SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Tirada Golaha Wasiirada cusub oo lagu sheegey 31 iyo Mas置uliyiinta Muqaawamada oo Golaha Wasiirada ka Mid Noqondoonta.


Ra段isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali ayaa bilaabey kulamo is-daba joog ah oo uu la yeelanayo Xildhibaanada Baarlamaanka 4.5-ka, si tirada xukuumada cusub ay isula meel dhigaan iyo magacyada xubnaha ku haboon ee ay soo gudbinayaan Xildhibaanada Beelaha.

Cumar Cabdirashiid ayaa loo gudbiyey shaxda magacyada Xukuumadihii kala duwanaa ee Golihii Wasiirada xiligii TNG iyo TFG, sida ay u kala heleen Beel kasta, taasoo warar kala duwan oo aan ka helney Xafiiska Ra段isul Wasaaraha ay ku sheegayaan in tirada Wasiirada ay noqondoonaan 31 Wasiir, halka kuwo kale ay sheegayaan in tirada Golaha wasiirada ay noqonayaan 22 Wasiir, waxaa keloo la sheegey in ay Qaramada Midoobeyna soo gudbisey qoraal ah, in Golaha Wasiirada aysan ka badnaan 18, lama oga tirada dhabta ah ee uu Ra段isul Wasaaraha ka dhigayo, balse wararka laysla dhex marayo waxay u badinayaan in tirada Wasiirada ay noqondoonaan 31 Wasiir.

Sidoo kale warar kala duwan oo aan helney ayaa waxay sheegayaan in xubnaha Golaha Wasiirada lagu dhawaaqidoono maalmaha Arbacada iyo khamiista soo socota midkood, islamarkaana Golahan wasiirada cusub ay ka mid noqondoonaan qaybo ka tirsan mas置uliyiinta Muqaawamada ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, kuwaasoo aysan inoo suuragelin inaan helno magacyadooda.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man)Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS