SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulan Looga Hadlayay Doorka Saxaafadda Koonfur Afrika Ay Ku leedahay Bulshada Qaxootiga ku ah Oo Ka Dhacay Magaalada Johannesburg Ee Gobalka Gauteng.

Waxaa Maanta Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika Ka dhacay kulan looga hadlayay Doorka Saxaafada ay ku leedahay bulshada Qaxootiga iyo sidii Xal waara loogu heli lahaa Dhamaanba arimaha ku sabsan Jinisi Kala Sooca oo wadankaani Mid Caan ah ka noqotey sanadii ina soo dhaaftey ka dib markii Kumanaan kun oo qaxooti ku ah ay barakiciyeen Dadka u dhashey Dalkaani Koonfur Afrika.

Shirkani oo ahaa midkii ugu horeyey ee looga hadlo Doorka ay ku leedahay Saxaafada Dalkaani koonfur afrika wax ka qabashada Midib kala sooca ,Jinisi Nacaybka iyo Isfahanka Bulshada qaxootiga ku ah Dalkaani koonfur afrika iyo Saxaafada, ayaa waxaa soo qaban qaabisey hay ad lagu Magacaabo MA ( Media Africa) oo iyadu ka shaqeysa arimaha Saxaafada Afrika Kana howl gasha Wadamo badan oo ku yaala Qaarada Afrika Cilmi baarisna ka samaysey arimaha bulshada dhaxdeeda inta badan yeela sida Jinisi kala sooca iyo waxii la mid ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno ka soca Jaaliyadaha Qaxootiga ku ah dalkaani koonfur afrika iyo Sidoo kale Saxafiyiin qaxooti ku ah.

Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Hay adda MA (Media Africa) oo ah hay adda kulankaani soo qabanqaabisey iyo Jaaliyadaha Qaxootiga ku ah Dalkaani Koonfur Afrika oo ay ka mid ahayd Jaaliyada Soomaalida Koonfur Afrika oo Marka Magaceeda la soo gaabiyo Loo yaqaano (SASA),oo si qoto dheer uga hadlay xal u helida Mushkiladda Jinsi Nacaybka iyo Xariirka ka dhaxeeyn kara Saxaafada Dalkaani iyo Bulshada Qaxootiga ah.

Ugu horeyn waxaa furitaanka ka hadlay Ms. Anna William oo ku hadlaysey Magaca MA ayaa waxay ka qeybgalayaasha shirka uga mahadcelisay waqtiga ay u soo hureen in ay ka soo qeybgalaan shirka looga hadlayo Doorka ay saxaafada koonfur afrika ka qaadan karto sidii looga hortagi lahaa jinsi Nacaybka iyo sidii la isku fahamsiin lahaa bulshada qaxootiga ku ah dalkaani iyo shacab waynaha reer koonfur afrika oo modooyinkaan danbe la soo baxay caado xun oo ah jinsi faqooq midaas oo wali la xasuusto samayntii ay ku yeelatey bulshada qaxootiga ku ah dalkaani koonfur afrika gaar ahaan Bulshada Soomaalida ee qaxootiga ku ah dalkaani koonfur afrika.

Intaas kadib waxaa Doodo kulul is dhaafsadey Bulshada qaxootiga ku ah dalkaani koonfur afrika oo ay ka mid tahay Jaaliyada Soomaaliyeed oo iyado mar walba u ololeysa kana soo horjeeda arimaha jinsi sooca ah ee ka dhanka ah dadka qaxootiga ku ah dalkaani, waxayna si qoto dheer uga doodeen suurta galnimada in la helo saxaafada ku hadasha Magaca Jaaliyadaha qaxootiga ku ah oo u dhaxeysa saxaafada dalkaani koonfur afrika iyo shacab waynaheeda si loo helo is fahan ku yimaada Labada bulshadood dhaxdooda taasna waxaa keeni karta in la helo marka hore dad aqoon durugsan u leh saxaafada iyo Fahamka Bulshada qaxootiga ku ah dalkaani.

Waxaa kale oo ka hadalay Xog haya Ururka Saxafiyiinta Soomaalida Koonfur Afrika CabdiNaasir Sheekh Bashiir oo soo jeediyay khudbad soo koobeysay dhibaatada ay reebtey Jinsi kala sooca iyo sida ay muhiim u tahay in la helo bulshada iyo saxaafada isfahamkooda midaas ay ka caawinayso in la meesha ka baxdo waxa loogu yeero Jinsi kala sooca.

Waxaana ka mid ahaa hadaladii uu kulanka ka jeediyey " Bulshada Caalamku waxaa furu ah ah Saxaafada oo dhinac kasto loo adeegsado Hadii loo adeegsado dhinaca san waxaan aaminsanahay inay imaan lahayd isfahan ku yimaada bulshooyinka qaxootiga ah iyo shacabka reer koonfur afrika,marka sidee ayay suurtagal ku noqon kartaa in Saxaafada loo adeegsado qaab qaldan oo ay bulshado u ahayd afkooda midaas oo la rabo inay si dhax dhaxaad ah ugu shaqeyso bulshooyinka wada daga hal meel dhaxdooda. "ayuu yiri Cabdi Naasir Sheekh Bashiir .

Ugu dambeyntiina waxaa meesha ka hadlay Ms.Sandra Botha oo ka mid ah hay adda MA waxayna ka sheegtey kulanka in Bulshooyinka iyo saxaafada dalkaani koonfur afrika ay muhiim tahay inay la yimadaan isfahan oo ay laf dhabar u noqon karta inay yimadaan isbedelo Arrimaha jinsi kala sooca ama takoorka bulshooyinka dhaxdooda yaala midaas oo ay qayb muhiim ah ka ciyaari karto Saxaafada Dalkaani, waxaana ka mid ahaa hadaladii " Ururada Bulshada iyo saxaafada oo is biirsada lana yimaada is fahan dhaxdooda ah mar kasta waxay cod cad oo aan qarsooneen u yihiin hormarka lagu tilmami karo dal ama wadan uu leeyahay .

Waxaana ka mid ahaa hadaladii " Aniga waxaan aaminsanahay in xal u helidda mushkiladda Jinsi kala sooca ay noqotey waayadan danbe mida loogu hadal haynta badan yahay bulshooyinka dhaxdooda waliba xasuus gaar ah waxay ku reebtey Midii dhacdey sanadkii tagey ee 2008 ee loo yaqaano xenophobia ayna qayb lixaadlah ku leeyihiin samaynteeda saxaafada dalka oo qaarkood six un loo adeegsadey iyagoo adeegsanaya erayo lidi ku ah jiritaanka qof ama bulsho midaas oo ay beesha caalamka ama saxaafada calaamkuba ay ka wada hadleen aduunkuna uu ka hadlay marka waxaa muhiim ah in is faham ku yimaada saxaafada iyo bulshada qaxootiga ku ah dalkaani ay qayb wayn ku leeyihiin Warbaahinta midaasoo wadada saxda ah loo adeegsado, waxayna qeyb ka qaadan kartaa sidii arrintaas looga hortagi lahaa" sidoo kale waxay ku dartay hadalkeeda in xalku uu ku imaan karo oo kaliya is fahamka labada bulshadooda midaasoo ay qayb lixaadleh ka qaadan karto warbaahinta soona afjari karto waxa loogu yeeray Jinsi kala sooc ama dad faqooq.

Sidoo kale waxaay hadalkeeda ku soo gabagabeeysey in Saxaafadu muhiim u tahay in ay wada shaqeyn la samayso Bulshada qaxootiga ku ah dalkaani koonfur afrika sidoo kalena ay sii wadi doonto la shaqeynta qeybaha kala duwan ee Jaaliyadaha ku nool dalkaani koonfur afrika

Waxaana rajeynayaa ayay tiri in maalin uun guul laga gaari doono hadi la badiyo wadatashiga isku xirnaashaha bulshada iyo Warbaahinta oo ah mid muhiim u ah labada dhinacba.

Si kastaba ha ahaatee kulankaan ayaa ahaa midkii ugu horeyey oo lagu qabto wadankaani koonfur afrika iyadoo lagu Casuumey inay ka soo qaybgaleen Jaaliyadaha ku nool dalkaani koonfur Afrika ayna soo qabanqaabisey hay adda MA (Media Africa) oo iyadu ah mid ka shaqeysa Arimaha Saxaafada Afrika iyo Xaquuqul Insaanka kana hawl gasha wadamo badan oo ku yaala qaarada Afrika , Waxayna ku balameen in la sii wado kulamada noocaan oo kale ah ee looga hadlayo arimaha u dhaxeeya bulshooyinka dhaxdooda si loo helo ama lo gaaro xal waara oo lana baa biyo waxa loogu yeeray Jinsi kala sooc ama jinsi faqooq.

Jaaliyadihii kulanka isugu yimid oo ay ka mid ahayd Jaaliyada soomaalida Koonfur Afrika ayaa soo jeediyey in la sii wado kulamo noocan oo kale ah oo ka dhaca Guud ahaan Dalka oo dhan Gaar ahaan meelaha ay sida xun waxyeelada loogu gaystey dadka qaxootiga ah eek u nool dalkaani koonfur afrika.

Mohamed Ismail

mismacil@live.co.za

Johannesbrug, South Africa

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS