SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Waa Xaqiiqo jirta Faalladdii Walad Cabdalla ee Saxaafadda

Beryahan waxaa si weyn loo hadal hayey oo la lahaa 'Walad Cabdalla ayaa saxaafaddii Afladaaddeeyey, oo wax xun ka sheegay ee waa in uu raalli gelin baxshaa', Laakiin anigu Walad Cabdalla ayaan raalli gelin ka siinayaa is difaacidda saxafiyiinta ee aan salka lahayn.

Walad Cabdalla maxaa lagu qoonsaday?

1. Wuxuu yidhi Xaqiiqada kama warranto Saxaafaddu.

2/ Wuxuu la barbar dhigay saxaafadda Soomaalida, Idaacad Rwanda ku tiil bartamihii sagaashameeyadii lana oran jirey Radio Mile Collens, taas oo hurineysey ama dhiirri gelisey dagaalkii sokeeye ee dalkaas lagaga hoobtay.

Haddaba tan Soomaalidu maxay kaga duwan tahay? waxay kaga duwan tahay si bareer ah magacyada ay u danleedahay uma sheegto oo waa ka yara hufan tahay middaa, laakiin si dadban ayey colaadaha u huriyaan.

Qodobka kuwaad ee ah in aanay xaqiiqada ka warramin saxaafadda Soomaaliyeed waa dhab oo waxay u kala qoqoban tahay qabaailo waxanay fulisaa oo ay mid walba saaxiib la tahay danaha qolyaha kala duwan ee hor boodaya Soomaaliya.

Tan labaad, Iney colaadaha huriso saxaafadda Soomaalidu oo ay ummadda iska hor keento oo ay qayb ka tahay masiibooyinka dalka ka jira haddii aanayba ahayn tan ugu firfircoon anigaa hal milyan oo daliil ah u haysta.

Idaacado badan oo dalka ku yaal iyo website-yo aad u fara badan iney dagaallada si toos ah uga qayb galeen ma aha wax sir ah, sidoo kale ma aha wax sir ah in saxafiyiinta Soomaalida inta aqoonta iyo khibradda saxaafadeed leh in ay tahay tiro aad u yar.

Ugu dambayntii hadalka Walad Cabdalla waxaan u arkaa mid ka soo dahay wakhtigiisii ee ay haboonayd in goor hore la sheego, iyadoo saxaafaddu ay ummadda Soomaaliyeed ay beryahan u yeelatay faa'iidooyin dhinacyo kale oo ahmiyad leh sida helista wararka iyo cilmiga, taana ma aha mid aan inkirayo ee waa ay ku ammaanan yihiin.

Waa mahadsantihiin.

Nafiso Jaamac Nuur <nafisonalka@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2009


maraakiib shisheeyeMaraakiibta Shisheeye ee Kusugan Xeebaha Soomaaliya iyo
"La Dagaalanka Burcad-Badeedda"

iyo Ciidanka Maraykanka oo Badda Cas ka Qabtay 16 Soomaali ah oo Looga Shakiyey Burcad badeed.. Warbixin iyo Faallo. Q.1aad

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS