SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa sugaya Hogaanka cusub ee dawlada? 
 

Waxaa Soomaaliya u curatey daruur iyo maalmo cusub oo u baahan deganaan iyo aragti dheer in lagu maareeyo. Waayo, dalka Soomaaliya waxaa hogaankiisa qabtey rag laga dheehan karo inay ka fayow yihiin cudurka Qabyaalada ee dalka heerka uu joogo gaarsiiyey. Da’da u dhexeeya 30-50 Sanno waxa la dhihi karaa waa ka badbaadayaan dawrka ay ku yeelan karaan go’aankooda odayaasha aan doonay in ay badbaado cid aan reerkooda aheyn. Waxa aanan shaki ku jirin inay dhalinyarada ku jiraan kuwa uu cudurka saameyn weyn ku lee yahey oo siyaabo kale duwan uu u saameeyey dagaaladaii iyo is xarig jiidadkii 20 Sanno ee dalka dagaalka sokeeye ku jiray. 
 

Waxaa dadka iyo dalkaba ka dhawrayaa rajo aad u badan laba halyeey ee hadda la suray baalkii madaxtinimo ee Soomaaliya inay ka saaraan dhibka iyo hammi jabka ka muuqdo dadka iyo dalka. Waxaa laga doonayaa inay noqdaa kuwa u qalma magaca iyo meesha la saarey, oo ay dantooda noqonin jeebkooda iyo qoyskooda.  
 

Waxaa sugaya madexweynaha iyo Wasiirkiisa 1aad hawlo adag oo u baahan in si fara dhuuban loo maareeyo oo ay ka mid yihiin :

  1. Shacab daalan oo dhawraya in mar laga joojiyo xabaddaha ka dul dhacaysa. Loona abuuro nabad iyo illo dhaqaale oo ay nolol maalmeedkooda ka soo saartaan.
  2. Qabiilo is diidan oo mid kastaaba uu doonayo inuu arko qeyb libaax oo laga siiyey qoyska qeybsigga hasha gowracan ee maandeeq oo ay qancintooda adag tahay.
  3. Dhalinyaro hanjabtey oo dooneysa in dib loogu dhiso niyada iyo kalsoonida ay dalkooda ku qabaan, si ay habqanka dibada raadinta iyo hillimada dhibaatada wadooyinkeeda uga nastaan
  4. Aqoonyahano waayey dhabar adag oo ay u irkadaan si ay dadaaladooda cilmiyeysan ugu biiriyaan dhulkooda oo doonaya inay dawr weyn ku yeeshaan dib u dhiska dalkooda iyo dhaqaalihiisa.
  5. Dad nabada ka jecel colaado oo iyagga u arko hadii dabka iyo colaado dhamaadaan inay danahooda weynayaa oo doonaya si xigmadeysan loo soo xero galiyo.
  6. Shisheeye dantooda ka fiirsanay dhacdooyinka dhinacyadooda ka muuqda oo ay ku daaban yihiin cadow diidan in dib loo midooba. Mar kasta waxaa dan u ah kooxdan inaan la helin dad mideysan oo hal hadaf leh, waxayna ku dadaalayaan in helaan diidanne danahooda u fulinaya.

Intaas oo isku dan ah kalana duwan, mid walba dantiisa ayuu ka doonayaa dawlada cusub DFMQ, ayaa la doonayaa in aad mid kasta doonidiisa siisaan adinka oo aan dumineyn dantii guud iyo dawrkii la idiin caleemo saarey oo ahaa in la hello Soomaaliya oo dib ugu soo noqoto maqaamkeedii aduunka ay ku laheyd. 
 

Marka iyagga ka duulaya :

  1. Horrida danta guud iyo horumarinta midda mudan fulinta.
  2. Raali galinta dadku waa hadaf aan la gaari kareyn.
  3. Wixii aan dhammi loo heleyn dhammaan loogama taggo.

Waa inay ku saleeyaa dadaalada lagu magacaabayo xilalka iyo fulinta siyaadahaba seddexdaa aragtiyood. Waayo, dadka iyo dalkaba waxay u xayirnaayeen lixda qodob ee dawlada sugaya mid ahaan ama gabbi ahaan. Hadii la hormeeyo waxyaabaha sugaya dawlada loona kale hormariyo sida ay u mudan yihiin waxaa dhib yaraan in himmilooyin badan la fuliyo oo dadka uu higsanaayey. Marka la fulinayo arin dan guud ah waxaa hubaal ah inay jirayaa dad ay ku tahay markaas dhib, waxaa la rabaa in dawlada ku dadaasho in ay danta guud siiyo ahmiyada. 
 

Waxaa laga doonayaa inuu ahaado hadaf door midka dadka intiisa badan u keenaya kheyr kana dheerow qof iyo qoys jecleysi, waxaa hubaal ah la gaarayo guul dhaxalgal ah oo ay dadka iyo dalkaba u aayaanne.
 
 

Inj. C/casiis Maxamed Mataan

Mataan74@hotmail.com  

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS