SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORMO

Dilka Saxafiyiinta Firfircoon ee Gudaha Dalka Yaa Ka Danbeeya?

Waxaanu Mar Kastaa Maqalnaa Dilka saxafi Muhiim ah Iyadoo Sanadkan Gudihiisa Madaxa Laga Toogtay Laba Saxafi Inta aanu ognahay Xasan MAYAW Xasan IYo Saciid TAHLIIL Axmed,

Dilka saciid oo ah mid aan la garaneyn cidda ka danbeysay ayaa hadana waxaa muuqata in Hogaaka Urrurka Shabaab uu la balamay iyadoo eey jiraan eedeymo loo jeedinayo Ragga La balamay saxafiyiinta ,Balse eeda ayaa ah maxaad amaanka saxafiyiinta u sugi weydeen maadaama aad adinka balansateen? ilaa hadda lama hayo cid si cad u tuhunta ururka alashabaal marka laga reebo shakiyo ey muujinayaan dadka qaar laakiin Afhayeenka ururka al shabaab ayaa isaga iskaba fogeeyay in eey wax lug ah ku leeyihiin dilkaasi ,in kastoo wareysi uu siiyay Idaacadda VOA ee Wadanka mareykana Shalay uu yiri ," Raga xaga noo joogo waxey ii sheegeen in marka kulanka uu dhamaadey oo ey baxeen la dilay sacid"

Balse mar uu wariyahu ku celiyay oo uu u sheegay in wariyaha la dilay in ta eey u sii socdeen kulanka eey la yeelanayeen Saraakisha al shabaab ayuu si xeeladeysan uga jwaabay,taasi oo keeni karta wax xoogaa Tuhuna,

Gabagabdii waxaanu cambaareeneynaa Dilka xaqdarada ah ee loo geeystay Saciid TAHLILAxmed oo ahaa saxiib muda dheer, iyo wadani ka shaqeeya Nabada gacan ka xaqdaranina eey dishay Iyada oo uu hawl maalmeedkiisa shaqo ku guda jiro,

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Hassan Ismacil (HassanNuur)
xnuur11@hotmail.com
Seattle,Washington

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS