SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Farriin ku socota Somaliland, Puntland iyo DFKMG

KU: MAAMULKA SOOMAALILAND.
KU:MAAMULKA PUNTLAND.
KU:DAWLADA KU MEEL GAARKA AH.

Waxaa mahad leh Allaha koonkan maamulkiisu ay gacantiisa ku jirto, waxaa salaamayaa dhammaan soomaalida gaarahaan inta ka damqata cadaalad darada dhexdeena taal taas oo ah mid aan gamcaheena ka samaysanay..
Waxaan qalinka iyo waraaqda isu dulsaaray inaan waxii Alle iga garansiiyo ka qoro dulmiga ay qabaan qaybo bulshadeena ka mid ahi, kuwaas oo haddii aan dulmigooda xal loo helin ay adagtay in la helo mujtamac feyow .
Bini’aadanku waa hal jir haddii xubini bukto jirkoo dhammi waa bukaa.

Gabooyahu waa dad dega degaan kasta oo afsoomaali looga hadlo (shanta soomaaliya),degaan kasta oo ay ku noolyahiin dhibta ay qabaan waa isku mid ama isku si ayaa loola dhaqmaa iskiu si waxaan ugu yeeray muwaadinkii labaad(second citizen)waayo mala laha xaqa uu helo muwaadinka koobaad( first citizen) ee soomaaliya sida Waxbarashada,Shaqada ,Caafimaadka iyo Garsoorka.

Adduunka aan ku noolnahay ayaa waxaa meelo badan ka jirta is xaqiraad ku dhisan waxyaabo lagu kala duwan yahay sida waxyaabo lagu kala duwan yahay sida Diin,Midab,Dhaqan iyo Afkaar Soomaalidu kuma kala duwana waxyaabahaas aan soo xusay waa nooc cusub oo dulmi ah waayo waa soo afjarmi waayey ,sida loo tirtiray dulmigii ka jiray meelo Adduunka ka mid ah si loo abuuro bulsho cadaalad ku dhisan una siman waxyaabaha ka dhexeeya,marka la rabo in bulsho isku mid ah la furfuro waxaa la weyneeyaa waxyaabaha ay isku Khalaafsan yahiin iyadoo la isu tusaayo in loo danaynaayo qolyaha dolman fursadaasi Soomaalida waa ka bannaan tahay haddii aanay si dhakhso ah u soo afjarin dulmiga iyo khiaafaadkooda ,waxaa soomaaliya ka abuurantay dadka laga badan yahay iyadoo aan cidna la tirin ,waxaa abuurmay Soomaali iyo Others . waxaad arkaysaa dadka laga badan yahay oo wadamadooda laga guraayo si loo tuso inay dhibanayaal yihiin waxayna hadda ka suuro gashay ama fekerkaas colaadu ku jirto dad badan oo wadamada galbeedka la geeyay lana tusay inay siman yihiin ayna adag tahay si ay u ilaawaan waxii wadanka ku soo maray ee cadaalad darada ahaa welina haysta kuwo aan awoodin inay baxaan.

Gabooyahu waxba kuma laha maamulada qoraalkaygu ku socdo iyadoo ay ugu xannuun badan tahay dawlada ku meel gaarka ah oo markii adduunku ka diiday shax aan dadku ka wada muuqan bilowday qof buuxa iyo qof barkiis oo ah feker aan cidna u cuntami Karin waayo Alle ma abuurin qof nus ah,sidee cadaaladi ku imanaysaa marka ubadka Gabooyahu bilaa mustaqbal yahay halka xaqii uu dadka ama soomaalida ula sinaa qolo sedbursi ku qaadatay.
Gabooyaha waxaa laga rabaa inay ku baraarugaan una halgamaan sidii ay soomaalida ula mid noqon lahaayeen,una heli lahaayeen wax uu u halgamaayo reer walba oo qabiilka ka mid ak waayo Gabooyahu ma aha hal koox keliya ee waa kooxo isu tegay oo uu mideeyo dulmi iyo takoor indho la’aan ahi..
Gabooyow Soomaalida la mid noqo,ha ka mid noqon,una istaaga xaqiina oo ah xaquuq aad leedahiin kana shaqeeya sidii aad wada jir derbigan u dumin lahaydeen.

Si looga shaqeeyo midnimada Soomaalida loogana Fogaado dulmiga oo alle aanu raali ka ahayn waa in soomaalida qoraalkani ku socdaa waa inay bedalaan waxayaabahii ay qorteen kuwaas oo laga reebay ama aan aanay ku jirin qodob ka haddlaaya cadaalad darada waa in qodobadan oo aasaas ama bilow u ah in la helo mujtamac feyo waa in qodoban qodobadan laguna qoro dastuuurada la qortay.

Waa in dagaan walba ooGabooyahu degan yahay loo qorsheeyo tiro dad ah oo go’an iyadoo lagu sargoynaayo dagaan walba gabooyaha degan iyadoo aan loo baahnay inay tartan galaan waxaana socda deraasado lagu diyaarinaayo sidii qowmiyada gabooye loo tiro koobi lahaa si loo ogaado cida minortyiga dhaba ah.

Waa in ubadka gabooyaha miisaaniyada dakhliga degaanada loogu daro qayb lagu hormarinaayo aqoonta ubadka ama tacliinta si ay taasi mooralkoodka u dhisto.

Waa in la tababro loo furo dad gabooyaha ka mid ah oo la shaqeeya Maxkamadaha,Booliiska .

Waa in fursadaha shaqooyinka muhiimada la siiyo dadka laga tirade badan yahay iyo dumarka oo ah kuwa ugu nugul.


Waa in culimada Diintu arinta dulmiga uga hadalaan una beyaamiyaan sida Alle dulmiga inooga xarimay.


Waxaan fialayaa haddii waxyaabahan waxuu laga hirgeliyo inay tahay cadaalad abuurid bilowgeed taasoo inaga badbaadin karta kala qaybin aan idhaha laga qarsan Karin iyo gamco badan oo ku aadan in la inaga danaysto.waaxaan mahad iyo salaam u soo jeedinayaa Shiikh Mustafe H.Ismail oo arinkan sidii waajibka ahaa uga hadla ololahan ka qayb qaata maal iyo maskax.
Gebagebadii Gabooyoow lax walbi shilalkay is dhigtaa lagu qalaa!!!!!


Wabilaahi Towfiiq



Hussein Dualeh Daahir daahirjama@yahoo.com
St louis Mo united States.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS