SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 London Stars oo kulamo kale duwan kula soo yeelatey kooxo ka dhisan dalka Gambiya

Sawirada Halkan ka daawo.... iyo Sawirka ninka ugu dheer...

London 17.02.2009. Waxaa magaalada London dib ugu soo laabtey kooxda London Stars iyo masuliyiintii Qurba-joogta ee u raacday dalka Gambiya, kadib markii ay cayaaro saaxiibtinimo kula soo yesheen kooxo ka dhisan dalka Gambiya, isla markaana booqashooyin ku soo mareen magaalo madaxda dalka Gambiya iyo Gobalo kale,inkastoo ay sadax ciyaarood kooxda London Stars ay la soo ciyaareen kooxaha dalka Gambiya hadane dhamaantood waa laga soo badiyay sida ay ii shegeen macalimiintii iyo masuuliyiintii la socotey.

Kooxda London Stars waxay kale ciyaaro saaxiibtinimo kale la yesheen kooxda ciidamada Cirka dalka Gambiya iyo xulka Juinoirka dalka Gambiya kuwaas oo haysta horyaalka under 17 jirada caalamka, intii ay dalka Gambiya joogeen waxaa soo dhaweeyay isla markaana ay marti u ahaayeen xiriirka kubada cagta dalka Gambiya iyo Wasaarada Isboortiga dalka Gambiya.

Dowlada dalka Gaambiya ayaa si weyn u soo dhawaysay kooxda Qurba joogta Soomaaliyeed ee London stars, iyadoo la dajiyay hotelka Staduim Gambiya isla markaana saxaafada iyo Televisionka dalka Gambiya uu si weyn uga qayb qaadanaya soo dhawaynta iyo kulamada ay kooxda Soomaaliyeed la yeelanayaan kooxaha dalka Gaambiya iyo Booqashada ay dalka Gaambiya ku yimaadeen qurba joogta Soomaaliyeed.

Waxaa iyana xusid mudan in kooxda uu la socday ninka Soomaalida dunida ku nool ugu dheer Xusen Bisad ee ku nool dalka Britain gaar ahaan magaalada London, kaas oo soo jiitey indhaha dadka reer Gaambiya isla markaana ay si weyn u xiisaynayeen, iyadoo loo soo dhaweeyay si weyn isla markaana ay amaankiisa sugayeen ciidamada Police dalka Gaambiya mar alle markii u rabo inuu magaalada u baxo. si buuqa looga ilaaliya iyo dadka raba inay isku sawiraan, taas oo ay ii sheegeen inay safarkooda qiima weyn iyo wax ay ku farxaan dadka reer Gaambiya u noqotey.

Waxaa kale soo dhaweeyay kooxda Soomaalida qurba joogta London Stars masuuliyiin u horkacayay Madaxwayne ku xigeenka dalka Gaambiya isla markaana ah taliyaha ciidanka dalka Gaambiya ahna wasiirka Sports dalka Gaambiya iyo gabadha dalka Gaambiya ugu quruxda badan sanadka 2009.

Wafdiga Qurba joogta Soomaaliyeed iyo kooxdaba waxay dhamaayeen 30 qofood, waxaana la dejiyay hotelka Cayaaraha dalka Gaambiya ee ku yaal magaalo madaxdooda, iyadoo ay barnaamijkaan ay gacan ka gaysteen ganacsato Soomaaliyeed oo degan dalka Gaambiya, kuwaasoo markoodii hore ku noolaan jirey magaalada London hadase ganacsi ku leh dalka Gaambiya.

Kooxda iyo madaxdii la socoteyba kuwaasoo ka kale yimid dalalka Britain, Sweden iyo Canada waxay ii sheegeen inay aad uga soo heleen isla markaana dalka Gaambiya iyo shacabkooda iyo madaxdoodaba ay kala soo kulmeen soo dhaweyn heer sare oo gacaltooyo ka muuqato, dadka reer Gaambiya waa dal Muslim ah isla markaana noo arkayay inaan nahay walaalahood oo soo booqday ayuu i sheegay mid ka mid ahaa dhalinyaradii safarka ku tagtey dalka Gaambiya.

