SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulanka loogu magacdaray nabada iyo rajada ummada somaliyed oo ey soo agaasimeed waxgaradka iyo aqoon yahanada beesha reer xaaji sulayman ee waqooyiga Amerika.

Kulan loogu magacdaray kulanka nabada iyo rajada ummada soomaliyeed  oo lagu taageerayo  Madaxweyne Sharif sheikh axmed oo ey  soo agaasimeen waxgaradka iyo aqoon yahanada Beesha reer xaaji saleyman ee waqooyiga Amerika ayaa maanta ka dhacay gobolka Minnesota  ee cariga mareykanka.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u balaaran oo lagu taageerayo dowlada cusub ee somaliya oo uu madaxweynaha ka yahay Shariif sheikh axmed .  kulankan oo qaatay saacado badan ayaa waxaa ka hadlay dad fara badan oo ey ka mid ahaayeen gudoomiyaha reer xaaji suleyman ee waqooyiga Amerika Jamac cumar Jimcale oo yiri “ Dagaalkii cadowga waa dhamaaday , aan u jeedsano nabada , aan ka wada shaqeyno  dalyeelka dadkeena iyo dalkeena aana taageero la garab taagnaano madaxweynaha rajada” .

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Caseer shidane cabdi wuxuuna yidhi “ Miyaanan eheyn dad muslimiin? Miyaanan eheyn dad doonaya nabad iyo dowladnimo?  Aan si buuxda u taageerno dowlada madaxweyne shariif sheikh axmed oo aan rajeyneyno in ey dib u soo celiso hanaankii dowladnimo, waxaana ugu baaqeynaa in uu sii dhameystiro nabada iyo wadahadalka”

Waxaa kaloo ka hadlay nabadoon Cumar maxamed hiloole oo sheegay “  Qof walba mas`uul ayaa ka saran in uu ka shaqeeyo nabada , mana ahan in madaxweynaha kaliya laga sugo ee aan isku tanaasulno oo aan u diir naxno shacabka “

Gabagabadii ayaa waxaa ka hadlay nabadoon cabdulle guutaale oo u soojeediyey baaq culumada somaliyed oo sheegay “  culumada waxaan ugu baaqayaa in ey midoobaan eyna la yimaadaan hal fikir taageeraana dowladooda uu madaxweyne ka yahay sheikh shariif oo kamid ah culumadeena, waxaan leeyahay ha u turaan shacabka tabaaleysan yeyna horboodin qalaasaha somaliya”.

Si kastaba ha ahaatee kulanka ayaa ku soo dhamaaday jawi heer sare iyadoo dadka qaar iskuna hambalyeenayey  Rajada Nabada iyo iftiinka dowladnimo ee dalka u soo ifbaxay.

Ma ahan markii ugu horeysay ey taageero xad dhaaf ah ku taageeran shacabka somaliyed waxa ey jecel yihin balse waxaa is weydiin mudan yaa hor istaagan danaha shacabka ?   balse guuxa shacabka  somaliyed eek u dhaqan dalka mareykanka ayaa ah mid u muuqda  rajo iyo iftiin.

Abdullahi Hussein Abdi  “ Macruuf “

Macruuf77@gmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS