SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweyne IsmaaciilCumar Geele oo khudbad Taariikhi ah ujeediyey sida ay udhan yihiin Mas'uuliyiinta Dowlada Soomaaliya iyo shacabkooda

Sawirada Xafladda Halkan ka daawo....

Madaxweynaha Dowlada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka jeediyey Hoteel Kempinski ee Caasimada dalka Jabuuti khudbad taariikhi ah, islamarkaana isugu jirtey Xasuusin in aan loo baahneyn khaladaadkii hore ee mas'uuliyiinta Soomaaliyeed marxaladihii kala duwanaa ee isugu jirey xiligii fowdada iyo markii dowlada KMG la dhisey, waxa looga baahan yahay xiligaan Madaxweyne Sheekh Shariif Sh. Axmed, Ra'iisul Wasaare Md, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke, Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, Shacabka Soomaaliyeed sida ay u dhan yihiin, gaar ahaan Haweenka Soomaaliyeed dhibaatadii dalka Soomaaliyeed iyo dhalin yarada waxa la gudboon meel kasta oo ay joogaan ka jeediyey 17/02/2009-da Habeenimo.

Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey, islamarkaana ay goobjoog ka ahaayeen diblamaasiyiinta dalalka Caalamka ee jooga dalka Jabuuti ayaa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele hadalkiisa waxaa uu ku bilaabey "waxaan halkaan ugu hambalyeynayaa Ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto Madaxweynaha ay halkaan ku doorteen iyo dadaalkii dheeraa ay u galeen dibu-heshiisiinta Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Nuur Cadde ee keeney in la doorto madaxweyne, inkastoo ay jirtey dowlad iyo xukuumadba, laakiin wax baa naga dhinaa, Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa lagu yaqaanaa samin, dal jaceyl, Iimaan,dhowrsoonaan, soo dhaweyn, jecel dadkiisa, anigu hambalyo ayaan leeyahay, shacabka Jabuuti Hambalyo ayey idiin leeyihiin, wadada aad maridoonto ma sahlana, waa inaad ku talo gasho dhibkiisa iyo dhibaatooyinka kaasoo gaara, Ummadaadana kalsoonida siiso, inta saboolka ah ee dhibaateysan aad si gooni ah ugu naxariisatid" ayuu ku yiri khudbadiisa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 16, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS