Madaxweyne Sheikh Shariif jidkee raaci doonaa ma kan Karazai mise kii
Mahathir Mohamed?Waxaa
Qoray Xuseen Cabdi Ciise
Minneapolis, Minnesota.
hussein_abdi@hotmail.com
Bismillaahi Rraxmaani Rraxiim.
Ilaahay baa mahad dhammaanteed iska leh, Nabadgelyo iyo Naxariisna
Rasuulkiisa Muxammed ahaa korkiisa ha ahaato.
Ugu horreyn qoraalkan waxaan u qaybinayaa saddex qaybood oo koo kooban
oo kala ah madaxweyne Sheekh Shariif waa ayo? Karazai sidoo kale waa
kuma iyo madaxweyne Sh. Shariif labo nin kee buu raaci Mahathir Mohamed
iyo Karazaiga afganistaan? Madaxweyne Sheekh Shariif Sh. Axmed waa nin
dhallinyaro ah oo aqoonyahanna ah isla markaana wax ku bartay Somalia,
Sudan iyo Libya. Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed oo ah nin cilmi Diini
ah iyo mid maaddi ahba leh oo uu wadanka gudihiisa iyo dibaddiisaba
kusoo qaatay, Madaxweyne Sh. Shariif wuxuu saaxada Soomaaliya ka soo
muuqday markii ay maxkamaduhu la dagaalamayeen qabqablayaashii dagaalka
sanadkii 2006dii.
Madaxweyne Sh. Shariif markaas wuxuu ahaa Gudoomiyaha maxkamadda SiiSii
taas oo ahayd meelihii ay dagaalada ugu daran ay foodda isku saareen
qabqablayaashii dagaalka kuwaas oo ay soo kiraysteen calooshood u
shaqaystayaal ajnabi ah loona adeegsanayey burburinta dalka iyo
baabi’inta shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Sh. Shariif isla sanadkii
2006kii waxaa loo magacaabay Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee Maxkamadaha
Islaamka, Sh. Shariif wuxuu galay wadanka Kenya kadib markii ay
maxkamaduhu ka baxeen magaalada Kismaayo halkaas ay qaarkood galeen
hawdka kaymaha Kismaayo iyo agagaarkeeda kadib markay maxkamaduhu ay
badaleen habkii dagaalka ayna iclaamiyeen inay magaalooyin badan uga
baxeen xeelad dagaal. Sh. Shariif iyo rag la socday waxay galeen wadanka
Kenya, halkaas oo la dajiyey hotel iyadoo qolyihii kale maxkamadaha la
duqaynayey arintaan oo dad badani is weydiiyaan maxay sababtu tahay lagu
kala jeclaystay? Sh. Shariif Sh. Axmed kadib wuxuu u gudbay wadanka
yemen halkaas oo uu uga sii gudbay wadanka Eriteria.
Bishii September 2007 wuxuu gudoomiyaha fulinta ka noqday Ururkii
halkaas lagu dhisay oo la oran jiay Ururka Dib u Xoreynta Soomaaliya.
Ururkaasi waxa uu ka koobnaa afar qaybood oo Soomaaliyeed kuwaas oo kala
ahaa Maxkamadihii Islaamka, Baarlamaanka Xorta ah, Ururada Bulshada
rayidka ah iyo Qurbajooga Soomaaliyeed. Madaxweyne Sh. Shariif waxaa
dhowr jeer ku booqday fadhigiisa ahaa magaalada Asmara Ergooyin badan oo
ka kala socday Qaramada Midoobay iyo dawladaha caalamka, ugu
dambayntiina wuxuu goostay inuu wada hadal la furo Dawladii Emgati lagu
soo dhisay oo markii hore ay sharuuda kaga dhigi jireen bixitaanka
ciidamada Itoobiya, arrintaasina waxay labo u kala jabisay Isbahaysigii
dib u Xoreynta Soomaaliya oo ay markaas qaar ka mid ahi ay ku hareen
wadankii lagu aas aasay ee Eriteria.
Madaxweyne Sh. Shariif wuxuu heshiis la galay dawladda ku meelgaarka,
heshiiskaas oo ay ka soo baxday in muddo 120 beri ah ama afar bilood ay
uga baxaan ciidamada Itoobiya wadanka Soomaaliya laakiin ay dhammaatay
120ka cisho ayadoo weli ay ciidamadii Itoobiya Soomaaliya ku jiraan.
Kadib shirar badan iyo fadhiyo waxaa ka soo baxay inay ku heshiiyeen
Ururka dib u xoreynta Soomaaliyeed garabka Jabuuti iyo dawladda ku
meelgaarka kaasoo dhigayey in baarlamaanka la ballaariyo oo la laban
laabo ayadoo ay ururka dib u xoreyntuna ay ku qaybsanayaan xubnohooda
sidii tii ku meelgaarka ee 4.5 taas oo ay ka soo hor jeedeen markii hore
laakiin markii dambe la ogolaysiiyey. heshiiskaasi wuxuu ka caraysiisay
madaxweynihii ku meelgaarka C/laahi Yuusuf isagoo ku tilmaamay arrintaas
mid ay beel kali ah ku heshiisay ayadoo ay arrintaas la qabeen maamulkii
Puntland markaa ka jiray ee Cadde Muuse. C/laahi Yuusuf wuxuu ka qaaday
xilkii ra’iisal wasaarenimo Nuur Cadde wuxuuna ku badalay Gacma dheere
oo ahaa wasiirka Arrimaha gudaha markii ay Amxaaradu ay soo gashay
Soomaaliya.
Cabdullaahi Yuusuf wuxuu is casilay dhammaadkii Dec. 29, 2009 waxaana
halkaas ku dhammaaday mawjad is qab qabsi iyo iska hor imaad saxaafadda
la isu marinayey, waxayna madaxweynenimo ku meelgaar ah u soo wareegtay
si otomaatic ah Gudoomiyaha Baarlamaanka isaguna wuxuu cadeeyey inay
doorashadu ku dhacayso waqtigeeda isaga oo magacaabay guddi doorasho.
Waxaa shir loogu yeeray dhammaan xildhibaanada baarlamaanka inay soo
galaan wadanka Jabuuti si loogu dhammaystiro heshiiskii labada qolo u
dhexeeyey ee ahaa in baarlamaanka la ballaariyo, madaweyne loogu doorto
isla markaasna loogu dhiso dawlad midnimo qaran.
Waxaa 30kii bishii Jannaayo ee sanadka 2009ka loo doortay Madaxweyne Sh.
Shariif Sh. Axmed waxaana la tartamay dad badan laakiin waxaa markii ugu
dambaysay isu soo haray Sh. Shariif iyo Maslax Maxamed Siyaad oo ay kala
heleen codod ah 293 cod oo Sh. Shariif ah iyo 128 cod oo Maslax helay.
Arrinta ay dhici karto in Sheekha loo adeegsado sida Karazai oo kale waa
haddii uu kala qaybiyo dadka Soomaaliyeed ama laga hor keeno kooxo ama
qabiilo gooni ah isla markaana uu halkaas ku fashilmo ayadoo la doonaya
inaysan dawladdiisu xoog yeelan oo markasta lagu mashquuliyo dagaallo
iyo muran joogta ah si looga hortago inuu horumar dhaqan dhaqaale ku
talaabsado dalku.
Madaxweyne Sh. Shariif waxaa looga fadhiyaa inuu iska fogeeyo inuu
Karazai kale oo Soomaaliya loo soo maqaar saaray uusan noqon si uu
arrintaas uga dhabeeyana waa inuu ku dhawaaqaa hirgalinta Shareecada
Islaamka taas oo ahayd ujeeddooyinkii loo aas aasay Midowgii Maxkamadaha
Islaamka ee Soomaaliya iyo waxa dadka Soomaaliyeed meelkastaba ay
dalbanayaan isla markaana uu ka feejignaado ama digtoonaado
mu’aamuraadka cadowga isagoo kula dhaqmaya caqlaaniyad, deganaan iyo
xikmad.
Karazai waa madaxweynaha wadanka Afgaanistaan ee Bush u magacaabay
markii uu ka taqalusay xukukii Daliban ee islaamiga ahaa ka dib markii
uu ugu marmarsooday inay taageereen dadkii ka dambeeyey qaraxyadii
maraykanka ka dhacay ee 2001dii. Maraykanku wuxuu u magacaabay wadanka
Ciraaq sidoo kale Karazayo badan oo uu ugu horreeyey Ayaad Callaawi oo
ahaa Nin Kiristaan ahaa isla markaana ahaa Xubin ka mid ah sirdoonka
Maraykanaka, waxaana ugu dambeeyey Kan hadda haya ee Nuuri Al-Maaliki ee
shiicada xag jirka ah, waana ninkii ku udxiyeystay (Alla baryey)
madaxweynihii waddankii Ciraaq la oran jiray laakiin hadda ah
Mustacmarad Maraykan ee Saddaam Hussein maalintii Ciidul-Adxaada.
Karazai waxaa tusaale loogu soo qaataa madaxweyne ama hogaamiye kasta oo
aan xukunka dalkiisa iyo dadkiisa u madax banaanayn ee uga dambeeya dad
kale, isla markaana aan ka hadli Karin waxa dhib ah ee lagu sameynayo
dadkiisa oo waanu aragnay maalin kasta waxaa la laayaa boqolaal aan
dagaal ku jirin oo dad shacab ah ayaa diyaarado lagu laayaa oo ama aroos
qabay ama isu imaatin kale lahaa. Karazai wuxuu ahaan jiray professor
wax dhigi jiray jaamacadaha maraykanka waxaana halkaas loogu magacaabay
ogaan la ogaa colaadda uu hayey dadka diinta haysta iyo taageeradii uu
ka haystay qolyihii waqooyiga afgaanistaan ee daalibaan ka soo horjeeday.
Mahathir Mohamed wuxuu ahaa ra’iisal wasaarihii wadanka Malaysia intii u
dhaxaysay sanadihii 1981dii ilaa 2003dii. Mahathir Mohamed wuxuu ahaa
dhaqtar siyaasi ah oo iskuulada, kuleejooyinka iyo Jaamacadaha wadanka
wax ku bartay, kadibna ka qayb qaatay xagga siyaasadda oo ka mid noqday
xubnaha matala gobolada iyo wasiirnimo. Mahathir Mohamed wuxuu dhashay
sanadkii 1925tii. Mahathir wuxuu ra’iisal wasaare ka noqday wadanka
Malaysia sanadkii 1981dii asaga oo wadanka Malaysiya gaarsiiyey horumar
dhan walba ah, ha ahaato xagga dhaqaalaha, tacliinta, caafimaadka iyo
wax soo saarka. Mahathir isagoo isticmaalaya xikmad, caqli iyo aqoon
ayuu wuxuu awooday inuu wadankiisa ka hormariyo wadamo badan oo reer
yurub ah xag walba iyo waliba asagoo mideeyey dad kala diin iyo
jinsiyadba kala duwan kuwaas oo sadexda jinsiyadood ee uu ka kooban
yahay wadanka Malaysia oo kala ah Malay, Indian iyo Chinese.
Mahathir wuxuu kor u qaaday aqoonta dadka reer Malaysia oo sifir ahaa
ama aad ay u hoosaysay ayuu wuxuu awooday inuu ka ciribtiro wadanka
umminimada ama wax akhris iyo qoris la’aanta dadka reer Malaysia isla
markaana wuxuu dhisay iskuullo, kulleejooyin iyo jaamacado asagoo waliba
ardada ka qalin jabisay waxbarashada gudaha u diri jiray waxbarasho
dibadda siiba wadamada horumaray ee ay ka mid yihiin Australia, Ameerika
iyo Ingiriiska. Mahathir wuxuu kor u qaaday barashada teknolojiyada
casriga ah iyo jaamacadaha lagu barto iyadoo maanta ay Malaysia kula
tartamayso Jabaan sayladaha adduunka xagga computerada, gawaarida iyo
tareenada iyo qalabka kale ee elektaroonicada ah. Mahathir wuxuu wax ka
qabtay xagga caafimaadka dadkiisa siiba asagoo ciribtiray cudurada faafa,
dhimashada caruurta iyo haweenka.
Mahathir, wuxuu kor u qaaday dhaqaalaha wadankiisa isagoo sameeyey
shirkado farabadan iyo suuqa xorta ah isla markaana u furay wadankiisa
maalgashiga wadamada dibadda oo iyaguna shaqaale jaban raadinayey
isaguna wadankiisa dadkiisu ay ka shaqaysan jireen si waafaqsan
qaanuunka wadanka.
Gunaanadkii waxaan leeyahay Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmad waxaad kala
doorataa inaad raacdid dariiqa Karazaiyada ama dariiqadii Mahathir
Mohamed oo ahaa aabihii Malaysiyada cusub kaas oo gaarsiiyey wadankiisa
horumar dhan kasta ah iyo waliba asaga mideeyey wadanka jinsiyadihiisa
kala duwan.
Waxaa Qoray
Xuseen Cabdi Ciise
hussein_abdi@hotmail.com