SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dhaqanka geel dhallaan qaaday ma dheerannimada sow wadaad iyo Soomaaliba kama waantoobaan. 
 

Nabigeennu SCW. waxaa uu xaddith aad u qiimo badan inoogu qeexay tiir ka mid ah tiirarka falsafadda guushu ku qotonto kuwa ugu waaweyn. Kaas oo qoladii aan aan la iman guul ay ku heestaa dhalanteed iyo dhaan daban –gaalle aysan waxba doorin. 
 

Xadiithkaasi waxaa (Innama-nasru, sabru saacah) ama guushaba waxaa kaa xiga sacad aad adkaysato.  
 

Waxaa waqtigan wadaadadii badankoodu (waliba marka Ilaahay laga yaabo lagu ogaa mawaaqif aad looga xishoodo intii ay xabashida ciidamadeedu dalka wada haysteen) ay aad ugu cel-celinayaan oraaho aad farshaxannimo ugu dheehan tahay lana oron karo ujeeddooyin qoto dheer ayaa ka dambeeya. Taa macnaheedu ma ahan in ka dhalanayso in ay ogyihiin in badan oo kamid ah qokyaha ku heesaya hadafka iyo ujedka uu ka leeyahay cidda la timid. Oraahahaas ayaa waxaa ka mid ah tan aan darted u soo qaadannay xadiithkan shariifka ah:) “Dadkii waa daalay”.  
 

Waxaan isleeyhay waa hadal xaq ah, haseyeeshee baadil looga jeedo. laba sababood ayaana asal u noqon kara aragtidayda oraahdan: )

  • In la furo hayaankii dheeraa ee Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaanna Mujaahidiintu u qaadeen soo dabbaalista Shareecada Islaamka ee dalkeena.
  • In mujaahidiinta dambiilayaal loogu sawiro bulshada iyada oo la isticmaalayo halku dhegyo dhammaantood bixinaya tilmaamaha ay ka midka yihiin: dad dano leh oo aan u naxayn bulshada, dad aan garanayn danta bulshada, iyo dad u oomman dhiig daadin hadaf kalena aan lahayn.
 
 

    Nasiib xumo, marka la isku wada akhriyo cibaaraadka ay adeegsanayaan dadka ku hadlaya magaca culimada in badan oo kamid ahi waxay marka 1aad ku tususaysaa heerka adkaysan yarida iyo aragti xaddidnaanta raggaas. waxaa intaa dheer inay dhabar jab iyo dhicisaymba ku tahay ka miro dhalinta hadafkii dagaalka dheer bulshadu ugu jirtay, ee ahaa in ay mar uun arkaan Sharciga Allaah oo aan ax kasarreeya ama garab ordayaa jirin. Waana sharciga kaliya ee shaki la’aan ay ku hagaagayaan adduunkooda iyo aakhiradooduba. 
     

    Dhanka kale waxaan marna ahayn wax loo fadhiyey‎ ama dow ah in dadkii sheeganayey in ay Diinta Allaah wax ka garanayaan ayaa dajinta nusuusta ee waaqica, bulshada caadiga ah uga faham liita. Si kale haddaan u dhaho, waxay ahayd in culimadu mustawaha shacabka iyo heerka dadweynaha aysan heellada u tumin, waa haddii aan meesha wax kale ku jirin. 
     

    Dadku ma wuxuu ka daaley dalabka shareecada Ilaahay. Tan kale xitaa markii xabashida lala dagaallamayey codad hoose ayaa jirey oo oraahdan ku yoomayey.

    Mise tolow annagaamba waxba la socone waa lagaarey hadafkii oo shareecadaa u sarraysa arlada. Aaway sabarkii iyo adkaysigii diintu inagu boorisay. Sunnaha Rasuulkeenna tolow xaggee bay kaga beegan tahay oraahdani. Saxaabadu sow kuwii dhibka lagu hayey uga dacwooday oo ugu jawaabay maahayn Waxaad tihiin qolo degdegeysa, oo aynu wada ognahay qisadii uu ugu beer qaboojiyey iyo dadyowgii inaga horreeyey dhibkii ay kasoo mareen rumaynta Allaah.

    Goormaase suanaka kowniga marka loo eego ay ummad halku dhegyadan cuskatay guul iyo gobannimo ku naallootay. 
     

    Dowlad ku sheegtii C/hi  Yuususf, iyo 275kii xubnaha baarlamaanka xabashidu Baydhabo ku haysatay murtadiin iyo gaalay ahaayeen!! Hadda tiro kale ayaa ku biirtay, automatically mu’miniin bay noqdeen, Shariif waa amiiral mu’miniin. Hal xiraalahaas ciddii furaysaa la rabaa, wax dad waal-waalan ay kuhaasaawaan xitaa ma ahan, iska daa in culimo ku fatwootee. Sheekha Ummadda Sh. Shariif C.nuur Allaha dhowree, fawadiisuna xujo ayey ku tahay wiilkan iyo qolyaha suuqaynta u samaynaya. Walad Cabdalla (iyo UNta oo ka dambaysa waa muhandaska iyo ingineerka dhabta ah ee maadayskan shariif uu matalayo soo dhisaya) ayaa shareeco Soomaaliya ka hirgalinaya ka shaqaynaya waa sheeko xariir aan dhallanka lagu sabaalin. 
     

    Waxaan ku celinayaa paragraph aan qoraal hore ku sheegay oo orornaya C/hi habeenkii la yiri madaweyne ayaad tahay, habeen labaadkii isaga oo aan ra’iisul wazaare magacaabin waxaa uu taagnaa Addis oo “IGAD ayaa xilligaas shir uga socday”  mashaaikhdii gaalaysay nidaamkiisa iyo isagabana taasi calaamad muujinaysa gaalo la jirkiisa ayey daliil uga noqotay. Laakiin mushkiladu waxay ka timid markii  isla tabtii uu “ka da’da yar Sh. Shariif, madaxweynaha Soomaaliya habeen ka dib markii xilkaas loo magacaabay uu Addis oo shir kasocdo isa sii taagay. laakiin isaga waxay tiisu daliil u noqotay iimaankiisa iyo xikmaddiisa, waxaana uu ku mutaystay darajada Amiiul mu’miniin. Bal caynkaasna annagaa aranaye carahe yaa sheega. 
     

    Gabogabadii. 
     

    • Ummaddu gaar ahaan wadaadadu inta ay caadifadda iyo nin jeclaysiga ka haraan, dhabta iyo waxa jira ha u soo dageen.
    • Dariiqu waa dheeryahaye yaan sidii dhallaan dhaqso la daalin. ninkii daalaana yaanu si guud u hadline anaa daaley ha yiraahdo, dadkana yaanu fitnayn ilaahayna haka xishoodo.
    • Dagaalkii fari kama qodna, Bulshaduna kalsooni ayey ku qabtaa Mujaahidiinta‘e yaan loo baas iyo bahalo galinin.
    • Ninkii yiraahda cid baan dhex-dhexaadinayaana yaan isaga iyo qoladuu dhexdhexaadinayey la dhex-dhexaadin.
    • Xal aan jirinna yaan ummadda lagu qancin iyo walad Cabdalla shareeco usoo wado.
 

Allahuma sallim, sallim 
 

C/kariim X. Salaad.

abduulkaariim67@gmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa lehqoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS