Goorma ayeynu baraneynaa ama fahmeynaa Micnaha ay Dowladnimo
Leedahay
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo
nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib
dhammaan aqristayaasha sharafta lahow iga gudooma salaanta
islaamka (A. C.W.W).
kadib bur burkii Dowladdii dhexe ee 1991, Soomaaliya waxaa
soo maray fursdado baddan oo lagu doonayey bal in Soomaali loo
soo celiyo qaranimadeedii, iyadoo siyaalo kala duwan leysugu
dayayey. Qaab walboo leysugu dayo in wax lagu soo dhiso waxaa
mar walba ka hor imaanayey shaqsiyaad iyagu dano gaar ah iska
lahaa, oo mar walba soo gashanayey shaarar ama soo qaadanay
kaarar kala duwan. Waxaan tusaale usoo qaadan karnaa, tii Cali
Mahdi, Kulankii Qaahira, Tii Cabdiqaasim, tii Cabdullaahi Yuusuf
iyo weliba middan hadda cusub ee Shiikh Shariif.
Adduunka oo idil mid waynu ula mid aheyn, oo ah in waddan uu
isbadal ka dhaco ama dagaal sokeeye. Laakiin mar walba waxaa
waddanka ay arimahaas ku dhacaan, u kaca bulshadiisa inta
wanaaga jecel, oo isku daya bal inay sharcigii iyo kala
danbeyntii waddanka soo celiyaan. Marna caqligooda ma galiyaan
haddii dowlad la dhiso reer hebel ayaa faa’iido ku qabta iyo
sidee ayuu nin reer fulaan ah noo hogaamiyaa. Mar walba waxa ay
ka duulaan danta guud ee waddanka, haddii la doono yaanay
danahooda qaaska ah ku jirin. Tusaale wanaagsan waxaan u soo
qaadan karnaa dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Yugaandha,
Ruwaanda, Zair iyo qaar kaloo fara baddan oo Afrikaan iyo dunida
kaleba ah.
Tusaale kaloo cajiib ah waxaan u soo qaadan karnaa, Yugaandha
markii uu ka dhacay Dagaalada sokeeye in ay jabhadihii isula
baxeen magaalooyinka bannaankooda, oo ay halkaas dhibkooda la
aadeen, halka waxgaradkii waddanka, aqoonyahanadii iyo weliba
inta damiirka waddaniyada ah iska leh ay gacan bir ah ku qabteen
hantidii gaarka aheyd ee uu Qaranka iska lehaa, sida agabkii ay
ku shaqeyn laheyd dowlad iyo weliba dokumentiga qaaliga ah ee uu
waddan leeyahay. Markii lakala adkaaday oo ay meesha maamul qura
uu u haray ayeey ku wareejiyeen. Alla nasiib badanaa kuwaasi
tolow malaha Soomaali waxba uma galin.
Annaga Soomaali ah waxa mar walba lala yaabaa waxgaradkeenii
iyo aqoonyahanadeenii oo uu qabiil ka guuxayo, oo mar walba si
khaldan u taageeraya qabiilkooda. Waa yaabee war waxaad
sheeganaysaa aqoonyahan, oo system kasta oo shaqeeya waxaad
tahay qof loo baahan yahay, maxaa kugu kalifay caqliyaddan
hooseysa ee ah in uu qabiilkaadu wax noqdo ama aad ka hor
timaado maamulka markaas jira. Maxaa kaa qaaday isku
kalsoonaantii lagu yiqiin aqoonyahanada.
Soomaaliyeey qof qabiil lagu soo dhaweeyo ama qabiil lagu
fogeeyo ina ay ku baabi’iso mooyee wallaan horumar lagu gaareyn.
Immisaa kula qabiil ah oo ay dhici karto in ay noloshaada ka xun
yihiin. Sidoo kale immisaan kula qabiil aheyn haddana wax baddan
kuu ogol. Shaqsiga hogaamiyaha ah marna haka maleysan in uu
wanaaga ka helo qabiilka uu yahay ama uu xumaanta kula yimaado
qabiilka uu yahay. Ogow mar walba wanaaga iyo xumaanta waa hibo
uu Allaah bixiyo, oo qabiil wax laga dhexlo ayaa iska yar.
Soomaaliyeey marna ma jiriiricootaan markaad aragto
waddamadii nala midka ahaa ama aynu annaga ka hormarsaneyn oo ku
haminaya horumar dhinac walba ah. Maku fakartay waxa halkaa na
dhigay mise doqonta iyadaa isu muuqata, oo weli waxaad joogtaa
reer fulaan maxay saakay u quraacdeen ama u qadeeyeen. Waxaan
xasuustaa innagoo ka tilmaaman waddamada dariska oo dhinac walba
uga horeyna. Waxaan xasuustaa Jabuuti markey xurriyadda
qaadaneysay in shaqaalihii badali lahaa kuwa caddaanka, oo
Soomaalida ahaa oo loogu tababarayo machadkii Sidam. Waxaan
xasuustaa Soomaali oo adduunka deeqo gaarsiisay sida deeqdii
aynu u fidinay Ciraaq markay dagaalka ku jirtay, tii aynu geynay
mar uu dhul gariir ka dhacay Yaman. Waxaan xasuustaa sidi aynu
illaa heer xorriyaded u soo gaarsiinay waddanka Eritaria.
Haddaba ma oran karnaa Soomaalidii waqtigaa joogtay ayaa ka
wanaagsaneyd kuwa hadda jooga mise odayaashii nin karameedka
wada ahaa wey naga dhamaadeen. Runtii wax ay ka wanaagsan tahay
ma jirto Soomaaliyeey in aynu xisaabtanno, oo aynu dib u qaadano
qalin iyo waraaq, oo aynu bal eegno maxaa inaga qaldan.
Soomaaliyeey wax baddan qoraaladeyda waan ku sheegay, sidoo kale
rag baddan oo iga kheyr iyo aqoonba baddan wey noo tilmaameen
dhibaatooyinka uu qabiilku na baday.
Soomaaliyeey innagaa fursadda siinay waddamadan dariska nala
ah ama waxa loogu yeero Beesha Caalamka, oo maanta gaarsiiyay
heer farta loogu yeero siyaasiyiin ku sheega na hor booda.
Soomaaliyeey haddeynu is aamino, oo ku kalsoonaano waddankeena,
wax walba weynu heysanaa oo allaah dhulkeena qani ayuu nooga
dhigay, ee bal aynu wax isu ogolaano, oo aynu ka harno qabiilkan
faraha looga gubtay.
Waxaan hadalkeyga kusoo gabagabeynayaa Soomaaliyeey weynu
lawada soconaa, waxa caalamka naga damacsan yahay, weynu la
soconaa inaanan noola ogoleyn in ay Soomaali oo mida soo noqoto,
weynu la soconaa sida mar walba siyaasiyiinta maanta na hor
booda loo kala gadanayo, haddana waxaa la yiri see xeego loo
xagtaa ilkona ku nabad galaan, Soomaaliyeey aynu bal fursad
siino dowladan lagu soo dhoodhoobay Jabuuti, oo aan ogahay
inaanay aheyn middii Soomaali ay doonaysay, laakiin dowlad xun
dowlad la’aan bay dhaantaa, ee aynu isku dayno inaynu la
shaqeyno oo wax baddan ka saxno. Soomaalidu waxey tiraahdaa
haddii aad weysid sidi aad rabtay, sida aad ka badin weyso ayaa
la yeelaa. Soomaaliyeey haddii xitaa aynaan la shaqeynayn aynu
ka dayno mucaaradnimada iyo hadal heynta ceebaalkeed.
Sidoo kalre waxaan leeyahay Shiikh Shariif, inta aad la
tashato dad wanaagsan oo wanaaga iyo kheyrka la saaxiibka ah,
ayeey mar walba dowladdaadu ay yeelanaysaa tayo, ee haddii aad
ag fariisato afar qabiil googooyey ama aanan diyaar u aheyn inay
dowlad Soomaaliyeed oo macno leh hana qaado, ogow mar walba
halkii ayaa la taagnaanayaa, oo jidkii ay maraan raggi kaa
horeeyay ayaad qaadeysaa. Maanta meel walba wey joogaan rag
wanaagaaga jecel oo doonayaa inaad noqoto hogaamiye daacad ah ee
horseed u noqda soomaali meel walboo ay joogto, ee raadi
qolyaha, kuwa kuu soo kala ordaya ogow mar walba inta shar
wadeenka ah ayaa ku baddan. Shiikh Shariifow Malaga yaabaa inaad
qaado jidkii laguugu yiqiin ee waagii maxkamadaha, oo runtii
Soomaali baddan ay weli halkaa kugu tirinayaan, mise waxaa noo
soo noqonaya Shiikh shariif kale.
Soomaaliyeey haloo duceeyo dowladdan cusub, oo allaah aynu ka
barino inuu kheyrkeed na waafajiyo Sharteedana allaha naga
xijaabo.
Hadalkeygai waa iga intaas, wixii wanaag ah oo aan asiibay
waxey u sugnaatay Allaah, wixii xumaan iyo khaladdad ahna waa
nafteyda iyo Sheydaan.
Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social development Adviser saicentadv@yahoo.com Faafin: SomaliTalk.com | Feb
6, 2009
|