SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Meelkadhaca iyo Aflagaadada Culimada waa laga fiican yahay 

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadibna waxaan salaanta islaamka halkan uga gudbinayaa akhristayaasha sharafta iska leh (A.C.W.W). 

Waxaa cajiib ah haddii ay ummaddu kala garan weyso yaa la xushmeeyaa, yaa la soo dhaweeyaa, yaa mudan in la karaameeyo, oo qofkii hadlaba meel ka dhac lagu sameynayo, oo aan leysu qiil sameyneyn. Ma iloowdeen mas’alada Diiniga ah ee oranaysa qofka caalimka ah ama shiikha ah, haddii uu mas’alo asiibo inuu leeyahay labo ajar, haddii uu ku khaldamana in uu leeyahay hal ajar. Maxaa loo oran waayay hadduu khaldamo wuu dambaabayaa. Waxaad halkaas ka dareemaysaa sida loo weyneeyay culimada, oo 24kii saac ummadda u halgameysa oo ka shaqeynaysa danahooda. 

Jimce 30kii January waxaa qudbaddii Jimcaha kaga hadlay qaabkii loo dhaariyay Xubnihii Baarlamaanka iyo sidi ay ugu dhaarteen dastuurka dalka loo qoray  fadiilatul Shiikh Maxamed Cabdi Umal, oo runtii aan oran karo maanta waa culimada sida weyn looga najaxay, oo meel walba aqoon iyo cilmi diineed ku fidiyay, oo guri walba aad tagto aad ku arkeyso cajalad uu duubay ama kutub uu fasiray. Shiikhu Maalinta uu Qudbadda aqrinayo weli lama dooran Madaxweynaha, oo ma oga xitaa cidda ku guuleysan doonta. Shiikhu si caam ah ayuu mas’aladaas uga hadlay, haddana nasiib darro waxey wax magarato baddan u fasirteen inuu kasoo horjeedo Madaxweynaha la doortay ee Shiikh Shariif. 

Shiikh Shariif waxaa lagu tirinayaa culimada Soomaaliya. Wuxuu ahaa ninkii shalay dastuurka Baydhabo lagu hayo ku tilmaamayey gaalnimo, wuxuu ahaa ninkii lahaa meel mawada fadhiisaneyno dowlad Dastuur ay qoratay wadata. Haddaba waa loo hanweynaa oo marna lagama fileyn isagoo ku dhaarnayaa dastuurkii uu ogaa in laga daawado idaacadaha adduunka, weliba la maqlayey wax ay ku dhaaranayaan. 

Waxaa kaloo cajiib ah in ay qaarkood tusaale u soo qaateen Puntland iyo Somali land, oo yiri waxa lagu dhaqo Dastuur calmaani ah. Ha iloobin puntland iyo Somali land lagama hayo ama horey umay oran Diinta islaamka ayaan isku xukumeynaa, laakiin Shiikh Shariif wuxuu ahaa hogaamiyihii maxkamadaha islaamiga ah, oo marna loogama fadhiyin tanaasul intaa la’eg. 

Anigu shaqsiyan weli waxaan ahay dadka aaminsan in Shiikh Shariif fursad la siiyo, oo aanan hadda laga hor degin, loona duceeyo. Runtii weli waxaan u hayaa kalsoonidii waagii uu maxkamadaha hogaaminayey. Waxa qoraalkan igu dhaliyay waa meel ka dhac lagu sameeyayzs Shiikh Umal, oo runtii aan la yaabay qaarkood heerka ay gaarsiiyeen Shiikha, oo xitaa ku tuhmayo qabiil, iyagoo qaarkood oranayey weligii kama hor imaan Cabdullaahi Yuusuf. 

Haddaba anigoo aan qoraalkan ugu talagalin inaan arimo baddan uga hadlo, ayaan waxaan kusoo gabagabeynayaa Soomaaliyeey Culimadiina karaameeya, oo iska daaya deg dega faraha baddan oo aad markiiba ku kaceysaan, isku daya inaad qofka u qiil sameysaan. Sidoo kale waxaan dhammaan soomaali meel walboo aad joogtaan idinka codsanyaa inaad dowladdan cusub aad iyadana is bar bar taagtaan, oo wixii khaladaad ah aad ugu cudur daartaan, fursadna aad siisaan. Ogaada sida aan marar baddan qoraaladeyda ku xusay Dowlad xumi dowlad la’aan bey dhaantaa, ee haloo duceeyo oo halala shaqeeyo inshaa’allaah. 
 

Qalinkii: - Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS