SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Noolashii awoowgiis Sheekh Maxamuud Sheekh Muuse.

Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed marka aad maqasho magiciisa ama aad akhriso noolashiisa waxaa kugu dhalanayo dareen ah in uu yahay shakhsi mudan qadarin ixtiraam mudnaana ku dhax leh bulsha waynta Soomaaliyeed dhaxdeeda. Hadaba marka aad la kulanto qof aqoon uleh madaxwayne Sheekh Shariif lana soo noolaaday arinta macno dheeraad ah ayay yeelanaysaa. Akhristayaasha Soomaaliyeedeey meelwalba oo aad joogtaan idinka oo mudan sharf waxaan jecelahay in aan idin lawadaago ama aan idin baro shakhsi la soonoolaaday Sheekh Shariif ilaa yaraantiisii asaga oo diraar u ah si amaano ay kujirto in uu diyaar uyahay in uu umada Soomaaliyeed meelwalba ay joogto baro qofka uu yahay Madaxwaynaha ay doorteen.

Maalindhawayto doorasahdii madaxwayne Sheekh Shariif kabacdi ayaa ilaahay wuxuu qadaray in aan lakulmo muwaadin Soomaaliyeed haystana dhalashada wadanka Newzland magiciisana layiraahdo Yusuf Macoow. Aniga iyo dhoowr ruux oo kale ayuu Yusuf Macoow nooga sheekeeyay noolasha iyo shaqsiga uu yahay Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Hadaba umada Soomaaliyeedeey gaar ahaan akhristayaasha boga SomaliTalk.com Online waatan Yusuf Macoow tilmaantii uu kabixiyay madaxwayne Shekh Shariif ee akhris wacan...

"Hadaan kuhormaro Sheekh Shariif awoowgiis oo layiraahdo Sheekh Maxamuud Sheekh Muuse, Sheekh Maxamuud sida aan kawariyay Culimadadii iyo Mashaayikhdii lasoo noolaatay waxay ii sheegeen in Sheekh Maxamuud oo ah Sheekh Shariif awoowgiis uu ahaa "Sheekh lagu yaqaanay fidinta diinta Islaamka, sdioo kalane uu ahaa Sheekh waqtigiisa oo dhan kubixiya dib uheshiisiinta, iyo kaalmada inta baahan ee tabarta daran ". Yusuf Macoow wuxuu kudaray hadalkiisa "Aniga abtigay oo Sheekh Maxamuud uu sheekh u ahaa ayaa ii sheegay "In uu Sheekh Maxamuud uu ahaa Sheekh dadkii markaas lanoolaa ay jecelyihiin marwalbana uadeegi jiray dadka uu lanoolaa".

Yusuf Macoow mar uu ka sheekeenayay kaalinta uu kaga jiray Sheekh Shariif awoowgiis u adeegida bulshada asaga oo dhinaca kalana ahaa Sheekh diintana baro dadka ayaa hadana uu ahaa Sheekh xaliyo khilaafaadka iyo mashaakilka ka dhaxtaagan bulshada. Yusuf Macoow wuxuu tilmaamay "Abtigay wuxuu ii sheegay in Sheekh Maxamuud dhamaan Shabeelada Dhexe laga yaqaanay, xiligaas uu noolaa Sheekh Maxamuud Yusuf Macoow wuxuu tilmaamay "Abtigay wuxuu ii sheegay Xiligaas uu noolaa Sheekh Maxamuud waxaa ka jiray Shabeelada Dhexe dagaalo ba'an oo markaas udhaxeeyay labo beelood oo kamid ahaa beelaha dagaan ahaan dego Shabeelada Dhaxe.

Yusuf Macoow waxaan waydiinay yay ahaayeen beelaha uu markaas dagaalka udhaxeeyay ee Sheekh Maxamuud uu heshiisiiyay? Yusuf Macoow wuxuu sheegay asaga oo yidhi "Abtigay wuxuu ii sheegay xiligaas asaga ah waxaa dagaalamayay oo jiray dagaalo udhaxeeyay Beelaha Xawaadle iyo Beelaha Abgaal oo ku dagaalamayay magaalooyin kamid ama xadka laba beeloow ay kawadaagaan Shabeelada Dhexe ayuu yidhi Yusuf abtigiis.

Yusuf Macoow wuxuu noosheegay asaga oo kasheekaynayo Sheekh Maxamuud kaalinta uu kaqaatay u adeegida bulshada ayaa Yusuf Macoow wuxuu nala wadaagay "Abtigay wuxuu iisheegay "Haweeneey ayaa utimid maalin Sheekh Maxamuud asaga oo akhrinayo cashar diini ah way sugtay ilaa uu casharkii kadhameynayay markii dhameeyay caharkii ayay tiri "Sheekh Maxamuudoow dan ayaan kaaleeyahay, Waayayahay ayuu ugu jawaabay gabarteey,. "Haweenaydii Sheekh Maxamuud waxay uga sheegatay ninkeeda oo uu hada kahor kumehriyay Sheekh maxamuud, "Intii ay eeda Sheeganaysay haweenayda Sheekh Maxamuud waa uu dhageeysanayay si uu ufahmo haweenayda waxa ay kasheeganayso ninkeeda, Sheekh maxamuud wuxuu fahmay in haweenayda ay kasheeganayso in ninkeeda ragnimadiisii ay yaraatay oo ay ragnimo ku haysan, Sheekh Maxamuud Wuxuu kuyishi haweenaydii "Aan kuu deceeyee soo ilaahay kaama siinin ilmo ayada oo haweenayda ay sadex ilmo udhashay ninkaas asaga ah ee ay kadacwoonayso, "haa ayay tiri haweenaydii laakiin "Sedexdaas in kabadan ayaan rabaa Sheekh Maxamuudoow ee ninkan iga fur wax rag nimo ah kuma qabo ayay kutiri haweenaydii Sheekh Maxamuud.

Sheekh Maxamuud waa fikiray asaga oo kacodsaday haweenaydii iyo haween kale oo magaalada joogo in loo soo aruuriyo, haweenkii ayaa loo soo aruuriyay Sheekh Maxamuud, markuu uyimid haweenkii kubilaabay hadalkisa "Yaan uduceeyaa, hadalkaas markii ay maqleen haweenkii ayaa inta ayna kajawaabin ayaa waxaa gacanta taagtay haweenaydii udacwootay Sheekh Maxamuud oo tir "Sheekh Maxamuudoow anaa ducadaada Qaadanayo ee iiducee". Kabacdi Sheekh maxamuud haweenkii wuxuu amray in ay guryahooda iska aadaan asaga oo usheegay "Haweenaydaas ayaa ducada maanta qaadatay". Yusuf wuxuu noo sheegay in asaga oo kawarinayo abtigiis "Waxaa ilaahay uu siiyay ilmo farabadan haweenaydii asaga oo kasiiyay ninkeedii ay kadacwoonaysay.

Sheekh Maxamuud Sheekh Shriif awoowgiis dowladii Aadan Cade Xiligeedii ayaa wuxuu arkay in lagu tartamayo oo booska nin walbo uu rabo in kugaadho dan gooni ah, dadkii kutartamay oo isla qooys ahaa ayuu isu gu yeedhay oo uu kuyidhi "Inta idinka oo walaalo ah aad kutartamaysaan isku hal qooysna ah maad adeeryaaloow isu tanaasushaan, way kagoows qabsadeen kabacdi Sheekh Maxamuud wuxuu sameeyay qorti tuur in qofkii kusoobaxaa qortuurkaas uu kamid noqonayo doowlada. Ysuf Macoow wuxuu noosheegay "Qori tuurkii uu markaas ameeyay Sheekh maxamuud waxaa kusoobaxay Cali Mahdi asaga oo kacodsaday intii kale in ay uga haraan walaalkood. Yusuf Macoow wuxuu tilmaamay "In uu ahaa Sheekh Maxamuud qof Muxsin ah oo wanaag jecel, Qof Sheekh ah oo Diinta dadka baro, Qof nabadgalyada iyo dib uheshiisiinta jecel ayuu yidhi Yusuf sida uu kasheegay Abtigiis.

YUSUF MACOOW IYO SHEEK SHARIIF.

Yusuf Macoow wuxuu tilmaamay in uu aqoon dheer uleeyahay madaxwayne Sheekh Shariif. "Shariif meel ayaan kusoo wada barbaarnay, isku da'a ayaan nahay, dagaalkii sokeeye kabacdi waxaan wada biloownay 'Ganacsi, Markaan aragnay xaalada dalka uu marayo iyo dagaalada markaas jiray iyo in ay umada is qalanayso ayaan Shaadooyin udirsanay wadanka Suudaan saan waxbarasho uga helno oo aan uga baxno wadanka". "Ilaahay mahadii anoo maalin marayo Suuqa Bakaaraha waa 1992 ayaa nin igaranayay igu yidhi "war nin yahoow nin baa sacuudiga kayimd, waraaq ayuu wadaa, waraaqdaana magacyo ayaa kuqoran oo ah arday laga soo aqbalay wadanka Suudaan in ay wax kabartaan ee in aad kujirto ayaa laga yaabaa ee nakeen anaa aqaano ninka meesha uu joogo aan utagnee". Yusuf wuxuu sheegay ninka in uu kayimid wadana Sacuudiga laakiin waraaqda nin katagay Suudaan oo sacuudiga tagay ayaa usoo dhiibay. "Ninkii ayaan utaganay waraaqdii ayuu natusay, magacayga iyo Sheekh shariif ayaan kagartay, ninkii intii uu iidhabay waraaqdii ayuu igu yidhi "Adeer adaa iga firaaqo roonee raadi ardadan si ay uga faa iidaystaan fursada". Yusuf wuxuu yidhi "Halkii ayaan kabilaabay in aan raadiyo ardadii markaas ayada ah majirin taleefano iyo meel laga wada xariiro."

"Lix arday ayaan helnay oo aniga iyo Sheekh Shariif aan kujirno, halkii ayaan kasoobaxnay anaga oo soo marnay dhulka ilaa aan kagaarno Itoobiya oo aan uga sii gudubnay wadanaka Suudaan. Yusuf Macoow ilmo ayaa kasoo daadatay marka uu kasheekaynayay safarkii dheree ee ay kumareen xadka Soomaaliya iyo kii dheeree ee xadka Itoobiya iyo Suudaan. "Maqsadkaanagu ama ujeedadaanadu waxay ahayd in aan helno waxbarasho, wadankana aan kusoo laabanao marka aan waxbarashadaanada dhamaysano." Yusuf tilmaan ayuu kabixiyay Sheekh Shariif oo safarka kula wehliyay. "Sheekh Shariif waa shakhsi sabir badan nin ka adkaysi badan ma arag, maalmo dhan oo aan wax cunin intaan jidka kusii jirnay wuxuu marwalba nagu lahaa "Aan sabarno waa dhawnahaye, quraanka ayuu marwalba akhrisan jiray asaga aya salada natujin jiray, ilaa aan Suudaan kagaadhno.

Yusuf Macoow Wuxuu tilmaamay "Nasiib wanaag Sheekh Shariif isla markiiba wuxuu ugudbay Gobol oo markaas ay degnaayeen qooysas soomaaliyeed." "Mudo bilo ah anaga oo Suudaan Joogno ayaa taleefan laga soo diray Kenaya Nayroobi ayada oo ay noo sheegeen dadka soo hadlay in ay si dag deg ah loo gu baahan yahay Sheekh Shariif. waxay noo sheegeen "In Sheekh Shariif uu yimaado nayroobi boos bixitaan ah ama dhoofid ah ayaa loo hayaa ee si dad dag ah haku yimaado ayay nafareen dadkaas ayaga ah ayuu yidhi Yusuf. "Anaga markaas waxaan joognaa Khartuum, asagana Gobol fog oo layiraahdo "KURDUFAAN" "Fariintii waan gaar siinay anaga oo kuboorinay in uu fursadan kafaaiidaysto maanta waana fursad qaali ah. "Yusuf wuxuu yidhi "Sheekh Shariif wuxuu nagu yidhi war idhaafa dhoof marabee waxbarashadayda ayaan iska sii wadanayaa". Yusuf marka uu noo sheekaynayay wuxuu nagu yidhi "ilaahay miyuu adoomadiisa latashan ilaahay midan ayuu soo waday".

Yusuf Macoow wuxuu sheegay "Sheekh Shariif in uu kuxanuunsaday gobalkii oo ay kaneeco kucuntay, kabacdi waa uu noo yimid asaga oo nooga soo gudbay wadanka Liibiya oo halkaas uu waxbarashadiisii uu marwalba ku hami waynaa uu kudhameeystay, Wadankiisii uu ku raja waynaa in uu wax u qabtana uu kulaabtay, hadee intaas inta kadanbeeyso idinka ayaan idiin daynayaa maxaa yeelay "Markuu wadanka tagay iyo dadaalkii uu bilaabay iyo maanta meesha uu joogo waan wada aragnaa".

Yusuf Macoow waxaan waydiiyay rajada uu kaqabo in Sheekh Shariif kasoo baxo xilka loo dhiibay Yusuf wuxuu yidhi "Sheekh shariif kaliye ma'aha inaga oo dhan ayaa maanta waajib nawada saaran yahay, in aan garab istaagno, unaseexayno, latanino, waa walaakaan, . "Shakhsi uga haboon in Soomaaliya ay maanta hogaanka uqabto oo umada isku keeni karo majiro oo uga haboon Shariif ayuu yidhi Yusuf. 'Waxaan si walaaltinimo ah uga codsanayaa qalbi furan walaaladay kasoo horjeestay Shariif in ay sugaan, markuu yimaado ay uyimadaan ay lafadhiistaan ay waydiistaan waxwalba oo ay tabanayaan. maxaa yeelay aqoon ayaan uleeyahay Sheekh Shariif "markaad wax ushagaysid wuu ku dhagaysan, wuuna kugu soo jawaab celin".

"Umada Soomaalieed labaantankii sane ee lasoo dhaafay rajadii uga wanaagsanayd ayaa aan haysanaa maanta, ilaahayoow rajadaanada ha seejin ayuu yidhi Yusuf oo ay kamuuqatay dareen ah in uu naxdin kaqabo walaalkiis uu garanayay oo maanta qabtay xilkii uga sareeyay in uu gudan waayo xilkaas. Yusuf Macoow wuxuu yidhi "Waxaan soo xasuustay markuu Rasuulka NNKH kuyidhi ABUUDAR ALQAFAARI "Abuu dariyoow waxaad tahay qof tabar daran, masuuliyadana waa amaano, maalinta qiyaamana waa lagu waydiin" Yusuf wuxuu yidhi :Sheekh Shariif waxaan udardaarmayaa "Walaaoow qofwalba oo kaa soo horjeesta, kumucaarado, utag, lafadhiiso, hub kawanaagsan oo la adeegsado maanta majiro in aad tiraahdid qofwalba "Walaaloow". ayuu yiri Yusuf Macoow

Akhristayaal kaasi wuxuu aha Yusfuf Macoow oo tilmaan kabixinayay Sheekh Sahriif iyo noolashiisii awoowgiis Sheekh Maxamuud.

Xiish Cadaawe,
Australia.
xiish3@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS