SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA

 Tacsi Tiiraayo leh oo ay dirayaan Dhamaan Suxufiiyinta Soomaliyeed ee ku sugan Koonfur-Africa

Dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Ku sugan dalka Koonfur-Africa ayaa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan bahda Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunidda ka joogan, gaar ahaan qoyskii, eheladii uu ka geeriyoodey iyo Ummada Soomaaliyeed Alle ha u naxariistee marxuum Wariye Siciid Tahliil Axmed oo kooxo hubeysan ay ku dileen agagaarka Shirkada Xawalada Dahabshiil ee Magaalada Muqdisho 04/02/2009 xili ku guda jiray xirfaadiisa warbaahineed.

Ilahay waxaan uga baryeena Janaddii Fardowso Alle ha ka waraabiyo, qoyskii iyo Caruurtii uu ka baxayna marxuum Siciid Tahliil Axmed samir iyo iimaana Alle haka siiyo.

Allah ha u naxariisto Siciid Tahliil Axmed waxa uu ahaa nin caan ku ah hawsha saxaafadda Soomaaliya, waxaana uu ahaa nin wax badan ku soo dhex jirey saxaafadda dhibaateysan ee Soomaalida.

Waxaa lagu xasuusta Marxuum Saciid Tahliil ALLE ha u naxariistee, Barnaamijkii dood-wadaag ee ka bixi jiray Radio Horn-Afrik Iyo Telefishinka-ba sida kulanka Jimcaha ama hadal haynta Jimcaha oo ahaa Barnaamij aad loo xiseeyo oo kas oo gali jiray Idaacada Horn Afrika Barqanimada Maalin kasto oo Jimca ah. Sidoo kale Dood wadaaga, oo asna ka bixi jiray Idaacada iyo TV-ga horn afrik, waxuuna ahaa Saxafi inta badan Dood ka sameeyo Barnaamijyad ay Dadku xiseynayaan, waxuuna dood uq aban jiray Shaqsiyaadka Magaca ku dhex leh bulshada,

Sidoo kale Siciid Tahliil waxaanu ahayn saaxiib aad is kugu dhow xiligi aan ku sugnaa magaaladda muqdisho, waxaana u ka mid ah wariyaashi sida aad iga caawiyay in aan ku sooo biiro hanaanka saxaafadda xiligaas,Siciid Tahliil waxaan ku xasuusta shaqsi wanaag, iyo waliba nin Isku xiraa dhamaan suxufiiyinta soomaaliyeed meelkasto jooganba.

Allah u Naxariisto Siciid Tahliil Halyeey Dhintey oo mudan in taalo looga dhiiso Soomaaliya ayuu ahaa,
 


Wariye; Hassan YeeY
Koonfur-Africa
Johannesburg.
yeey18@hotmail.com

Ururka eey kumideysan yahiin suxufiyiinta dibad jooga ah ee magalada nairobi ayaa canbareyaay dilka Agaasimahii Ideecada Hornafrik ee magalada muqdisho Saciid Tahliil Axmed.

Guddiga wariyaaha Soomaaliyeed ee dibad jooga ayaa siweyn u canbaareynayo dilka loo geystay agaasimihii idacada Hornafrik Saciid Tahliil Axmed oo lagu diley Muqdisho

Wariyaasha oo isugu yimid kulanka ayaa waxaa ka muqaneysay murago aad uxoogan oo aay ooga xunyahiin dilka loogeytay Agasimahii Ideecada Hornafrik ee magaalada muqdisho Saciid Tahliil Axmed .

Dhinaca kale Ururka Suxufiyiinta dibad jooga ayaa waxa aay uu sheegeen in marka loo eego dilalka isa soo taraya yahiin kuwo in badan oo ka tirsan Suxufiyiinta ku ridi kara baqdin ugu danbeytii sababta in qaarkood farahaba ka laabtaan howlaha ay u hayaan Bulsho weynta Soomaaliyeed, isaga oo Ururku baaq u diray Dowladda cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed si markaa isha loogu hayo xaalada ay ku sugan yihiin Suxufiyiinta ka howlgasha gudaha Dalka Soomaaliya..


Allaha u naxariistee Saciid Tahliil ayaa waqtigii la dilayay isaga iyo Agaasimayaal kale oo ka mid ah Idaacadaha Muqdisho waxay ku sii jeedeen meel ay Ururka Alshabaab ka waceen oo la filayay inay ku kulmaan Agaasimayaasha Idaacadaha iyo Saraakiisha Alshabaab.

Suxufiyiinta ayaa si wada jir ah Tacsi ugu diray Dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo waliba Eheladda Alle ha u Naxariisteen Saciid Tahliil Axmed oo ahaa shaqsi u taagan mihnadiisa shaqo, waxaana uu lee yahay Ururku Alle ha u Naxariisto Saciid Tahliil Qoyskiisiina Samir iyo Iimaan Alle ha ka siiyo.


Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa dilka agaasimaha idaacada Horn Afrik iyadoo aan sidoo kale la garaneyn kooxaha dilka u geystay agaasimaha idaacada Horn Afrik Saciid Tahliil Axmed.

.Dilka Saciid Tahliil ayaa waxaa uu noqonaya kii Labaad oo sanadkan gudihiisa ka dhaca Soomaaliya,iyadoo bishii lasodhaafay Degmada Afgooye lagu dilay Alla ha u naxariistee wariye Xasan Mayoow Xasan oo ka tirsanaa Idaacadda Shabelle ee Muqdisho

Arintan ayaa dhabar jab ku noqoneysa Suxufiyiin badan oo kusugan dalka kenya jecel iney kulaabtaan hadii soomaaliya nabad loohelo inta badan waxaa eey hadal hayaan cida dilka ugeysaneysa wariyaasha Xorta ah iyo ideecada madaxa banaan
isku sowada doboo dhamaan bahda saxafada soomaaliyeed ee kusugan magalada nairobi ayaa Tacsi udiray Eheladii iyo Qarabadii Caruutii uu katagay marxuun Saciid Tahliil Axmed . Inalilaah wa Inaa ilahay rajacuun.

Cabdiraxmaan Diiriye Nuur
Nuure1000@hotmail.com
Nairobi Kenya

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS