeenna ayaad ku badbaadeen ee “shib!” “us!” “shut-up”!! Markaas ayaa mid kasta “kilkisha” hoosteeda kala soo baxay wax aan laga filayn!

Haddaba walaalayaal aniga waxay Ila tahay inay culimadu lasoo dib dhaceen dadaalkaan, hase yeeshee “Caano daatay dabadoodaa la qabtaa”, waxay ila tahay inay weli fursadi jirto haddii la hubo in culimada shirka u fadhida ay tahay culimadii aan nafta ku sasabi jirnay ee aysan ahayn nooc kale oo ka mid ah qoladii aan horey ugu sirannay iyo abeesadii dhul u ekaanta nagu qaniintey!. Taas Ilaahay baa ku caalim ah waqtiga ayaana jawaab waafi ah ka bixin doona, laakiin aniga waxaa ii muuqa dhawr qolo iyo arrimahooda oo idinkaga baahan inaad u wajahdaan si xaqiiqo iyo caddaalad ku dhisan oo waafaqsan diinta aad taqaannaan iyo dariiqa nebiyada aad dhaxalkooda siddaan.

Anigoo wax badan la socday hawlaha culimada joogayna inta badan muxaadarooyinkii ay qaban jireen iyo qaar ka mid ah fadhi-hoosaadyada, waxaa ii muuqda inaad billowdeen inaad dhinac u xaglisaan oo aad ku jawr fashaan mid ka mid ah dhinacyada aad leedihiin waan dhex-dhexaadinaynaa, idinkoo u sawira inay yihiin dad cilmi yar oo dhiig-jacayku madax maray oo aan lahayn wax ujeeddo ah oo la yaqaanno. Run ahaantii aniga waxay ila tahay in arrinku wax badan sida aad sheegteen ka duwan yahay.

Walaalayaal arrinka soomaaliya wax badan waa ka qoto dheeryahay sida ay u sawirayaan qaar badan oo idinka mid ah. Arrinku waa ka weyn yahay wadaaddo masalo isku dhilaafay iyo dhalinyaro, budh-la-duul ah. Dhibaatau waxba kama duwana midda Ciraaq, iyo Afgaanistaan, waxaa ku lug leh dhinacyada ku lug leh dhibaatooyinka ka jira meelo badan oo caalamka ka mid ah. Haddii arrinku ku xallismayo in loo fatwoodo sida ay doonayso qolyaha meelahaas isku haysta middood, ogaada meelahaasba culimo waa joogtaa waana fatwoodaan, hase yeeshee taasi xalka waxba kama tarto.

Walaalyaal, kooxaha meesha jooga (ex-Islaamiyiin) waa saddex, waxaase ugu khatar badan laba ka mid ah: (1) Kooxda Jabuuti oo aad mooddo inay ka sii boodayso xayndaabkii laysku ogaa (xukunka shareecada), mustaqbalkana laga yaabo inay isu beddelaan koox aad uga duwan sida ay hadda yihiin. (2) Kooxda Waziiristaan (Al-shabaab) oo u muuqda askar dal kale laga xukumo oo doonaya inay soo guuriyaan wax kasta oo ka dhaca meelaha ay joogaan ciidamada Al-qaacidda (sax iyo khaladba) iyagoo aan u aaba yeelin inay munaasib u yihiin duruufta soomaalida iyo in kale. (3) Kooxda Xizbul-Islaam, kuwaasoo ah kooxo u midoobay (goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen), si ku meel gaar ah si ay u fashiliyaan kooxda Jabuuti, hadii ay dumiyaanna aan filaayo inay qolo kasta meesheeda ka sii miisi doonto u adeegidda ciddii ay wakiilka u ahayd!

Aniga waxay Ila tahay in kooxda 3 aad ay ka khatar yar tahay labada kale, in kastoo khudbaddii Dr. Cumar Imaan uu ku salaamay dadka Muqdisho ee uga bartay dhimrinta iyo xigmadda ay la mid tahay isagoo luqad kale ku yiri “Ninkaad moodaysaan maahi”. Sidaa darted waxaan jeclaan lahaa inaan talo ka dhiibto labada kooxood ee kale ee loo baahanyahay in guntiga la qabto si looga badbaado halaagga ay noo jiidayaan.

Kooxda Jabuuti

Adinku ugu yeera waxa aad doontaan (sida dowlad), anigase waxay ila tahay in fursadaha ay qolooyinkas baadi goobayaan (midnimada muqaawamada) ay horey u dayaceen ayna ku iibsadeen in ciidanka Itoobiya meesha laga saaro kuna milmaan nimankii dhagarta weyn ka galay dalka iyo dadka.

Anigu waxaan qirayaa inay kooxdaasi sameeyeen horumar ka badan kii aan horay u saadaaliyey oo ahaa in laga dhigan dooni “xirsi makaraan” loo xiro dowladdii adeegayaasha ahayd, iyagana xoogaa afka loogu ridin doono ama fandhaalka daanka lagala dhici doono. Laakiin waxaa muuqata inay reer galbeedku bixinayaan fursado ula kac ah si loo sameeyo wax loo xilan karo oo naftu u iilan karto, iyagoo yaqiinsan in kooxaha qaarkood (Al-shabaab) waxa ay baadi goobayaan aysan ahayn qaranimo soomaaliyeed, halka qolyo kale ay ka joogtay mar uun yaa xabashi idinka saara! Waxay ogaadeen inaysan is-huri doonin labada kooxood ee qaarna inta xabashi laga saaray kursina loogu daray, qaarna u arka in waddanku uusan sii ahaan karin meelo ay ka fulaan hawlihii ay doonayeen.

Xaqiida ugu dambaysa waxa ay tahay in ujeeddada dowladda Jabuuti lagu soo dhisay ay tahay oo kaliya inay la dagaallamaan kooxda Waziiristaan (Al-shabaab), oo reer galbeedku ay aad uga argaggaxsan yihiin. Marka waxaan leeyahay dowladdu maaha dowlad nabadeed ee waa dowlad dagaal sida ay reer Galbeedku ku tala galeen, laakiin soomaalida ayay u taallaa sidii ay uga boodi lahaayeen sirqaha daadsan, dadkoodana uga saari lahaayeen dhibaata ragaadisay ee quusta gaarsiisey.

Walaalayaal waxay Ila tahay inay suurta gal tahay in dhagarta Jabuuti looga badbaadi karo inaad ka joojisaan madax salaaxa runtana u sheegtaan idinkoo ku cadaadinaya laba arrimood:

(1) Inay dalka ku dhaqaan shareecada Islaamka si cadna ay u sheegaan taas. Haddii taas laga waayana aydaan iska aamusin ee aad dadka si cad ugu sheegtaan, si qofkii halaagsamaya uu ugu halaagsamo wax cad, kii badbaadaya uu ugu badbaado wax cad.
(2) Inaad Si cad u sheegaan inay ka soo horjeedaan keenista ciidamo shisheeye oo dheeraad ah, isla markaanay ay waqti u qabtaan inay ku baxayaan kuwa “kheyrka daran” ee jooga hadda.

Haddii intaas laga helo waxay ila tahay in qofkii markaas la dagaallama khaladkiisu uu caddaanayo, laakiin inta shareecada laga meer-meerayo, ciimado dadka laayana la dalbanayo kuwa hadda laynta wadana laga aamusan yahay waxay ila tahay inay jirto kun sababood oo looga soo horjeesto ciidankeeduna uu noqon doono “marya calas” iyo fursad-gaad kana cimri yaraan doonto tii Imbagaati ee markay dhimatay ka dib iyaga lagu kafanay!.

Kooxda Waziiristaan

Waziiristaan (waa afka Pashtu macnaheeduna waa dhulka Qabiilka Wazir) waa dhulka buuralayda ah ee ku yalla waqooyi-galbeed ee Pakistaan, ee saaran xudduuda dalka Afghanistan. Waa halka ay dad badani aaminsan yihiin inuu ku sugan yahay Sheekh Abuu-Caballa Usaama Bin Laden (Allaha dhawree). Xarakada Al-shabaab Al-mujaahiduun (Jayshul-cusra), sida laga fahmi karo booskooda internetka (www.kataaib.info), iyo farriimaha uu diro Amiirkooda Axmed Cabdi, waxay ka mid yihiin urur weynaha Al-qaacidda ee reer Galbeedka kula dagaallama Afgaanistaa, Ciraaq iyo meelo kale. Waa qoladii sababtay kala jabkii ugu horreeyey ee muqaawamada. Waxay ay ku kala tageen iyaga kooxaha kale ee muqaawamadana waxaa asaas run ah u ah ka mid ahaanshahooda ururkaas. Sida la ogyahay berigii ay qeybta ka ahaayeen midowgii maxaakimta, mar kasta gooni ayay isu wadeen, sulda sharci ah uma aqoonsanayn madaxdii maxaakimta, taas waxaa caddayn u ah inay fulin jireen hawlo aysan shaqo ku lahayn madaxdii iyaga ka sarraysay (sida dilkii Sooradii Talyaaniga ahayd ee SOS oo markii lasoo qabtay raggii dilay ay iyagu amar ku bixiyeen in lasii daayo).

Waxaa wada waxa dhaqaajiya kummanaanka kale ee dagaalyahan ee ka tisran ururkaas, waxayna aaminsan yihiin inay tahay waajib in meel kasta lugula dagaallamo gaalo iyo wixii la hal maala, xitaa haddii aan ka tabar yarnahay. Waxaa ka go’an inay Soomaaliya ka dhigaan furin cusub (oo Alqaacidda leedahay) kuna furantahay Gaalo oo dhan. Waxay soo daabulayaan dagaal yahanno aan soomaali ahayn taasi waxay muujinaysaa kalsooni darrada ay ka qabaan soomaalida. Waxay ka dheregsan yihiin waxa loo socdo inay iyaga yihiin, inta kalena ay yihiin “looxaan” looga tallaabayo mowjadaha, oo ama iyagu ku meel gaaraan ama cadawgoodu ku meel gaaro! Ma filayo inay ku qancayaan in Shareecada Islaamka ay waddanka ku dhaqdo cid aan iyaga ahayn.

Marka ugu horreysa waxaan fiicnaan lahayd, in la joojiyo ka sheekaynta khaladaadkooda oo kaliya, oo aan la xaqirin wax qabadakoodii iyo wanaaggoodii ay la qeybsadeen walaalahooda kale. Waxaan ogahay in khaladaad badan oo iyaga kaliya loo tiiriyo aysan markii hore ku kala soocnayn kooxha muqaawamada oo dhan, taasina ay noqonayso caddaalad darro aan ciribteeda la mahadin.

Sida ay qaarkiin u dhigayaan sax maaha inay yihiin dhallin yaro fud-fudud oo aan waxba fahamsanayn. Waxaan ogahay in qaarkood ay aad diinta u yaqaannaan kana qeyb galeen doodo can ah oo lagu qabtey meelo kala duwan. Haddaba walaalayaal waxay ila tahay inaad arrinta u wajahdaan si dhab ah lana joojiyo dhalanteedka ah inay gabban doonaan marka 2 fatwo laga dul-rido, ama in la go’doomiyo lana ceebeeyo si ay dadku uga caraaran.

Waxay Ila tahay inaan rajo badan laga qabin in kooxdaas laga dhaaciyo in “Riddada” ay kooxda Jabuuti la beegsanayaan ay joojiyaan, sababtuna waxaa weeye in uu yar yahay xaakim ka mid ah kuwa waddamada Islaamka oo ay Muslim u haystaan, marka lagu daro kuwa xukuma xaram-ka. Sidaa darted la yaab malaha inay gaalnimo ku xukumaan Shariif, ama ay camiil iyo jaahili u haystaan kooxaha kale ee aan iyaga ku fikirka ahayn, sida ka dhacday Ciraaq.

Waxay ila tahay in raggaas lagu wajaho dood cilmi ku dhisan. Waxyaabaha loo baahanyahay in lagala doodo waxaa ka mid ah: khasaaraha iyo faa’iidada laga helayo haddii aan goosanno inaan askar u noqonno Al-qaacidda. Midda faa’iido badan inaan arrimaheenna Soomaali ahaan u xallisanno iyo inaan la wadaajinno cid kale muslim-ba ha ahaatee. Raadka uu gooni u socodkoodu ku reebi karo mustaqbalka diinta iyo dacwada, iyo inaan xaq u leenahay inaan ku dhegno maqaasidda shareecada, wixii naga dhimanna aan waqtigooda raadsano. Waxaa kale oo la wey diin karaa meelaha Al-qaacidda furimaha ka furtay, maxaa horumar ah oo laga gaaray oo mudan in laga maseyro?

Markii arrimahaas lagala doodayo, waxaa loo baahanyahay in lala galo dood qalbi furan oo aan natiijadeeda la sii ogayn. Waxaa loo baahanyahay inay culimadu diyaar u noqdaan wixii xaqa ah oo usoo daahira inay laab furan ku qaataan, wixii khalad ah oo usoo muuqdana ay ka joogsadaan.

Waxay Ila tahay in kooxdaan u sheegtaan inay joojiyaan, dhaqankooda la moodo inay aflaam jilayaan, in la fahamsiiyo inaysan arrinka ku goynin inay iyagu baqayaan iyo inaysan baqeyn. In loo sheego inay iyaga u sahlantahay inay marna cimmaamadohooda isku qariyaan, marna gawaaridooda muraayadaha madow dhex galaan, marna ay meelo kale iska aadaan, laakiin shacabka oo dhami uusan sidaasi yeeli Karin. Waa inaad u sheegtaan inaysan umadda ku san-dullaynin wax uusan Ilaahay ku addonsanin oo ah inay dagaal ku iclaamiyaan dad aysan tabar u heynin dagaalkooda. Inay naga daayaan dagaal yahannadaan ay waddanka ku soo daabulayaan, oo haddii aysan ka maarmayn ay iyaga waddamadooda u raacaan , annagana xoogaa noo nasiyaan!

Intaas ka dib culimada sharafta leh waxaa loo baahanyahay inay ummadda u sharxaan wixii usoo baxa, markaasna ay soo saaraan bayaanno iyo fatwooyin sharci ah oo faahfaahsan oo aan ahayn qodobbo mugdi ah oo lays hoos geliyey oo aan laga kororsan waxaan wareer ahayn.

Waxaa culimada looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan inay garab istaagaan wixii ay xaq ku sheegaan, oo ay naftooda ka run sheegaan. Waxba tari mayso fatwo “iga har” ah, waxaa loo baahanyahay inay shacabka ku hoggaamiyaan wixii ay xaqa u arkaan, balse aysan isaga laaban meelihii ay ka yimaadeen halkaasna ay ku illoobaan wixii ay soo saareen.

Walaalayaal shaki badan kama taagna inuu soo socdo dagaal “wasakhaysan” oo ay muslimiinta soomaaliyeed faraha mar kale isula tagaan, waxaa laydin kaga baahanyahay inaad dhibaatada dadka la qeybsataan dariiqana aad u iftiimisaan, si aysan ugu hooban dabka fitnada oo sida muuqata sheydaanku uu mar hore billaabay hurintiisa!

Waxaa xusid mudan, in wax badan oo ka mid ah culimada sharafta leh aanan arki jirin markii ay xaajadu dhanaanayd, oo weliba qaarkood lay sheegay inay diideen inay cambaareeyaan duullaankii Xabashidu ku soo qaadday dhulka Soomaaliyeed, hase yeeshee wixii hore oo gef ah ilaahay hanoo dhaafo, waxaanna rejeynayaa inaanan waayi doonin culimada waqtiga aan kii hore ka dhib yareyn ee soo socda!

Waxay Ila tahay inay munaasab tahay inaad soo saartaan farrin ku socoda Sh. Usaama, idinkoo u sharraxaya dhibaatada haysata ummadda Soomaaliyeed iyo sida loogu baahanyahay inloo caymiyo ummaddan qarka u saran in magacoodu tirmo, oo aad ugu baaqdaan inuu gacan ka geysto in loo helo xasillooni ay ‘laftooda” ku badbaadsadaan, una helaan nabad ay cooshadohooda ku seexdaan. Waxaan filayaa inuusan dhihi doonin ummadda soomaalyeed haku jireen dagaal joogto ah si ay aniga iigu hoggaansamaan!

Wixii aan saxo waxaa i waafajiyey Allaah, wixi aan khaldana waa naftayda aqoonta yar iyo sheydaan.

Mohamed Ahmed Wallays
Yaaqshiid- Muqdisho
inawallays@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS