Dood Wadaag:
Suufi iyo Salafi
W/Q: Liibaan
Cumar, February 17, 2009
Suufi:
Asalaamu Caleeykum, Sheekh Abu-Suleeymaan.
Salafi:
Wacaleeykumu Salaam Waraxamatulaahi Wabarakaatuhu.
Suufi:
Haye, xaal waa side? Soddomeeyo sanno oo feker mayal adeyg iyo
seef-la-boodnimo ah, maxeey natiijadiinii ku danbeeysay, yaa Abu-Suleymaan?
Salafi:
Bismillaah, Al-xamdulilaahi Wakafaa! Ma fahmi karo waxaa aad ka
warameeyso. Haddii aadan is indho tireeynin waad ogtahay waxqabadki
tayaarka Salafiga ah uu ka geeystay horumarinta, iyo kobcinta fahamka
Islaamka iyo weliba fidinta Dacwada. Falilaahi Al-Xamdu aqal majiro ilaa
waxaa ka shidan nuurka Islaamka. Goor wanaagsan ayeey aheeyd markii ay
culimo muwaxidiin ah, oo mukhlisiin ah ummadda ka qabteen qolooyinkiinii
shirkiga iyo khuraafaadka ku adeeganayay. Kuwii masaajiddada ka fogaaday
ee mawlacyada ka hirraagay, waad arkeeysaa qaatimadoodii.
Suufi:
Duulaankii ay Salafiyada soo qaadday muddo hadda 30 sanno laga joogo
natiijadiisii maanta cidna kama qarsoona. Wahaabiyadu waxaa ay u timid
Shacab Soomaaliyeed oo Muslim ah oo is ogol, oo garanaya taariikhda ay
leeyihiin iyo kifaaxii aay u soo galeen jiritaankooda, markaa bey mar
uun ku soo habsatay. Maal gelin aanan xisaabsaneeyn oo ka soo afuufmeysa
hey’adihii u xilsaarnaa dhoofinta Salafiyada (Wahaabiyada) ayaa lagu
burburiyay qaabdhismeedkii bulsho ee ummadan. Ummadan Soomaaliyeed waxaa
ay laheeyd nidaam baahsan oo culuumta diinta lagu barto, xalaqaad cilmi
oo heerkasta leh, laguna daraaseeyo fanni kasta oo diinta ah ayaa ka
baxayay masaajidada dalka oo idil. Mujtamacu waxaa uu lahaa xiriiro
bulsho oo isku tiirsan iyaguna ay kuwada xiriiraan. Waxaa jiray dulqaad
iyo tasaamux dhanka aragtiyada kala duwan ee nolosha ah. Hal marbaa
Wahaabiyadiinii oo aan dhego laga qabta laheeyn oo ku hubeeysan
Fatxul-Majiid iyo Usuulu-Thalaatha ay ka dagaal galeen aag kasta oo
bulshadu leedahay. Nidaamkii soo jireenka ahaa ee xifdiga qur’aanka waa
la baabi’iyay. Barashadii fiqhiga iyo axkaamta, culuumtii qawaacidda
carabiga, adabkii iyo suugaanta waxaasoo idil waxaa baabi’iyay wiilal
yaryar oo tafaha soo xeytay oo ummaddii oo idil qaanado u sameeystay:
Waa Maaddi, Waa Mushrik, Waa Cilmaani, Waa Khuraafi, Waa Mutasaahil, Waa
Mubtadic, Waa Caariyah, Waa Faasiq iwm. Waxaa intaa ka sii daran
magaranayaan micnaha erayadan ay ku hadaaqayaan.
Salafi:
Wax kastood tiraahdo, Waxaa Illaaheey mahaddii ah in maanta xaqqii la
bayaaniyay. Oo aanan la ogolaanin in qof danbe lagu siro hawlo baadhil
ah: siyaarooyin shirkiga lagu faafiyo, Mawliid, Kur, Abaay-abaay,
Bil-Labo, Xus iyo Waliimo, Masaafo, Dikri iyo Xadro, Maanyo Gal,
Shaafiin, Kitaab-Gaablow, Taqliin, Fiddow iyo khuraafaad kale oo aad
ummaddan ku lugooyseenba. Qolooyinkiinii dariiqada Sufuuyida waad
ogtihiin sidaad mujtamacan ula harteen oo aad u habsaamiseen. Waxaad
aqbasheed Faslu-Diin-Cani-Dawlah, oo hogaankii ummadda waxaad uga raali
noqoteen calmaaniyiin gaalo raac ah. Waxaad noqoteen aalad lagu
xalaaleysto xukunkii mujrimka ahaa oo aan dankale laga laheeyn. Idinkana
hawshiinii waxaa ay noqotay in haweenkii iyo odayaashii aad kun balaayo
iyo masiibo u sheegtaan oo xoolihii ka gurataan. Al-Xamdulilaah dadaal
iyo juhdi dacwo oo lagu dhisayo caqiidada, laguna abuurayo ummad
muwaxidiin ah ka dib, maanta khuraafaadkiinii ma shaqeeynayo, Maashaa
Allaah.
Suufi:
Aryaa tanoo kale arkay?! Waxaa la yaab leh inaadan
garaneeynin taariikhda aad leedihiin iyo waxa aad fasheen. Waad ogtahay
xilligaad soo if baxdeen in idinkoo budhadh la haliilaya aad masaajiddo
badan dhiig ku daadiseen; Rixle, Saalimoow iyo Kurbin badanna kadabkoodu
galay. Kitaabo badan oo ay ka mid yihiin Safiinatul-salaat, Qaasimi,
Minhaaj ayaa meelkastaa lagu kitfay; tusbax isaga warkiisa dhaaf.
Fiqhigii Shaaficaga ayaa lala dagaalay oo booskiisii Fiqhigii Xanbaliga
la keenay ileeyn lacag waalan ayaa shaqeeyneyso eh. Taariikhdii ummaddan
Soomaaliyeed ayaa la duugay, oo leyska indho tiray noloshan casriga ah
ee dunidan iyo taxadiyaadka ka jiray mandhiqada iyo guud ahaan nidaamka
caalamiga ah. Waxyaabo yaryar ayaa diintii lagu soo koobay. Jaamacadihii
Muqdisho ayaa mar uun lagu dhex arkay iyadii oo fasaladii dhalinyaradii
salafiyadu aay ku dhex cadayanayaan oo ay leeyihiin waa ixyaa’ul Sunnah,
waxaan nooleeyneynaa sunnada Rasuulka (SCW). Mashaqaa dhacday, foolxumo,
xadgudub iyo wajigabax faro badan ayaad laheeydeen Li’ajli Laahi baan u
sameeyneynaa. Muxaadaraad xambaarsan dhambaalo iyo farriimo mas’uuliyad
darro ayaa meelkastaa ka bilaabatay. Fahamkan Salafiga ahi waxaa uu
qafilay oo uu awday garashadii iyo halabuurkii dhalinyaradii
Soomaaliyeed. Waxaa lala diriray fankii iyo suugaantii oo idil, iyo
weliba culuumtii bulshada iyo bani’aadamka. Cilmul-Kalaam iyo Falsafad
waxaa lala meel dhigay diin ka bax. Waxaa la fogeeyay culimadii
waaweyneeyd ee maqaamka ku laheeyd taariikhda Islaamka sida Ibnu-Rushdi,
Abii Xaamid Al-Ghazaali, Inbu Carabi, Abu Xasan Al-Ashcari, Abii Xaniifa
iyo qaar badan oo aanan halkaan lagu soo koobi karin. Waxaad abuurteen
aduunyo uu qofku Muslimka ahi ay had iyo goor tiiraanyo, murug iyo hoog
u taal, ka dib markaad la dirirteen waxkasta oo uu mujtamacan ku
cabirayay farxadooda, iyo maalmahooda maamuuska leh. Siyaarooyinka iyo
billabada aad ka warantay waxaa ay ku fadhiyeen ahmiyad weyn oo bulsho.
Waa xiriir dhaqan bulsho oo isku hayay unugyada hoose shacabka. Waa isku
immad iyo mawsim bulshooyin rayad oo ay ku kala qaataan macluumaad iyo
warbixino muhiim ah. Waxaa ay ahaayeen naadiyo bulsho oo leysaga warqabo
oo ay ummaddu sameysatay. Wixii ka qaldan waxaa loo toosin karey si
qunyar socodnimo iyo xikmad leh. Idinka iyo xikmadna kala fog. Waxaad la
dirirteen darisnimo wanaagii bulshada idinkoo abuuray sumaddo iyo
magacyo dadka kala qoqobaya.
Salafi:
Bal u kaadi, Hadda yaad u calaalacaleeysaa? Samankaa fitnadu iyo jahliga
jiray waa laga soo gudbay. Ma shirkiyaadkii iyo bidcadii baad u
baroordiiqeeysaa, oo aad u hiloowday? Walaal eeg maanta dumarku 100% waa
muxajabaad, Maashaa Allaah! Taasi waxaa ay ku timid ikhlaas iyo camal
jabaar ah oo la sameeyay. Eeg maanta magacyada islaamiga ah ee lala
baxayo: Xamza, Usama, Bilaal, Muscab, Sumaya, Rayaan, Salma; Waa hore
ayaa u danbeeysay magacyadii jaahiliga ah: Colaad, Barqad, Warfaa,
Suuban, Sagal, Idil, iwm. Illaah baa hanuunka bixiya laakiin dadkan waa
lagu dadaalay. Heeso iyo Muusigii fuxshiga ahaa waxaan ugu badalnay
Anaashiid Islaami ah oo Carabi ah. Eeg masaajidada maanta waxaa buux
dhaafiyay dhalinyaro ay ka muuqato sunnada, eeg heybadda ka muuqato,
sida ay garka u deysteen, oo khamiisyada iyo cimaadaha, iyo rumayada u
sitaan. Waxaa ay ku sharfan yihiin libaaska mu’minka. Waagii hore haddii
aad wareeysato dhalinyarada waxbarashada dooneysa waxaa ay oran jireen
waxaan baraneeynaa Qaanuunka, Cilmiga Dhaqaalaha, Cilmiga Siyaasadda,
Cilmiga Bulshada, Cilmi Nafsiga kuwaa oo dhamaantood salka ku haya aqoon
kufri iyo ilxaad. Maanta wiilka Muslimka ahi waxaa uu jecel yahay inuu
barto Cilmul-Alxadiith, Culuumul-Qur’aan, Ashariicah, Al-Qiraa’aat iyo
mararka qaar dhaqtarnimo.
Suufi:
Saaxiib waxaan kuugu
bishaareynayaa ineey timid ayaantii la fahmay ujeedooyinkiinii guracnaa.
30 sanno oo aad faafineeyseen mashruucinii oo aad idinka uun isku
tilmaanteen inaad tihiin ‘Alfirqatu Naajiyah’ (Kooxdii keligeed cadaabka
Alle ka badbaadeysay), shacabku waa uu fahmay waxaad dhaxalsiiseen.
Isbaaradii ugu horeeysay waxaad u dhigateen caqliga iyo fekerka qofka
Soomaaliyeed. Fatwooyin jar iskatuurnimo ah waxaa ay ina geyeeysiisay
meesha aan maanta taagan nahay. ‘Illaah dartii baan kuu dilayaa’ ayaa
waxaa la soo taagan nimankii madarsadii Salafiyada kasoo Aflaxay.
Hawgaladii ka soo bilaabmay minbar la xoogo iyo siyaaro la banado,
maanta waxaa ay mareeysaa heerkaa aad arkeeyso, oo dal dhan uu idiin
afduuban yahay. Luuqado cusub oo aanan horey loogu aqoon dhaqanka
siyaasada ayaad soo kordhiseen ‘Xukuumadda Murtadka ah, Ashahaado La
dirirka’. Qofkii sida aydaan wax u arag yiraahda waa ‘murtad’ dhiigiisa
in la qubo banaan yahay. Raxmadii, Naxariistii, Dulqaadkii iyo
Cadaaladdii Islaamka waxaa lagu badalay isqarxin, ismaadaamin, gawrac,
baqdin, argagax iyo cabsi abuur oo intuba lagu sifeeynayo halyeeynimo
iyo jihaad barakeeysan. Barakicintii masaajidada aad ka soo bilaawdeen
hadda idinkoo hubeeysan ayaad ummaddii oo idil barakicineeysaan. Waxaa
la yaab leh dhoohanaanta iyo maangaabnimada idiinka muuqato. Ummadbaad
leedihiin Ilaah dartii baan idiin barakicineeynaa, niman shishiiyana
waan ka amar qaadanaa. ‘Abuu Yaxya Al-liibi ayaa inoo amiir ah’. Koleey
aniga dhaqaaqa Salafiga ah qeybihiisa oo idil waa isku keey mid. Waa
fahamkaa khalafsan ee xaraf-ku-dhagga ah, oo gacanka hadalka iyo
badawnimadda boorinaya. Muwaadhinka Soomaaliyeed mugdiga aad u waddaan
waa uu fahamsan yahay maanta. Waana taa maanta meel walbaa dhawaaqa
caqliga iyo garashada wata ka yeerayo. Sheekadiinii waa soo xirantay.
Ama gafuurka soo duubta ama calal madaaw walfiya, meel aad ku dhuuman
kartaan malahan. Waxaad tihiin xoogagga mugdiga iyo takhalufka.
Jiritaankiina fekredeed waxaa uu la siibmayaa kiina caskariga ah ee
hadda laga guuleystay. Qunyar socodnimo, isudulqaadasho, iyo caqliga oo
la adeegsado ayaa astaan u ah waagan cusub ee lagalay.
Salafi:
Ma jihaadkii baad ku
jeesjeeseysaa, cajiib? Cid xaqa Alle is hortaagi kartaahi ma jirto.
Cududda mujaahidiinta ayaa lagu suulin munkar kastaa oo jira. Goor dhow
waxaa Alle mahaddii ah inaadan helin qabri aad barakeeysataan, oo waataa
ay mujaahidiintu faagayaan. Dawladda aan u baahanahay waa mid dariiq
rabaani ku socon doonto o shareecada ku taagan. Iska ilow Qaramada
Midoobay, Midawga Africa, Jaamacadda Carabta, IGAD, Beesha Caalamka,
Bangiga Adduunka, IMF iwm, dhamaan kuwani waa hay’ado u adeega kufriga
iyo gumeeystaha Reer Galbeedka. Guushu waxaa ay ku jirtaa la dagaalanka
dhaaquudka. Allahu Akbar! Allahu Akbar! Allahu Akbar!
Suufi:
Inshaa’a Allaah Maalamaha soo socda ha u deymo la’aan. Bal eeg meesha uu
aayahiina ku danbeeyo. Lacagihii Sucuudiga uu idiinku anqarinayay ma
jiraan maanta. Shacabkii aad wareeriseena waa uu fahmay ujeedada ka
danbeeysa inaad ugu danbeeyntii gafuurka u soo duubataan. Inaad dib-isu-eegtaan
oo aad ka noqotaan falalkiina guracan, toobadna la timaadaan waa ay
idiin furan tahay. Haddii aad il-adeyg iyo is-maqiiq ku sii socataana,
hadda maalmihiinu waa tirsan yihiin. Allaha u gargaaro ummadeena
dhibaateysan oo haka qabto kuwa lugooyada ula heelan.. Aamiin dheh!
Qore:
Liibaan Cumar
liibaan65@googlemail.com