SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Siminaar ku saabsan Khatarta Cudurka AIDS-ka oo ay qabatey Hayadda OSPAD

Sawirada Halkan ka daawo

Waxaa maalintii shaley ahayd Xarunta Hayadda OSPAD ee Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey siminaar ku saabsan Cudurka AIDS-ka oo ay si wadajir ah isaga kaashadeen Hayadaha UNICEF ,GLOBAL FUND iyo Hayada OSPAD waxaana ka qaybgaley ama ka qaybqaatey xubno isugu jirey Dhalinyaro, Ardeyda Dusiyada iyo kuwa Jaamacadaha iyo xubno ka socdey dadka Barakacay oo tiradooda gaareyso 100 Xubnood waxaana siminaarkaas markii ugu horeysey Warbxin ka soo jeediyey Madaxa Hayadda OSPAD Cabdi Nuur Cismaan Weheliya oo sheegay in siminaarkan uu qayb ka ahaa siminaaro ay horey u qabatey Hayada kuwaas oo uu sheegay in lagu bartey waxa keena Cudurka AIDS-ka iyo siyaabaha looga hortago , wuxuu kaloo uu sheegay in cudurka uu ku sii badanayo somaaliya maadaama aysan lahayn Dowlad awood badan oo la socota xuduudaheeda waxa soo galaya iyo waxa ka baxaya taasoo uu sheegay in dalalka deriska la ah somaaliya u fara baas uu ku hayo Cudurka AIDS-ka wuxuu kaloo uu sheegay Mudane Cabdi Nuur in laga gudbay waqtigii la qarsan jire Cudurka islamarkaana wuxuu sheegay shacabka uu ogaadey in cudurkan uu jiro dhibaatana uu ku hayo Bulshada Adduunka , wuxuu kaloo hoosta uu ka xariiqey in Hayada ay qaban doonto siminaaro kale si bulshada looga wacyigeliyo Qatarta Cudurka AIDS-ka

Waxaa siminaarkaas Casharo ka jeedinayey mudadii uu socdey Basro Xuseen Daauud oo iyadu ku dheeraatey halkii u markii hore uu ka yimid Cudurka , sida la isku qaadsiiyo iyo sida looga hortago Cudurka AIDS-ka waxayna sheegtey in cudurkaan uu yahay Cudurada ugu halista badan Dunida ilaa iyo hadda aan loo helin wax Daawo balse waxay sheegtey in uu leeyahay Daawooyin Kaalmaati si qofka u sii noolaado Muddo

Ustaad Basro waxay sheegtey in cudurkaan uu yahay cudur ku soo badanayo Somaaliya taas oo ay sheegtey in ay ugu wacant tahay dadka oo aan fahamsaneyn waxyeelada Cudurka iyo weliba Xuduudaha soomaaliya oo iska furan , waxayna u soo jeedisey ka qaybgalayaasha in ay uga faaiideeyaan casharada ay qaateen kuwa aan fursadda u helin ka qaybgalka siminarka

Macalimad Basro Xuseen waxay kaloo si aad ah ugu dheeraatey Naas Nuujinta oo ay sheegtey in faaiidooyin fara badan ugu jiraan Caruurta isla markaa Naaska Hooyada uu yahay mid Ilaah ku dhameystirey wax kasta oo ay u baahan yihiin Caruurta , waxay kaloo sheegtey in Naasaha caanaha Hooyada ay yihiin kuwo Caruurta ka badbaadiya Cudurada waxayna kula dardaaran ka qaybgalayaasha in ay bulshada ku baraarujiyaan sidii Caruurta loogu dhameystiri lahaa Naas Nuujinta

Siminaarkan waxaa soo xirey Dr Cabdulaahi Xaashi oo ka mid ah Saraakiisha Haydda SCAC ee qaabilsan Cudurka AIDS-ka wuxuuna ugu hareeyntii u mahad celiyey Hayadda OSPAD oo uu sheegay in ay bulshada wax weyn u hayso islamarkaana ay qabatey Siminaar fara badan oo uu sheegay in uu goobjoog u ahaa Qabashadooda , wuxuu u soo jeediyey ka qaybgalayaasha in ay bulshada ku baraarujiyaan sidii ay uga hortagi lahaayeen Cudurka AIDS-ka oo uu sheegay in uu yahay Cudurka Ilaa iyo hadda aan loo helin wax Daawo ah , isagoo sheegay in loo baahan yahay in qaybaha Buslada ay ka qaybqaataan sidii looga hortagi lahaa waxyaabaha keena Cudurkaas oo ay u horeyso Galmada iyo dhiig ku shubida , siminaarkaas intii uu socdey waxaa Gabayo iyo Heeso ka tarjumaya Khatarta Cudurka AIDSKA ka soo jeediyey Abwaan , Fanaan Kharbuush

W/D Amiin Yusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.