Masuuliyiintii kooxda Qurba joogta horkacaysay waxay kale ahaayeen mudanayaasha kale ah Mudane C/qaadir uus, Mudane C/qaadir Isoomareey ( Madaxii Hotel-ka Muqdisho Staduim isla markaana ah wakiil GOS ee dalka Talyaaniga magaalo madaxdiisa Roma, haatana ku nool magaalada London Oday Sports).
Mudane Mohamed Faarax ''Dab'damis'' Garsoore Qaran oday Sports ka yimid dalka Canada magaalo Toronto, kana mid ah bahda Sports reer Toronto.
Mudane Axmed Nur Seyga Ruushka , ciyaartooydii kooxda Jeenyo iyo xulka Qaranka Soomaaliya barisamaadkii haatana ka mid ah dalada madaxda Qurba joogta Soomaaliyeed.
Mudane Cawad ciyaartooydii hore kooxda Badda haatana ka mid ah masuuliyiinta ururka Seuki haatana ku nool dalka Sweden.
Mudane Weli Maalin Xoghayaha ururka Seuki, haatana ku nool dalka Sweden magaalo madaxdiisa Stockholm.

Kooxda London stars waxaa safarka u raacay isla markaana macalimiin u ahaa rag ka tirsanaan jirey ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ahaayeen macalin Dahir Gacamay ( Naadiga Muqdisho), Macalin Bile Madbaco ( MBC club & Somali National team) iyo Macalin Hassan Dhuudhi .

Film-qaadaha Soomaaliyeed ee London iyo Holand Mudane Shirwac ayaa kooxda London stars ka soo diyaariyay barnaamij Video ah waxaana ka heli kartaa dukaamada Soomaalida Wembley.


Safarka kooxda LONDON STARS iyo masuuliyiinta Qurba joogta waxa u ahaa safar taariikhi ah oo dal iyo dad barasho ah isla markaana waxay ii sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin tagitaankii ay dalka Gaambiya tageen iyo waayo aragnimadii ay kala soo laabteen, waxay mahadcelin halkaan u marsiinayaan dadkii gacanta ka gaystey inay safarkaasi dhaco isla markaana waxay u mahad celinayaan Dowlada dalka Gaambiya iyo shacabkooda gaar ahaan xiriirka kubadda cagta dalka Gaambiya sidii sharafta lahayd ay u soo dhaweyeen iyo gacaltooyadii ay u muujiyeen intii ay joogeen dalka Gaambiya.

Dhalinyaradii ka mid ka ahayd safarka ayaa i sheegay inay tani u ahayd fursad wanaagsan isla markaana ay rajaynayaan sanadka dambe inay diyaar garoow weyn u gali doonaan sidii ay tartankaasi guulo uga soo hoyn lahaayeen, mar aan la kulmay qaar ka tirsan masuuliyiintii kooxda hogaaminaysay ayaa ii sheegay inay safarkaan ku tageen si kedis ah ama deg deg ah laakinse ay sanadka dambe diyaar garoow weyn iyo tababushe u gali doonaan si ay guulo uga soo hoyaan.

Waxaa halkaan ka daawan kartaa safarkii ay kooxda ku tageen dalka Gaambiya oo kale duwan isla markaana waxaa laga soo dayn doonaa Televisionka Universal TV hadii Eebe idmo,. qurba joogta Soomaaliyeed iyo kooxahooda ayaa safaro bilaha soo socda ku kale aadi doono dalalka Djabuuti iyo Kenya hadii Allah idmo, wixii warar ah oo ku saabsan safaradaas dib ayaan idin kaga soo sheegi doonaa.

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor & sspamedia
mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS