SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dowlada Jabuuti Maxay Haadaanta Uga Tuurtaa Soomaaliya Mar Walba?

Asalaamu Caleekum

Bacda salaan

Walaalayaal waxaan rabaa hadii alle ii kaso inaan ummada Soomaaliyeed wax yar xasuusiyo taas oo ah su'aashayda kor ku xusan .

sida aan la wada socono xorayntii dalka Jabuuti sanadkii 70kii(todobaanaadkii) waxaa qayb libaax ah ka qaatay dowladii Soomaaliya oo markaa jirtay maanta waxaan aragnaa inay noogu abaal guday dhibaatooyin iyo qasaaro aan mar walba lakala saarin oo ah dhibaato ceel ka tuurta Soomaaliya ayadoo mar walba aysan garan qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

waxaa ah su'aal mudan muwaadin kasta oo Soomaaliyeed inuu is waydiiyo dowlada jabuuti maxaan u dhinay.

marka aan ka hadlaya arimahaan yaan loo qaadan inaan ka hadlayo shacabka walaalaheen ah ee reer jabuuti ee waxaan ka hadlayaa dowladii hore ee jabuuti iyo mida maanta jirta.

1-waxaan la soconaa in wadankeenii dagaal sokeeya ka dhacay 1991tii markaa oo ah bilowgii qabyaalada iyo dhibaatada ayaa allaha u naxariistee madaxwaynihii waqtigaa jabuuti Xasan Guuleed Abtidoon waxa uu sameeyay shir ku qabtay wadankiisa asagoo koox ka mid ah kooxihii markaa ku bilowday dagaalka wadanka ah u qabtay shir.

a-kooxdaa oo ahayd tii cali mahdi hogaaminayay uuna u doortay Madaxweyne Soomaaliya.

markaa waxay tahay su'aasha ah in la is waydiiyo maxuu xaqiray xasan guuleed jawaabtu waxay tahay waxa uu xaqiray laba ilaa sedex waxyaabood oo markaa jiray oo muhiim ah.

1-waxaa jira awood ciidan oon la qarin karin oo uu hogaaminayay Allaha u Naxariistee Janaral Caydiid oo koonfurta awood buuxda ku lahaa kaas oo uu xasan guuleed ka soo qaaday wax aan waxba ka jirin.

2-waxa kale oo uu qariyayay oo uu yiri lagumaba soo dari karo wadahadalka Qabiilkii uu ka dhashay Alaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre kaas ooba ahaa kii asaga Xoreeyayay wadankiisa una dhiibay xukunka.

3-Dad lagu yiri waxaad tihiin beelaha aan hubaysnayn ayaa ayagana shirka loo diiday sida Allaha U naxariistee Dr. Raajis oo asagoo jabuuti jooga matalayayna beelaha banaadiriga ah.

markii dowladii jabuuti oo markaa jirtay ay xaqirtay labadaa awoodood waxay kaliftay in magaalada muqdisho ay ka dhacdo waxii la arkay oo maanta halkaa na soo gaarsiiyay.

Taa kadib waxaa madaxweyne noqday Ismaaciil Cumar Geelle ayadoo Dowlad Goboleedka Somaliland madaxweynaheedii Alaha u Naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal uu qorsheenayo inuu walaalihiis koonfureed u qabto shirwayne la mid ah kay ayaga ku heshiiyeen ayaa Ismaaciil afduubay oo UN uga dhawaaqay in Soomaaliya uu shir u qabanayo taas oo aan saan aaminsanahay uu kala lahaa dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

maxaa ka soo baxay marka shirkaa uu qabtay Madaxweyne Ismaaciil.

1-waxaa ka soo baxay cilada ugu xumayd oo abid Soomaali soo marin taas oo ah mida aanan waligeen ka faa'iidi doonin oo dhaxalkana noo ah waa 4.5

maxaa lagu xaqiray marka waxaa uu asana sidii adeerkiis xaqiray waqtigaa awoodii nimankii hubka haystay waqtigaa oo loo yaqaanay Warlord oo ay ka mid ahaayeen sida Cabdulaahi yuusuf,muuse suudi,Qanyare, Caato iyo rag badan oo noocaas ah.

marka taasna waxaan ka dhaxalnay dhibaatadii dhacday intii ka danbaysay dowladii Cabdi qaasim oo samaysay SRRC kadib Embaghati ilaa wadanka lagu qabsado.

hadaba hada maxay sameeyeen tani Soomaaliyeey qaylo dheer ayaan waxaan ku leeyahay waatii sedexaad.

maxaa laga faa'iiday tana sidii tii carta looga faa'iiday in tiro isla'eg in laisugu daro taa oo 275+275=550 taas oo keeni doonta koox walba oo lala heshiisiiyo in tiro is la'eg laga dhigo.

maxaa lagu xaqiray waxaa la xaqiray Mujaahadiintii Soomaaliyeed oo naftooda iyo maalkooda u huray dalka iyo diinta intaba.

waxaa la xaqiray oo laga tagay rag ay ugu waawayn yihiin oo mudnaana ku leh bulshada dhexdeeda sida Shiiq Muqtaar Roobow iyo Shiiq Xasan daahir.

tana Allaa Og oo qayb magaranayo balse saansaantu waxay leedahay jabuuti waxay noo wadaa 6 sano oo danbe oo dib u dhac ah marka ummada Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa inay iska ilowda iskana ilaaliso Shirqoolada Jabuuti.

Wabilaahi towfiiq

Maxamed Xaashi

hashi66@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS